Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Friday, April 23, 2010

MSF oo indhaha fiiqayso




Calaamada MSF
Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka bilowday olole loo bixiyey Haddiyadda aragga, oo indhaha loogu fiiqayo ilaa 500 oo qof ayaa waxaa fulinaya hayadda caafimaadka ee MSF.
Dhaqaatiirta fulinaysa qaliinkawaxay isugu jiraan dhaqaatiir Soomaali ah iyo kuwo u dhashay Pakistaan, oo uu hormuud u yahay Dr Abdirazak Ahmed Dalmar oo ah doctor ku taqasusay cudurada iyo caafimaadka indhaha, ahna maamulaha isbitaalka indhaha ee Al-nuur ee Muqdisho.


Waraysiga Dr Dalmar

Abdinur Maxamed oo khadka telefonka gaalkacyo ku warystay ayaa Dr Abdirazak Dalmar wuxuu uga waramay hawsha indha-fiiqidda ee ay wadaan.

Qanyare: Adan-Madoobe waa dhacay


Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in muranka u dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaal 300 kor u dhaafay oo u arka in xilligiisii dhammaaday, uu hadda meel xun gaaray.
Waxaa uu Qanyare ku tilmaamay in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo isagu maalmahanba ku kala dhex jiray Guddoomiyaha iyo mudanayaasha ku kacsan uu hadda la saftay Guddoomiyaha.

Qanyare wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu ku xad gudbay Axdi Qarameedka Soomaaliya.

Mudanaha oo si toos ah ugu warramayay barnaamijka Dunida iyo Maanta ee BBC, wuxuu ku taliyay in loo hoggaansanaado qaanuunka.

Mudane Qanyare oo hadda jooga Muqdisho wuxuu ka mid yahay mudanayaasha doonaya in xilka laga xayuubiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Wuxuu ku doodayaa in shirkii Djibouti markii uu socday uu Guddoomiyuhu ku dooday in isaga xilkii shanta sano ee loo doortay ay ka harsanayd 8 bilood.

Sidaa darteedna, maaddaama aanuu isagu is casilin, cid riddayna aanay jirin uu xilkiisa sii haynayo ilaa 21-ka Augost 2009.

Xilligaas markii la gaareyna Guddoomiyuhu wuxuu kala diray Baarlamaanka ayuu yiri, wuuna diiday in la fariisto.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, Cusmaan Cilmi Boqorre, ayaa isaguna qaba in uu shir guddoonka Baarlamaanka xilkii ka dhammaaday.

Isaga oo jooga Tehran ayuu Boqorre BBC u sheegay in isagana xilkii ka dhammaaday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay murashax u taagan in uu noqdo Guddoomiye ku xigeen.

Waxaa jira iyaguna mudanayaal kale oo la safan Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo u arka in shirkii Djibouti uu ahaa heshiis la gaaray in Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaashuba ay xilka haynayaan 2 sano iyo 8 bilood.

Wafdi reer Djibouti ah, oo uu horkacayo, Wasiirka Arrimaha Diinta, Cali Xaamud Suldaan, ayaa Muqdisho ku sugan kuwaas oo isku dayaya in ay u caqli celyaan dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo, oo ka wada tirsan dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya.

Thursday, April 22, 2010

USA iyo African Union oo ku baaqay in La Xoojiyo Howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya

Xubno ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa socdaal ku gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka halkaas oo kula kulmeen masuuliyinta wadankaasi oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah.
Masuuliyin ka tirsan Dowlada Maraykanka gaar ahaan waaxda u qaabilsan amuuraha qaarada Afrika iyo xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arimo ay ka mid tahay xaaladihi ugu dambeeyey ee Soomaaliya.
Masuuliyinta Midowga Afrika ka socday oo ka tirsan guddiga nabadgalyada ee Ururka ayaa ka waramay howlaha ay Ciidanka AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee hoos tega iyaga,waxaana ay sii qoto dheer uga warameen waxyaabaha u qabsoomay inta ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Xubnaha Dowlada Maraykanka ayaa sheegay in ay taageero diyaar la yihin Ciidanka AMISOM,waxaana ay ugu baaqeen in xoojiyaan howlahooda ayna sii balaariyaan.sidoo kale waxaa ay wadamada qaarada Afrika ku yaalla ee hore u balanqaaday in ay Ciidan usoo dirayaan Soomaaliya si deg deg ah arintaas u fuliyaan.
Kulankaas ayaa kusoo dhamaaday in la xoojiyo howlaha ay Ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ay wadaan ayadoo loogu baaqay Beesha Caalamka in ay taageero balaaran siiyaan Dowlada Federaalka oo iminka cadaadis xoogan kaga yimi Xoogaga Mucaaradka kasoo horjeeda

Tuesday, April 20, 2010

Djibouti oo dastuurka beddeshay

Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti ayaa maanta go'aansaday in xilka Madaxweynenimada la hayn karo saddex xilli oo xiriir ah.


Taas uu Macanaheedu yahay in Madaxweynaha hadda xilka haya, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu mar saddexaad u tartami karo jagada Madaxweynenimada oo hadda uga eg sannadka soo socda.
Dad ayaa ayaguna ku bannaan baxay baarlamaanka hortiisa, kuwaas oo taageersan in dastuurka wax laga beddelo si madaxweynuhu uu mar saddexaad ugu tartami karo xilka.
Waxay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya waxqabadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay ku dalbayaan in uu xilka ku soo laabto.
Baarlamaanka Djibouti oo ka kooban 63 mudane, si buuxda ayuu isugu raacay wax ka beddelka dastuurka Jamhuriyadda Djibouti.
Fadhiga maanta waxaa goob joog ahaa 59 Mudane dhammaantood Haa ku codeeyay.
Xasan Cali

Angelina Jolie oo u damqatay Soomaalida

Angelina Jolie oo u damqatay Soomaalida

Angelina Jolie iyo Brad Pitt iyo carruur ay korinayaan

Angelina Jolie, waxay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda kumanyaal qof oo ku barakacay colaadda Muqdisho.

In ka badan 170 kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa khasab ku noqotay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Soomaaliya tan iyo sannadkan billowgiisii.
"Xanuun ayay igu haysaa qiimeyn la'aanta nolosha aadanaha ee Soomaaliya ka taagan" ayey tiri Angelina Jolie oo ah Danjire sharafeed, hey'adda Qaxootiga ee QM, UNHCR, waxay tiri.
Dad fara badan ayaa ka qaxay Muqdisho. Qaar kalena wey ku hareen, kuwaas oo barakacay isla markaana aan haysan wax ay ku noolaadaan.
"Dadkaas noloshooda ayaan u baqayaa" ayey tiri Angleina Jolie, iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tiri " waxaan ugu baaqayaa kuwa ku dagaallamaya Muqdisho inaysan madaafiicdooda iyo hubka kaleba la beegsan xaafadaha shacabku deggan yahay"
Anglina Jolie aabbaheed Jon Voight ayay la jishay Tomb Raider
Hadalka Angleina Jolie, wuxuu sii xoojinayaa, baaqii dhowaan uu sameeyay Madaxa Hey'adda Qaxootiga, Antonio Guterres oo ku baaqay in caalamku u dhug lahaado gacanna ka geysto bulshada nugul ee ku dhibaateysan Soomaaliya.
UNHCR waxay ku tilmaantay in dagaallo isdaba joog ah iyo ammaan darro guud ay ka dhigtay wax aad u dhib badan in hey'adaha gargaarku ay gaaraan dadka bara kacay.

UNHCR waxay tiri in ka badan 1.4 milyan oo ruux oo Soomaali ah ayaa barakacay, kuwaas oo guryahooda ka qaxay kuna sugan dalka gudihiisa.
Waxaa intaa dheer 570 kun oo ruux oo Qaxooti ku ah gobolka.
Angelina Jolie, waxaa dhalay jilaa isaguna caan ku ah aflaamta Hollywood, oo magaciisa la yiraahdo, Jon Voight.
Jon Voight, aflaamta lagu yaqaan waxaa ka mid ah Mission Impossible.

Bashir Dahir Dhabayaco

 Melb-Australia

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey