Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Wednesday, June 30, 2010

HEESTA MAXAAN XABADEEY KU NACAY IYO BASHIIR

 MAXAAN XABADAY KU NACAY!!                                           WAA Hees aad iyo aad uqiiro badan
ee ka bogosho wacan asxaabey waxaana idiinku talo galay xuska maalinta 1da luulyo
dalkana Allah ha nooga dajiyo siduu haatan yahay:
miraha heesta waxaa ka mida:-

KU Dalxiis dalka Soomaaliya

Dalkeena waa dalka kaliya ee aan la arkin dunida meel la mida markii loo eego
dhanka khayraadka Bad iyo Birriba iyadoo uu Ilaahay nagu mannaystay haddana waan ku
qooqnay nimcadii uu Alle nagu galladaystay saa oo ay tahayna waan garanwaynay ka faa'iidaysigiisa.

Geeraar iyo xasuus aad uwacan{Daawasho}.!!!

Geeraar ku saabsan xaalka dalkeenu yahay
W/T:(Bashir Dahir Dhabayaco)

Dunidaba dhammaanteed Dadaalbey galeenoo
Daarey dhisaayaan Dalkooday cammirayaan
Dadaal la'isku dhaafyo Daruuraha agtoodiyo,
dayaxaa la dagayaa taasaa la doorbidey
inaa lagu dakeeyaa Dowr wacan la gaara
Dadkaygow annaguna dadba daa warkiise
Dawrkeena wacaniyo dadkiibaan qalaynaa,

Xooga Dalka Soomaaliya daawasho wacan

Muuqaalkan waxaa uu ka turjumayaa siduu ahaa xooggii dalka saamaaliya waqtigii Dawladda soomaliya ay jirtay isla markaana loo yaqaanay soomaaliya Libaaxyada Afrika,

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Qadar iyo munaasabaddi 1da Luulyo ee sanadki hore

WAA sanadkii hore(2009) iyo sidii ay u dhigeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka qadar
daawasho wacan in sha allah ilaah ha noo hagaajiyo dalka iyo dadkaba soomaalina ha isku soo cesho

Xasuus wacan waa Dagaalkii1977kii

waa Dagaalkii 77kii immisa aya ka soo wareegtay ma la iswaydiiyeyse soomaaliya siday ahayd iyo waxii loo yaqaanay soomaaliya(libaaxyada Africa).

waqtigaase dadka kala reebee maxaan ku danbeynay soomaaliyey soomaaliya waa in laga waantoobaa sidaan haddii kale silicu waa sii kordhaayaa .

ALLOW DADKA NOO HADEE

ALLOW DALKA NOO HAGAAJI

alla daa'imow adaa daalacane

kuwa nagu dangiigsaday naga dulqaadoo

alla daa'imow dalka noo hagaaji

Aaaaaaaamiiiiin allahayow.

Daawasho wacan ayaan idin leeyahay heeso badan oo xasuus leh ayaa dulsaaran oo aad kaga dheehanaysaan inta aad daaawanaysaan waxaana idin leeyahay dalkana haloo dadaalo dhalinyaroy.

Bashir Dahir Dhabayaco

Melb - Australia

Tuesday, June 29, 2010

Waa tee Maalinta 1da Luulyo ?!!!!.

1da luuliyo Waa Tee??!!!!
Waxaan marka hore ugu hambaleyeynaa dhammaan ummada Soomaaliyed munaasibadan qaaliga ah ee 1da Luuliyo. Waxaan leeyahay farxad ku ciida isla markaana dib ha loo eego taxanaha taariikhda gobanimadoonka Soomaaliyeed.
Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto,iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah,kuwaasoo la xuso oo laga sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay.Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran,mid qoys,iyo mid shakhsiyeed oo midba mudnaanteeda loo xuso,taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo,oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin diini ah,iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan
Hadaba maanta oo ah 1da Luuliyo sanadka 2008 oo ahayd maalin taariikhi ah,isla markaana xusuus dheer mudun,ahna maalintii la heley dawlad soomaali ah ee ugu horeysey ee dad Soomaaliyeed oo xor ah Maamulaan,isla markaana la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid Soomaali leedahay
Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u diyaar garoobayaan xuska 1-da Luuliyo oo ah maalin taariikh qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadaas waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.
1da luuliyo Waa Tee??
1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada , 1dii luuliyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya.iyo 26 juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee.
waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah: “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey taariikh iyo waayo kala duwan.
Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.
Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”
Sooyaalka Taariikhda Halganka Soomaaliyeed
Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad inta ayan bilaaban duulaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir, Kismaayo, Berbera & Bandar qaasim. “Boosaaso” Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen dadka Soomaaliyeed.
Waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.
Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday gumeystaha waxay ahaayeen kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” sida la ogsoonyahayna ahaa halgankii Soomaaliyeed kan ugu caansanaa ahna,halgamadii uu ugu horreeyey ee lagaga soo horjeedey gumeystaha .
Axmad Garaad Ibraahim “Axmad Guray “oo halgankiisu bilowday 1528 dhammaadayna 1543. Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabihii boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii Xabashidu waxaay ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca.
Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii halgankii Daraawiishta oo 21-sanadood dagaal ay ku naf waayen kumanaan mujaahidiin ah,ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa gobolada Waqooyiga, khaas ahaan goboladii xarunta u ahayd Daraawiishta waxaa hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan, waxaana daraawiishtu halgan wayn ay kula jirtey gumeystihii ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.
Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta, qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu lagu sheegey inay ahayeen DH9.
Sida taariikhdu qorayso ugu danbeyntiina Halganka Daraawiishta ayaa halkaas ku jabey, kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur waxaa la sheegaa in Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii Noofember 1921dii.Tix Kamid ah Gabayadii Saydka ee Guubaabaad ahaaAnaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col aheDalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha ehAnaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayneAnaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataaleAnaa diiday maantuu laha duunyo iga hooyemarkay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabaneKolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqoneDiintayda anigaan ku gaadn dabakhi NaareedeAnaan labada Daarood tan hore darajo moodayne
Dardaarankii uu Sayid Maxamed ka tagay:Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaayeDirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaanemarka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiyeMarka xigana dabbakhaada waa idin dareensiinemarka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha ehMarka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada ehMar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafaywaxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahemaxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiye
Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo dhiigooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ah halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa halgamayaashii gobannimada Soomaaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ka yahay dhamaan gudaha Somaliya.
Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee calanka Somalidu xambaarsan yahayay. Kaas oo ah:
1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay
Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12kii Oktoobar 1954tii isaga oo ka dhex babaday calamadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.
iyadoo halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib loogu celin lahaa dhulyowgii dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu wadaagay ama qeybsaday. Horraantii sanadkii 1940kii waxaa qeybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay.
Sidoo kale Waxaa iyaguna la xusi karaa Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943.
Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.
Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen
1.Yaasiin Xaaji Cusmaan
2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin 3.Cusmaan Geddi Raage

4.Maxamad Faarax Hilowle 5.Maxamad Cusmaan

6.Maxamad Xirsi Nuur 7.Daahir Xaaji Cusmaan

8.Xaaji Maxamad Xusseen 9.Cali Xassan Maslax

10.Maxamad Cabdulle Xassan 11.Maxamad Cali Nuur

12.Dheere Xaaji Dheere 13.Khaliif Hudda macalin

13 -kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed, waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna la midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

dhalinta haatanse ma hawaysanaysaa wadadii ay mareen dhalintaa soo hoyisay qaranimadii somaliwayn in sha allah waxan ka rajaynayaa in ay ka quusan naxariista Eebe una istaagaan.

Waxaase nasiib daro noqotay in Daraawiish iyo dadkii taageersanaaba aanay ka helin wax abaal ah dawladihii Soomaaliyeed ee xoriyada ka dib awooda qabtay.
Maalintaas qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa abayaashii Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal Soomaaliyeed oo madaxbanaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si gobonimo leh.
Aabayaashii u soo halgamay dhismaha iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed waxey dagaal siyaasadeed oo ka culus kii gumeystaha reer Yurub ay gaashaanka ugu dhigeen Cadowga Xabashida.
Waxaa Xusid mudan in maalintaas ay ku noqotay Xabashida xidig ku soo baxday oo ay dabooliweysey.
Dadka Soomaalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin dad wax iska caabiyay gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan.
Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo, hasayeeshe nasiib darro in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin, hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay.

1da luuliyo waa maalin qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii soomaaliweyn.

Xiligaasi waxaa la doortey madaxweyne waxaa loo doortey Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo isugu bishan ookale dabaayaqadeedi June ee sanadkii 2007 ku geeriyoodey magaalada Nairobi laguna aasay muqdisho, Waxaana sidoo kale Ra’iisul Wasaare loo doortay C/rashiid Cali Sharma’arke oo labaduba ka soo jeday goboladii koonfureed, meesha Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Cali Garaad Jaamac oo ahaa odayaashii horkacayey siyaasiyiinta reer Waqooyi ay nasiib u heleen jagooyin wasiiro ah, halkaas oo ay ka bilaabatay wax isu quudhi waa iyo kala sed bursi awoodeed oo kow u noqday Soomaalidii sida walaaltinimada ah isugu soo hilowday.
Si Kastaba ha ahaatee ummada Soomaaliyeed oo in badan ku hamin jirtey in la helo qaran Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Somaliweyn ah, ayaad hada moodaa in ay adag tahay sida lagu heli doono xataa Soomaaliyar, ama labadii qaybood ee isu tegey oo hada leh laba madaxweyne iyo maamul, waxaa maanta lagu qoslaa ninkii ka sheekeeya Somaliweyn,iyadoo halgankii lagu xoreyn lahaa NFD, OGADENIA, ay ka danbaysey in ay maanta intii kaleba ku jiraan gacan gumaysi cusub, oo cadaan iyo madowba leh.
Maantay oo ay 1da Luuliyosoo galayso waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday , sharaftii iyo cisigii ay soomaali lahaydna ay manta tahay mid ku dayacan daafaha dunida oo dhan.
Soomaaliya oo ku jirtay 20 sano ku dhawaad fawdo iyo majarahabow, hadana ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.
Hasa ahaate Soomaaliya sida aay u Indho la´dahay uma Alla-laá, lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah, dawlad soo celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan.

Qaranka iyo Xorriyadii la Helay waa la quursadaye

Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helaye

Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey

Waa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye

( Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalloc)


waxaa kale oo nasiib darro ah in aan maanta si wacan loogu xusayn gudaha wadanka soomaaliya maalintaan aadka ugu wayn dadka iyo dalka soomaaliyeedba iyadoo ay dadkii u dhashay ku ciyaarayaan xasiloonidii iyo amnigii wadanka iyo dadkaba oo maanta loo huwanyahay Diiiiiin!!.


waxaa sharaf xumo ah in maanta aan ku xusayno maalintaan aadka u wayn dalal shisheeye

sidee ayay ahaan lahayd soomaaliya oo lagu xusayo maalintaan iyadoo loowada jiro bal

qofkastow qiyaas maxaad dareemi lahayd ayaad isleedahay!!!!, soomaaliya oo maalintaan fasax inta la yahay la xusayo maalintaan aadka u wayn Ilaah ayaan ka baryayaa in uu noo soo celiyo goba nimadii iyo wada jirkii soomaali wayn in sha Allah waa ay imaaaaaan mar un .

waxaan idiin wada rajaynyaa soomaaliweyney in ilaah isku kaaya soo cesho oo isku kaaya xasiliyo aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin aaaaaaaaaaaaaaamiiiiiin aaaaaaaaaaamiiiiiiiiiin.


Bashir Dahir Dhabayaco

Melbourne - Australia


Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari

shil gaari oo uu ku dhintay Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta P/land (29/06/10)Abaandulihii Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Allahu naxriiste Col.Maxamed Salaad Warsame ayaa ku geeriyooday shil gaari ka dhacay meel u dhow degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo la hadlay warbaahinta maxalligaa ee boosaaso goor dhowayd ayaa sheegay in shilkaas gaari uu ka dhacay tuulada Adisoone oo dhowr iyo toban kilomitir u jirta degmada Qardho.

Meydka Taliyaha ayaa waxaa daqiiqado ka hor la gaarsiiyey Isbitaalka degmada Qardho oo halkaas yaallo,waxaana aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeysay shilkaas gaari.

Shilka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah askarta la socotay Abaanduulaha iyo dareewalka gaariga ula socday oo laga deyrinaayo xaaladiisa caafimaad oo ah mid liidata.

Wararka ayaa sheegaaya in Abaanduulaha iyo Ciidan la socday ay kusii jeedeen degaanka Uurjire ee gobolka Karkaar halkaas oo uu ka dhacay dagaal Beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyey labo beelo oo walaalo ah.

allhoryal
boosaaso- somalia

War Deg-Deg ah:-Booliiska Kenya oo dilay Wiil

War -Dag-Dag ah:-(29/6/2010) Booliska kenya oo dil u gaystay wiil ku sugnaa goob ganacsi:-
Warar daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in Booliiska Dalka Kenya ay Xaafada Islii ku dileen.

Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ay dil u geysteen gudaha Xaafada Islii wadada 7-Ka Ee Magaalada Nairobi.

Qof goob jooge ah ayaa noo sheegay in wiilkan la dilay oo ku sugnaa Xaafada Islii gaar ahaan Wadada 7-Ka.

wiilka la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa muwaadin soomaaliyeed halka qaar dadka ka mid ahina ay sheegayaan inuu ahaa Oromo.
si kastaba ha ahaatee Wiilka la dilay ayaa waxaa dilkiisa masuul ka ahaa Booliiska Dalka Kenya kuwaasi oo la sheegay in ay ugu galeen goob ganacsi oo uu lahaa wiilka la dilay ka dibna uu hadal dhexmaray isagoo ku yiri maxaa cadaynaya inaad boolis tihiin kadibna ay mid kamida isku dhaceen oo rasaas ay la beegsadeen.

Sida warka nagu soo gaaray Ciidanka Booliiska waxa ay Wiilkaasi ku dul dhajiyeen Waraaq ay ku sheegayaa in uu yahay nin Tuug ah taasi oo aan la ogayn sababta keentay.

booliska dilka gaystay ayaa ahaa 2nin oo ah kuwa loo yaqaanno C.I.D-da kenya kadibna ay carareen raggaasi .
waxii ka soo kordha waan idiin soo gudbinaynaa in sha allah

allhoryaal
NBI -Kenya

Wednesday, June 23, 2010

Julia Gillard oo reysal wasaaraha wadanka Australia loo doortay

Julia Gillard oo loo doortay reysal wasaaraha wadanka Australia
Julia Gillard ayaa saakay kalmaddeedi ka soo horjeedisay dhammaan baarlamaanka waana hawaynaydii 1aad ee loo doorto raysal wasaare wadanka autralia iayadoo hormuud u ah xisbiga labor-ka oo saakay loogu doortay si aqlabiyad ah.

Julia Gillard waa hawaynayda kaliya ee isku dayday inay reysal wasaare ka noqoto wadanka iyadoo ku guulaysatay Gillard, waxay horay u ahayd wasiirka waxbarashada ee australia iyadoo sidookale ahayd ku xigeenka raysul wasaaraha haatan looga badiyay codaynta ee Kevin Rud.


"waxaan rumaysnahay in qofkasta oo booskan jooga inuu noqonayo mid aad u buuxa layaab iyo waliba sharar leh sida naftiisa inuu ku istaago" ayay tiri maray hadlaysay Gillard


mrs Gillard in badan ayay siyaasadda wadanka ku soo jirtay iyadoo haatan noqotay madaxa wadanka australia

halkaan ka soo rogo warbixita oo dhan iyo daawashoba:-
halkaan ka sii daawo qaybo ka mida hadaladii doorasha Julia Gillard ka gadaal
wariyaashu ay waraysteen Michael Foreshow oo ka mida xubnaha P/lamanka gaar ahaan xizbiga Labor-ka

Bashir Dahir Dhabayaco

Melbourne - Australia

Wasiirro Somaliland oo is casilay

wasiiro somaliland oo iska casilay jagadii wasiirnimo ee ay hayeen
Hargeysa waxaa isku casilay casilay caawa (Arbaca) laba Wasiir oo ka tirsan dowladda Somaliland.
Xasan Macallin oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada iyo Axmed Cali Ubaxle oo ahaa Wasiirka Warshadaha ayaa labaduba is casilay.
Waxay Wasiirradu ku tilmaameen in is casilaaddooda ay sabab u tahay in ay u arkeen murashaxooda, oo ahaa Madaxweyne Rayaale uu ula muuqday in uu ka gaabiyay tartanka.
Wasiirrada waxaa hadalkooda ka dhadhameysa in ay u janjeeraan xagga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Wasiirka Madaxtooyada iska casilay, Xasan Macallin waxaa tilmaamay in uu ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha.

Wasiirkii Warshadaha, Axmed Cali Ubaxle, isagu toddobaadkii hore maruu uwaramayayBBCda ayuu usheegay in xisbiga uu markaa ka tirsanaa ee UDUB iyo musharixiisa oo ah Madaxweyne Rayaale ay ku guuleysan doonaan doorashada.
Hadda waxaa uu leeyahay, arrinku sidaa ma ahan.
Is casilaaddani waxay ku soo beegantay, iyada oo Ssabtida 26-ka Juun ay dhacayso cod bixintu.
Waxayna dad badani u macneysan karaan in ay labadan siyaasi ay yihiin rag danahooda ka arkay xibiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Dowladda Madaxweyne Rayaale weli wax war ah kama soo saarin is casilaadda Wasiirradan.


Allhoryaal

HARGAYSA

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Bosaso

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay boosaaso xarunta G/Bari.

Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis.
Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka.
Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka ku sugnaa goobtaas.
Khasaaro culus ayaa gaarey ciidanka qaraxa lala beegsaday,waxaana ilaa iyo 8-askari la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso oo halkaas lagu dabiibaayo.
Sidoo kale waxaa geeriyooday askari kale oo isagu dhaawac culus soo gaarey kaas oo la geeyey Isbitaalka gaarka ah ee Puntland, askarigaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Maxamed Siciid “Hogaama laroor” oo ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Bosaaso ayaa warbaahinta maxalligaa u sheegay in dhaawaca 8-askari ay iminka la tacalayaan isla markaana ay dhaqaatirta ku mashquulsanyihiin.
Sarkaal caafimaadka oo ka waramaya khasaaraha qaraxa geystay
Ilaa iyo hada lama sheegi karo cida ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday Ciidanka amniga ee Puntland, waxaana iminka socda baaritaano ay wadaan Booliska.
allhoryaal
boosaaso somalia

Tuesday, June 22, 2010

hooyadu waa lama huraan iyo Carays C Karshe (A.U.N)

waa inaan walaalayaal ku dadaalnaa Baarrinimada waalidka, hooyadana la maqlaa si aanu uhelno naxariista Eebe waayo Jannadu waxay tahay hooyada labadeeda cagood hoostooda,marka waa inaan noqonnaa Baarriyaal waalidkana u asxaan sameeya oo aanan caasinin.

500 arday ayaa ufariistay imtixaanka Jaamacadda East Africa

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan Jaamacadda
East Africa ee magaalada garoowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Monday, June 21, 2010

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATO

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATO
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xeebta Bosaso kula kulamay madaxda ciidamada la dagaallanka burcad-badeedka ee NATO ee ku sugan xeebaha ku aaddan Soomaliya waxana kuklankaas lagu soo qaaday iskaashi ay labada dhinac ka yeeshaan dagaalka lagula jiro burcadda badaha.
Waa markii ugu horraysay ee saraakiisha NATO ay la kulmaan madax heer wasiir ah iyadoo ay horay ula kulmeen madaxda degmoyinka iyo gobollada oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo warbaahinta uga
waramayay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay in la isla eego wixii ka soo baxay kulamadii ay saraakiisha NATO la qaateen madaxda degmooyinka iyo gobollada iyo kuwii dhaqanka sida ay u arkeen iyo talooyinka maamulku ku kordhin karo arrimihii la isla gartay.
Waxaa kaloo kualnkaas lagu soo qaaday sida wasiirku sheegay in la isla eego sidii iskasahi buuxda looga samayn lahaa dagaalka burcadda badaha iyo baahiyaha jira ee maamulka Puntland ka hasyta dhinacyada hawlaha la xiriira dagaalka burcadda gaar ahaan dhinaca qalabka, iskudubarridka hawlahaas iyo tababarrada.

Wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage wuxuu sheegay in waxa ugu muhimsan ee kulamadan ka soo baxay ay tahay kalsooni xagga wadashaqaynta ah iyo in ay arkeen in maamulka Puntland dawlad iyo shacab ay ka go'an tahay dagaalka uu kula jiro burcadda badaha.
Meelaha ka tirsan Puntland ee ay weli ku hareen burcadda badaha sida magaalada Garacad ayuu si gaara farta ugu fiiqay wasiirku inay ciidamada NATO ka wada hawlgeli doonaan oo ay soo afjari doonaan.
Allhoryaal
Bosaso-somalia

Kala qeybsanaanta Jabhadda ONLF oo sii korodhay

Waxaa waayahaan danbe sii kordhayay kala qeybsanaanta ka dhexjirta ONLF. Garab sheegtay inay ka tirsan yihiin ONLF ayaa heshiis la galay dowladda Ethiopia.

Garabka ka mid ah ururka ONLF oo uu hoggaaminayo Salaaxudiin Xaaji Macow ayaa sheegtay inay iyagu yihiin ururka sharciga ah ee ONLF, waxayna sheegeen inay heshiis horudhac ah la galeen dowladda Ethiopia.

Salaaxudiin Macow oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay saraakiil Ethiopian ah heshiis kula saxiixdeen dalka Germany.
Salaaxudiin wuxuu sheegay in heshiiskan marka uu dhaqan-galo uu ciidankiisa ku amri doono inay iska xaadiriyaan xeryo militari oo ku yaala guddaha gobollada Soomaali galbeed Ethiopia.
Heshiiskan iyo sheegashada Salaaxudiin ayaa waxaa si weyn uga hadlay oo u naqdiyay Jabhadda ONLF garabka Admiral Maxamed Cumar Cismaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka garabkaasi, Caddaani Hirmooge ayaa maruu u waramayaylaanta afka soomaaliga ee VOA-da u sheegay in Salaaxudiin uusan ka tirsananayn jabhadda ONLF.
Dhinaca kale, C/weli Xuseen Gaas oo isna sheegtay inuu madax ka yahay garab kale oo ka tirsan ONLF ayaa VOA-da mar uu la hadlayay sheegay inuu yahay garab sadexaad oo ka tirsan ONLF, wuxuuna labada garab ee kale ku eedeeyay kuwo aan matalin jabhadda ONLF.
Faarax Cabdisamad oo wax ka qora arrimaha gobollka Soomalida Ethiopia ayaa sheegay in kala googa'a ku yimid ONLF ay faaiddo ugu jirto dowladda Ethiopia.


Haddaba halkaan ka soo rogo waraysigii iyo akhrisba oo ay ka qaaday laanta afka somaaliga ee VOA-da



B D Dhabayaco
Allhoryaal
Melbourne - Australia

Bandhigga Buugga Burcad Badeedda Iyo Qoraa Sare Guruu Daahir

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 xaflad ka dhacday Hotelka Amal Plaza ee magaalada Bosaaso.

Tuesday, June 15, 2010

Maxamed Nuur Fadal Taariikh kooban

Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii beelaha Somaliland 1884kii

Madaxweynaha Puntland khudbadii uu Ka Jeediyey Furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii Baarlamaanka, Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo qaadatay 35daqiiqo, waxaana uu ka hadley arimo badan oo ku saabsan arimaha gudaha ee Puntland iyo safaradii uu dalalka shisheeye ku tegay.

Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa tacsi u direy Baarlamaanka Puntland xubnihii ka dhintey mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen kuwaas oo qaarna la diley qaarna ay ku dhinteen shil gaari, Madaxweynaha ayaa sheegay in kuwo badan oo dilkaas geystey la hayo, waxaana rajayneynaa in ciqaabtooda la mariyo ayuu yiri.

Safaradii Dibadda

Madaxweynaha ayaa ka hadley safaradii tirada badnaa ee isaga iyo wasiiradiisu ay ugu baxeen dalalka deriska ah iyo kuwo fogba, safaradaas ayuu sheegay in qaarkood ay salka ku haysey dad cadow u ah Soomaaliya in ay dalka ka shaqeysteen isla markaana ay faafiyaan arimo siyasadeed, oo Puntland liddi ku ah, waxaana laga dhigtey Soomaaliya mashruuc iska taagan, in aan arimahaas ka daba tagno lagama maarmaan ayey ahayd in aan meel ku ogaano.

Itoobiya

Ugu horeyntii waxa uu ka hadley safarkii Itoobiya oo uu sheegay oo arimo muhim ah in ay inagala dhexeeyaan, waana muhim in aan xiriikraas joogteyno, waxaana dhawaan u safraaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdi uu hogaaminaayo si xiriirka Itoobiya iyo Puntland loo adkeeyo isla markaana loo gala hadlo arimihii u danbeeyey.

Kenya

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley socdaalkii uu ku tegay dalka Kenya, waxa uu Kenya ku tilmaamey in uu yahay dalka ay fadhiyaan hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya,hay’adahaas oo xiriir badan inaka dhexeeyo, waxyaabaha aan halkaas u tagney oo aan wax ka soo qabanay waxaa ka mid ahaa been abuur laga sameeyey Puntland intii ay jirtey oo dhan, taas oo ah in ay Puntland ay hormuud ka tahay arimaha Burcadbadeeda, maamuladu la shaqeytaan, waxaana arintaas sameeyey rag la yaqaan oo weligood Puntland ka soo horjeeda, kuwaas oo ugu danbeyntii shaqo ka heley International Monitering Group, waxaana qaatey warbixintaas UN-ka waxaana ka mid ahaa in ay jiraan niman argagixiso ah oo ku sugan buurta Galgala iyo rag kale oo lagu eedeeyey Burcadbadeed, laakiin waxaa cad in Puntland ay tahay meesha keliya ee Burcadbadeeda lagala dalaamo, taas oo UN-ka hay’adda u qaabilsan denbi baarista ayaa qirtey, ayuu yiri Dr.Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qirey waxyaabaha ay u tageen dalka Kenya in ay ka mid ahayd isbedelkii lagu sameeyey hay’adda PIS-ta taas oo muran badan ka dhashey isbedelkii lagu sameeyey, waxaana u tagney waddamo kale ee taageero inaku siiya arimahaas sidii aan u qancin lahayn, Waan soo dhamayney arintaas, waxaana weli socda dib u habayntii iyo sidii hay’ad dawladeed looga dhigi lahaa ayuu yiri Dr.Faroole.

Istanbul

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii caalamiga ahaa ee Istanbul, waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa kii u horeeyey ee caalami ah oo Puntland lagu casumey, shirkaas ayaa ahaa sidii hay’adaha caalamiga ah dawladaha deeqaha bixiya, ganacsatada waaweyn ay isaga kaashan lahaayeen arimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in khudbadii Soomaaliya uu jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, laakiin Puntland halkaas ay ka jeedisey khudbad ku aadan dhanka ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay baahiyo badan oo ka jira Puntland shirka geeyeen waraaqona ka sameeyeen, laakiin baaqii ka soo baxay Shirkii Istanbul ay ku soo baxeen laba mashruuc oo ah garoomada diyaaradaha ee Bosaso iyo Garoowe in la taageero oo laga qaybqaato dhismahooda, macnuhu waxa uu ahaa in kasoo qaybgalayaasha iyo deeqbixiyaasha loo bandhigo in ay arimahaas wax ka qabtaan, Laakiin baahiyada kale ee ka jira Puntland dhamaan waan qaddiney, “Majo dhooqo marba mid ayaa la bixiyaa” ee iyagana waan sugeynaa oo marba wax inaan qabano ayaan rabnaa, ayuu madaxweynuhu ku yiri khdubadiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudadii shirku socdey ay adkeyd in shirkadaha iyo deeq bixiyaasha kulamo toos ah lala qaato, taas ayaana nagu kaliftey in aan ilaa laba maalmood oo danbe ku sugnaano Istanbul, waxaana u gudbiney hay’adaha aan meesha isku aragney warqado, casumaado iyo sidii aan wax u wada qabsan lahayn.

Imaaraadka

Dr.Faroole ayaa sheegay in markii ay ka soo duuleen istanbul ay yimaadeen Imaaraadka Carabta, maadaama Imaaraadka Carabta uu ahaa dhul dhisme aad u xoogan ka socdo kaas oo hadda istaagey isla markaana laga heli karo qalabka lagu dhiso garoomada iyo dekadaha oo aad u raqiis u ah, qalabkaas ayaan ururiney, kadibna waxaan ka codsanay mid ka mid ah Imaaraduhu in ay nagu taageeraan sidii qalabkaas aan ku heli lahayn, rajo weyn ayaan ka qabnaa in aan qalabkaas helno, haddii aan weyno anaga iyo ganacsatada ayaa iska kaashanayna, waxayna noqoneysaa intaan ayaan haysanaa ee yaa wax kudaraaya, waxaana ku rajo weynahay in hay’aduhu wax ku daraan markaas balan qaadna waan ka haysanaa.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay imaanayaan khubaro ka soo duuli doonta dalka Kenya kuwaas oo qiimeyn ku samayn doona Garoomada Diyaaradaha, khubaradaasi qiime jaban ayey ku shaqeeyaan, qiimeynta ka soo baxda ayaana loo bandhigi doonaa deeq bixiyayaasha.

Jabuuti

Khudbadii uu Dr.Faroole ka jeediyey furitaankii kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayuu sidoo kale u sheegay in safarkii ay ku soo mareen dalka Jabuuti ay halkaas kulan kula qaateen madaxda Jabuuti, waxaan u bandhigney in ay nagala qaybqaataan dhismaha garoonka waxaana ay balan qaadeen in ay qayb wanaagsan ka qaadan doonaan, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in Madaxweynaha Jabuuti qalabka uu balan qaadey laga helaayo, waxaana ay reer Jabuuti inooku deeqeen Taag dekdaha looga shaqeyo kaasna waa mid aan mahad uga hayno, ayuu yiri Dr.Faroole.

Buuhoodle & Widhwidh

Madaxweynaha ayaa qaybtii danbe ee khudbadiisa ku soo qaatey arimaha gudaha Puntland waxaana uu ka hadley dhacdooyinkii ka dhacay Buuhoodle iyo Widhwidh, “…Dhacdadii ka dhacdey Buuhoodle iyo isku dhacii shacabka iyo ciidanka Itoobiya wax laga xumaado ayuu ahaa, shacab ayaana halkaas ku dhintey sidii aan horey uga tacsiyeeyey ayaan haddana tacsi u dirayaa shacabkii, xoolaha maqan waxaan ka wada hadleynaa Itoobiya waxaana wefdi halkaas tegaaya dhawaan ay kala soo hadli doonaan Itoobiya arimahaas iyo xuduudaha aynu wadaagno iyo nabadgelyadooda sidii loo wada sugi lahaa oo labada dhinacba Soomaali degan tahay….” ayuu yiri Dr. Faroole.

Dhacdadii ka dhacday widhwidh ayuu ku tilmaamey in ay ahayd “Xasuuq”, waxaana uu sheegay in xasuuqaas ay geysteen maamulka Somaliland, iyaga ayaana loo haystaa waxaana uu ahaa xasuuq siyaasadeysan, waxaana qayb ka ahaa oo daandaansi lug kuleh jamhadda SSC,

Dr.faroole ayaa sheegay in aanu garanayn halka SSC wax u waddo, waan maqlaayey wixii uu ku hadley Saleebaan Ciise uu lahaa meelna kama tirsanin Federaalka ayaan ka tirsanahay afgobaadsi ayey ahayd ayaan filayaa waayo ismaba gaaraan.

Faroole ayaa sheegay in Jamhado ay yihiin kuwa loo haysto dhibta maanta ka jirta Soomaaliya, ha ugu horeysey SSDF, asaaska SSDF waxa uu samaysmey 1974tii niman siyaasiyiin ah ayaa sameeyey, laakiin qaybta caskariga ah ninkii sameeyey Cabdullaahi Yusuf ayaan afkiisa ka hayaa haddaan moodaayey sidaas in ay noqoneyso maan ku kaceen… ayuu yiri Dr.Faroole. ninkii Jamhad abuuray ayaa sidaas uga qoomameeyey, kuwii SNM ayaan ognhaya dhibtii ay sameeyeen, USC ayaa tiri wixii oo dhan waa isku fuuqso oo jiritaankii Soomaaliya jiridaha u siibey, waxaana is weydiin mudan ninka dhahaaya qarniga 21aad waxaan samaynayaa Jamhad waa Saleebaan Axmed Ciise.

Waxaa ka sii daran isaga (xaglatoosiye) kuwa maalinta Laascaanood la qabsadey hoteelada ku qayilaayey ee Col.Yaasiin Tamaad, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo Biindho oo wasiiro ahaa markaas, oo maanta qaaraan urursi u socda oo dadka jaahwareerinaaya, ayuu ku yiri khudbadiisa Faroole.

Jamhadda SSC Puntland kama mid ah mana taageersanin, waxay sheegaysaa Puntland kama tirsanin waxaana ay taageero ka doonayaan dadka Puntland, xoreynta Laascaanood xukuumadda Puntland ayey u taalaa ee SSC uma taalo ayuu yiri Faroole.

Dilalka Qorsheysan

Faroole ayaa ugu danbeyntii ka hadley dilalka qorsheysan ee ka dhacayey Puntland muddooyinkii danbe kaas oo uu ugu danbeeyey dilkii loo geystey Taliyhii ciidanka CID, isla markaana ahaa kusimaha Guddoomiyaha Maxkmadda Bosaso, waxa uu hoosta ka xariiqey in ay dileen rag fulinaayo dano ka baxsan Puntland waxaana soo direy ururada ka dhisan koonfurta kuwaas oo aan nabad la dooneyn Puntland, ururadaas saldhigyo ayey ku leeyihiin Puntland muddo ayey ku dhalayeen arimaha diinta ayeyna ka yimaadeen laakiin diin shaqo kuma laha,caruurta ayeyna madaxa ka soo badaleen oo dib inoo ku soo celiyeen si ay nabad xumo uga abuuraan Puntland, kuwaas weeye kuwa ka danbeeya ayuu yiri Dr.Faroole.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ahayd tii u dheereyd ee uu waayadan jeediyo, waxaana uu maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 24aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana Baarlamaanka horyaala shaqooyin badan haddii ay wax ka qabanayaan.

Allhoryaal
Garoowe

Wednesday, June 9, 2010

Mahiga oo Ergayga Somalia loo magacaabay

10/06/10 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Augustine Mahiga u magacaabay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee dalka Somalia.
Ergaygan cusub oo sidoo kale ah Safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 2003, ayaa baddeli doono Axmadou Walad Cabdalla oo ahaa ergayga gaarka ah ee XGQM ee Somalia tan iyo bishii September 2007.
Mr Mahiga waxaa uu ka hor intii uusan noqon safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay, xilal kala duwan ka soo qabtay hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, isagoo hay'addaasi uga soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin liberia, India, Italy, Malta, iyo kuwo kale.
Sida lagu sheegay warbixinta magacaabistiisa, Mr Mahiga ayaa khibraddo fara badan u leh geeska Africa iyo qeybo kale oo ka tirsan qaaradaba, waxayna khibradaasi u sahli doonta sida la sheegay xilkan cusub ee loo magacaabay..
Axmadou Walad Cabdalla ayaa toddobaadkii horena warbaahinta u sheegay in dhawaan uu xilka ka dagi doono.

waa sidee Mawqifka Madaxtooyada Soomaaliya Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada?

June 10, 2010 Warbixinta hoose waxaa soo saaray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, waxaana lagu tilmaamayaa mawqifka madaxweynuhu ka taagan yahay wasiirada is casiley:

(Muqdisho, Soomaaliya, June 9, 2010) Kaddib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.

Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.

Is-casilaadda wasiiradu, waa mid iyaga ka timid; waana arrin dhex-taalla Golaha Wasiirada.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, sidaas darteed, Madaxweynuhu waxa uu ku talinayaa arrimahaan oo kale in ay ka wada hadlaan masuuliyiinta ay khusayso.

Sidoo kale, iyada oo la ixtiraamayo aragtida wasiirada, haddana Madaxtooyadu uma aragto is-casilaadda qaabkan ah in ay tahay sida ugu habboon oo xal lagu gaari karo.
haddaba sidee ayaay noqonaysaa sida lagu kaari karayo waanu ujoognaa sida xaalku isku baddalo iya sida laga gaaraba arintaan iscasilaadda wasiirada dawlada KMG.

Allhoryaal
Muqdisho

Tuesday, June 8, 2010

Hay’ada Nedsom oo dhalinyaradda Somalida KULAN U QABATAY

June 9, 2010 Hay’ada Soomaalida dalka Holland ee Nedsom ayaa kulan balaaran ee ku aadan Dhalinyaradda Soomaalida ku qabatay magaalada Hague ee xarunta Dowlada Holland, kulankaasi oo looga hadlay arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Holland iyo doorashooyinka dhacaya maanta oo Arbaco ah.

Kulankan oo ka dhacday Xarunta Concordia ee magaalada The Hague ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhalinyaradda Soomaalida ah ee dalka Holland ku dhaqan iyo waliba Wakiilada ka socda Xisbiyada Siyaasada ee dalka Holland ee hada xukuumada u tartamaya.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo ay Hay’ada Nedsom qabato ayaa looga hadlaa xaalada Soomaalida ku dhaqan dalka Holland, arrimaha bulshada Holland ee saameynta ku yeelan kara Soomaalida iyo ajaanibta iyo waliba xaalada dalka Soomaaliya, ayaa ah mid kamid ah fursadaha ay dhalinyarada Soomaalida ku kulmaan isla markaana uga doodaan xaaladaha dalka Soomaaliya ka jira.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale intuu kulankan socday ka qeyb qaatay siminaaro goobo kala gedisan oo isla xaruntaasi ah lagu qabtay oo looga hadlayey qaarkood, Shaqo raadinta oo laga caawinayey dhalinta Soomaalida, Dib u dhiska iyo wax u qabashada dalkii Hooyo ee Soomaaliya iyo waliba Siminaar sadexaad oo looga hadlayey Dhaqan iyo hidaha Soomaalida.

Xisbiyada Siyaasada

Kulanka ayey kasoo qeyb galeen Sadexda Xisbi ee kamdi ah kuwa ugu waaweyn ee tartanka ugu jira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Xukuumada dalka Holland, kuwaasi oo dhamaantood codsaday Soomaalida inay codkooda siiyaan, xisbiyadaasi ayaa waxaa kamid ah Xisbiga Shaqaalaha PvdA, VVD, D66 iyo waliba Xisbiga cusub ee Islamic Democrat oo ah xisbigii ugu horeeyey oo laga dhiso dalka Holland oo muslimiin sameystaan.

Sagal Yassin oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’ada Nedsom ayaa sheegtay in kulankan saldhigiisu yahay isku xirka dhalinta Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Holland, kuwaasi oo kasoo kala jeeda dhamaan gobalada Soomaalida ayagoo sidoo kale ka dooday doorashooyinka dalka Holland, xaaladaha Soomaaliya xiligan ka jiran ee Siyaasadeed iyo arrimaha bini’aadamnimo.

“Dhalinyarada Soomaalida oo intooda badan kusoo koray dalkan Holland, intooda badan waxaa muuqata inay yihiin kuwo la socda xaalada dalka Soomaaliya, halka kuwo badan ku haminayaan inay dalkooda hooyo wax u qabtaan…

dhalintana waxaa la oron karaa wax badan bay uga gedisan yihiin waalidiintooda, marka la yiraaho dhanka fikirka siyaasadeed iyo waliba aragtidooda ku aadan dalkooda hooyo ee Soomaaliya…. arrintan ayaa rajo u ah Soomaalida Holland sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen dalkooda…” ayuu yiri Mahad Muse Axmed oo ah Xiriiriyaha guud ee Hay’ada Nedsom ee dalka Holland.

Kulankan ayaa intuu socday waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayado ka hadlaya dhaqanka Soomaalida, doodo guud oo ay dhalinyarada uga hadleen isbedalada ka jira dalalka Holland iyo Soomaaliya.

maahan markii ugu horeysay ee dhalinyaro soomaali ah oo qurba joog ahi ay dhaqanka iyo isku xirka ku qabtaan meel ka baxsan wadankooda soomaaliya .

bilihii la soo dhaafay ayay ahayd dhalinyarada jaamacadaha ka dhigta wadama bakistan iyo maleshiya ay koob ku qaadeen dhaqamada iyo cuntooyinka ardada kale ay la wadaagayeen.

Allhoryaal
HOLAN-NATHERLAND

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka oo eedeyn dusha kaga tuuray xubnaha baarlamanka

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka dowladda KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble ayaa mushaar la’aanta baarlamanka heysata ku sheegay in ay ku timi wax qabad la’aan dhinaca xubnaha baarlamaanka ah.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay Hornafrik ayaa tilmaamay in baarlamanka wax shaqo ah uusan qaban mudo ku dhow hal sano taasina ay keentay in hay’adihi musharaadka bixin jiray ay la laabtaan lacagahooda.

Axmed Dhimbil ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay in dib u habeyn lagu sameeyo shuruucda u degsan baarlamanka, isalamarkaana xubnaha baarlamanka ay xil iska saaraan arimaha dalkooda.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii xilka uu hayo loo doortay.

sidaan in la isku haysto mooyee ma sal dhigan wayday siyaasadda soomaaliya bal waan sugnaa say wax yeelaan siyaasiyiintu.
Allhoryaal
Muqdisho

Faysal Cali Waraabe oo soo gaaray Laascaano xarunta G/Sool

Waxaa goor dhow oo sakey ah soo garey magalada Las Caanood ee Gobolka Sool Gudoomiyha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ku jira Ololaha Doorashada Madaxweynha Somalilanda kaas oo la filayao in uu dadka reer lascanood doonayo in uu kala hadlo in ay u codeeyaan Xisbigiisa hadii ay doortan uu wax weyn u qaban doono reer laascaanood.

Sida uu shegay Nuur Aadan oo ah Xoghayaha Xisbigaas ee Laascaanood ayaa shegay in ay soo dhaweeyeen 10 kun oo iskugu jira ag iyo haween iyo waliba ururada bulshada oo ku qeylinayey Madaxweyne feysal.

Ugu danbeyntiina waxaa uu la hadaley Feysal cali waraabe Dadweynihii iskugu soo baxaley goobta lagu soo dhoweynayey waxan uu u shegay in uu ka shaqeyn doono sidii wax barashada Diinta kor loogu qaadi lahaa iyo xitaa in la sameeyo Mutadawaciin ka shaqeysa sidii diinta kor loogu qaadi lahaa xiliga ay ku guuleystaan iyo waxbarashada oo dhan.

Allhoryaal
Laascaano

Joe Biden iyo booqashadiisa kenya

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo booqasho ah uga bilaabatay Kenya.
Joe Biden waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Waddanka Kenya Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaaraha Raila Odinga.

Arrimaha ay ka wada hadli doonaan waxa ay u badan yihiin kuwa gobolka, gaar ahaan xaaladda ammaan iyo bini'aadanimo ee sii xumaaneysa ee waddanka deriska ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxaa la filayaa inuu cadaadis ku saaro dowladda Kenya inay dhaqan geliso isbeddel siyaasadeed, kadib rabshadihii ka dhacay doorashooyinkii la isku khilaafay ee Kenya laba sano ka hor.

Mr Biden ayaa socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Afrika waxa toddobaadka dabayaaqadiisa uu ku soo gabagabeyn doonaa Koonfura Afrika, halkaasi oo ay ka dhacayso ciyaarta kubadda cagta ee koobka aduunka ee sanadkaan isla markaana uu ka qeybgali doono cayaarta Mareykanka ugu horeysa ee ay koobka adduunka la leeyihiin England.

Allhoryaal
Kenya

Madaxwayne Faroole oo ka soo dagay xarunta P/L ee garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud ayaa galabta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,ka dib markii uu kasoo ambabaxay magaalada Jabuuti isaga iyo wefdi uu hogaaminaayo.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Konacco kusoo dhoweeyey Madaxweyne Kuxigeenka Jenraal Cabdisamad Cali Shire, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashid Maxamed Xirsi iyo xubno ka socday Xukuumada iyo Baarlamaanka.

Markii wefdigu soo gaarey madaxtooyada ayaa waxaa halkaas warbixin kooban ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa soo hadal qaaday howlgal ay Ciidanka Puntland kusoo furteen kooxo Burcadbadeed ah oo afduubtay Markab kusoo jeeday dekadda Bosaaso ayadoo la qabtay raggii afduubtay oo ay xireen Ciidanka..

Madaxweynaha Puntland ayaa isna halkaas ka hadlay,wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay intii ay dalka ka maqnaayeen ciidamada Puntland howlihii ay ka qabteen dalka.

Wuxuu ka warbixiyey safarkii dibada uu ku tegay iyo shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay ka qaybgaleen isagoo sheegay in halka khudbadii guud uu ka jeediyey Madaxweyne Sheikh Shariif tii qayb ahaan ay ka jeedisay Dowladda Puntland oo uu jeediyey Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire

Sidoo kale wuxuu sheegay in halkaa ay wax badan uga hadleen isla markaana ay sheegeen baahi kasta oo ka jirta degaanada Puntland, wuxuuna xusay in ganacsatada Puntland uu u sheegay in la dhimay qiimaha ganacsiga Xoolaha geela iyo ariga.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay hay’adaha deeqa bixiya kala hadleen sidii Puntland loo gacan qabana lahaa isla markaana loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaale.

Dr.Faroole ayaa ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn oo u dhaxeeyey Ciidamada Itoobiya iyo dadka degaanka,wuxuuna sheegay in ay aad uga xunyihin isla markaana Dowladda ay raali ka ahayn.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in aysan raali ka noqoneyn waxaa uu ugu yeeray Jabhad sheegata in ay soo xoreynayso magaalada Laascaanood.

”..Cida hadda sheegata in ay yihin Jamhadda xoraynaysa dalkeeda ay tahay mid ay wataan dad siyaasiyin ka ahaan jireyn Dowladda Soomaaliya iyo meelo kale ayna doonayaan dan kale iyo waxaa aan u soconaynay hadii cid soo celinaysa Laascaanood ay jirto ay Dowladda soo celinayso sidii ay doonto haku soo celisee, ma ahan wax aan saxaafadda u faahfaahineyno, laakiin maamulka hadda ku sugan Laascaanood sidii uu uga kici lahaa waa wax dawladda u yaala…..”‘ ayuu yiri.

Madaxweyne Dr.Faroole ayaa eeda dagaalkii ka dhacay Buuhoodle dusha uga tuurey Jamhadda cusub ee halkaas gaartey, mana ahan wax ka shaqeynaaya ayuu yiri danaha Puntland. ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in Jamhaddaas laga mamnuucay Dawladda Puntland, wasiiradu isku raaceen Baarlamaankana loo gudbinaayo dhawaan.

Si kastaba Madaxweynaha ayaa in mudo ah ku maqnaa dalka dibadiisa, waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirka Maaliyada iyo xubno kale.

ALLHORYAAL
Garoowe

Isbahaysigii u Dhexeeyey Turkiga iyo Israel oo Burburay

Qiyaastii 20 sano xiriir iskaashi ah oo u dhexeeyey dalalka Turkiga iyo Israel ayaa burbur ku dhamaadey. Dadka ka faalooda siyaasadda bariga dhexe ayaa sheegaya in dawladda Israel ay tahay mida ku khasaartey weerarkii ay ku qadeen Markabkii gargaarka u sidey dhulka Israel ay go’doonka ka dhigtey ee GAZA.

Dalka Turkigu maaha dal aad u sahlan, waa dal ka tirsan gaashaanbuurta NATO, dadkiisuna gaarayo 73 milyan oo qof, waxaana uu ahaa dal ay kala dhexayso Israel xiriir wanaagsan kaas oo leh mid dhaqaale iyo mid mileteri, xiriirka labada dal ayaa ahaa mid weli wanaagsanaa tan iyo markii ciidamada Israel ay weerarka qaawan ku qaadeen Markabkii “Mavi Marmara”, ee gargaarka u sidey GAZA.

Xiriirka labada dal ayaa dib ugu noqdey sidii uu ahaa sanadihii sideedatamaatkii markaas oo uu ka dhexeeyey dagaal qabow oo dhanka siyaasadda iyo arimaha ciidanka saamayn ku lahaa.

Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa ku tilmaamey Israel in ay ku kacdey xasuuq isla markaana ay samaysey burcadbadeednimo, waxaana uu ugu baaqey in ay ogolaadaan in baaritaan lagu sameeyo sida ay ku keentey in ay weerar ka fuliso biyaha caalamiga ah.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa daabacay maqaalo muujin kara in labada dal isku socdaan oo dagaal dhexmari karo muddooyinka dhaw, laakiin Raysalwasaaraha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in aysan dooneyn dagaal ay hadda la galaan dalka Israel.

Joornaalada ka soo baxa dalka Turkiga ayaa weli laga dareemayaa carada aadka u xoogan ee dadka Turkigu qabo, iyaga oo isticmaalaya cinwaano aad u culus, sida “Dawlad Argagixiso ah”, sidoo kale Joornaalka RADIKAL ayaa sheekooyinka uu ka qoraayo arintan u isticmaaley cinwaanka ah “Toogashadii arimaha bini’aadanimada”, sidoo kale joornaalka la aaminsan yahay in uu ruxo ama kicin karo dadka Turkiga ee la yiraahdo Taraf, ayaa weli daabacaya warar aad xasaasi u ah.

Axadii la soo dhaafey ayaa Israel sii deysey 5 ka mid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bini’aadanka, waxaana ka mid ahaa kuwo u dhashey dalka Turkiga kuwaas oo Israel ay ku eedaysey in ay ka tirsan yihiin al-Qaacida iyo Xamaas, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Ken O-Keefe oo ahaa British-USA, waxaana dalka Israel ku eedeeyeen in uu tababar u fidin lahaa ciidamda Xamaas, Ken O-Keefe ayaa mar uu la hadlaayey Telefishanka al-Jazeera ku tilmaamey sheegashada Israel mid aan waxba ka jirin “…Marka keliya ee aan hubka qaatey waxa ay ahayd markii aan ka tirsanaa ciidanka Maraykanka dagaalkii lagu xoreynaayey Kuweyt, haddii Israel ay ogaatey in aan aragagixiso ahay sabab ayey ii siidaayeen….” ayuu yiri Ken O-Keefe.

Dadka Yuhuudda oo la aaminsan yahay in ay maamulaan warbaahinta caalamka kuwooda ugu waaweyn ayaa hadda wada qorshe ah in argagixiso lagu sheego dadka u dhaq-dhaqaaqa arimaha bini’aadanimida, kuwaas oo ay hadda cadow u arkaan.

Soli Özel waa nin caaanka ah dalka Turkiga isla markaana si aad ah uga faalooda arimaha siyaadaa , waxaana uu ka shaqeeyaa Jaamacadda Biligis, waxa uu yiri “…Xargihii isku xiraayey Turkiga iyo Israel waa go’een, waana adagtahay in ay sidoodi noqdaan weligood….”.

Ali Birand oo isaguna ka faalooda siyaasadda aadna looga yaqaan Telefishanka Turkiga ayaa sheegay “…. in dadka Turkigu ay aad u caraysan yihiin isla markaana aysan siyaasiyiintu ka gadi karin in xiriirka Israel uu dib u soo laabto kadib wixii ciidamada Israel ay ka sameeyeen markabkii mucaawanada wadey….”

Marka laga yimaado arimaha siyaasadda waxaa iyaduna meesha ka baxdey xiriirkii dhaqaalaha iyo arimaha ganacsiga, ma ahan dalka Turkiga oo keliya,waxaa jira dalal badan oo ku yaala qaarada Yurub oo dadkoodu wacad ku mareen in aysan gadan ama isticmaalin alaabaha laga soo dhoofiyo dalka Israel, taas oo culeys ku ah dalka Israel haddii dadku iska joojiyaan alaabaha ay dibadda u dhoofiyaan.

Dawladda Israel ayaan raaligelin kabixin hawgalkii ay ciidamadeedu ka fuliyeen markabkii “Mavi Marmara,” kaas oo ay ku dileen 9 qof, waxaa arintaas ay kala kulantey wejigabax siyaasadeed iyada oo meelo badan laga canbaareyey, inkasta oo walaalka weyn ee Yuhuuda waa Maraykankee aanu canbaarayn falkii adduunku ka argagaxay. Waxaa lagu tilmaama Dawladda Israel in ay tahay mid ka saraysa sharciga adduunka u degsan, ma ahan in dadka gaaraya 7-da milyan ee Yuhuudda degan Bariga dhexe ay yeesheen saamaynta intaas le’eg, ee waxaa dad iyaga u dhashey isla markaana haysta dhalasho wadamo kale ay fadhiyaan meelaha ugu badan ee adduunkan go’aamadiisa dadku ka gaaraan, sida Qaramada Midoobey, Dhaqaalaha, Warbaahinta, Siyaasadda iyo weliba waxbarashada, sidoo kale waxa ay hogaamiyaan inta badan hay’adaha caalamiga ah ee saamaynta iska leh, dalalka waaweyn waxa ay ku leeyihiin awoodo waaweyn taas oo ah mid aan dadka caadiga ah u muuqan.

Allhoryaal
Turky

Monday, June 7, 2010

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo Dalacsiiyey Saraakiil Mileteriga Ka Tirsan

Madaxweynaha dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta derajooyin ku xirey 87 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay muteysteen in la dalacsiiyo.

Saraakiishan ayaa waxaa dhawaan u soo dhamaadey tababar dhanka ciidanka ah.

Munaasabada saraakiisha lagu dalacsiiyey ayaa waxaa ka hadley Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Kaahiye, waxaana uu amaan u jeediyey saraakiisha cusub, sidoo kale waxa uu mahad u celiyey Madaxweyha, derajooyinka uu siiyey ciidanka.

Madaxweyne Shariif oo goobta ka hadley ayaa saraakiisha ugu baaqey in ay ka soo baxaan hawlaha shaqo ee horyaala, isla markaana dalka ka saaraan amni xumada haysata.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkii ka dhacay dalka Turkiga ka sheegay in Dawladiisu haystao ciidamo gaaraya 7000 oo askeri, inkasta oo Dawladdu ay ka taliso qaybo yar oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dagaalo ay kula jirtaa kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul Islaam kuwaas oo ka taliyo qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Allhoryaal
muqdisho

Soomaali badan oo ka qayb qaatey mudaaharaad looga soo horjeedo Israel, oo ka dhacay London


Waxaa lagu qabtey magaalada London banaanbax looga soo horjeedo falkii foosha xumaa ee ay geysteen ciidamada Israel ee commandos ah’ falkaa oo ay la beegsadeen markabkii FOTILA.

Ciidamada Israel ayaa xasuuq arxan daro ah u geystay qaar kamid ah dadkii mutadawiciinta ahaa ee ka kala yimid dunida daafheeda, markabka FOTILA oo ay saarneeyeen mucaawino iyo gar-gaar kala duwan ayaa lagu weerarey biyaha caalamiga iyadoo caalamku la yaabeen sababta ku qasbtey ciidamada Israel falkan foosha xun.

Hadaba Mudaharaadkan ayaa ka bilowdey xafiiska Raisal-wasaaraha dalka N10,Dowining Street iyadoo dadku socod ku mareen bartmaha London ayaa ku dhamaadey safaaradda Israel ee ku taala Kensington dadweynaha ka qeyb qaatey banaanbaxan ayaa lagu qiyaasey 300,000 oo qof.

Dadkan oo isugu jirey waayeel dhalinyaro iyo caruur ayaa hadana kala ahaa dadweyne kala midab duwan kala diimo duwan balse yoolkoodu ahaa Free Gaza iyo in shacabka reer United Kingdom ay ka xun yihiin dhibka lagu hayo shacabka Falastiin iyo cuna-qabateynta saran oo aan la isweydiin sababta loo saarey iyo cadaalad xumida lagu hayo shacabka Falstiin.

Hadaba banaanbaxan oo ay ka hadleen siyaasiyiin caan ka ah dalkan Ingriiska sida Tony Ben oo horey u ahaa wasiir kana tirsanaa xisbiga Labour iyo Jorge Galloway oo isagu ahaan jirey xildhibaan caan ka ah dunida kana mid ah dadka u ololeeya arimaha Falstiin iyo rag ay kamid ahaayeen Jeremy Corbyn Yvonne Ridley oo horey u aheyd wariye iyo dadweyne caan ka ah dalkan Great Britain, dadkaas oo kaliya ma aheyn dadkii Hadley waxaa sidoo kale Hadley dadyow kamid dadkii saarnaa markabka FOTILLA iyo qarabaadii ey ka geeriyoodeen dadkii Turkey ahaa.

Mudaharaadkan ayaa ku soo beegmaya xili dowladaha caalamka iyo UN ey dhaleeceynayaan falka ey qaadeen ciidanka Israel maanta mar ay wareystay TV BBC afhayeenka dowlada Israel Mark Ragev ayuu ku micneeyay talaabada ay qaadeen ciidanka Israel mid ey naftooda ku difaacayeen waxana uu sheegay in dowladiisu aysan ka bixin doonin raali galin waxana uu sheegay in lagu soo duulay nabada Israel iyo shacbka, hadaba shacabkii ka qeyb galey ayaa waxaa kamid ahaa jaaliyada Soomaalida ee UK waxaan sidoo kale nasiib u yeeshay haween aad u waayeel ah kuwaaso qeybtood ka yimi gobolada iyo caruur dhalinyaro waxana ey kuligood ii sheegeen iney ka xunyihiin dhibka lagu hayo shacabka Falstiin.

Allhoryaal
London UK

Dab Qabsaday Xero Qaxooti Oo Ku Yaalla Bosaaso (Sawiro)


Waxaa saaka dab xoogan qabsaday mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalla magaalada Bosaaso halkaas oo ay deganyihin dad kasoo barakacay dagaalada ka soconaaya gobolada Koonfureed ee dalka.

Dabka ayaa ka kacay qaybo ka mid ah xerada Buulo Eelay oo ku yaalla Bariga Magaalada Bosaaso,waxaana uu socday mudo ku dhow 15-daqiiqo sida ay Horseed Media u sheegeen dad goobjoogeyaal oo ay kula kulantay halkaasi.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ka agdhow xeradaas ayaa gurmad xoogan soo bixiyey,waxaana ay ku guuleysteen in ay si wadajir ah u damiyaan dabka oo laga cabsi qabay inuu u si fido xaafadaha kale.


Masuuliyin ka tirsan degmada Bosaaso oo u horkacaayay Duqa magaalada Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa daqiiqado ka dib booqasho ku gaaray xerada,waxaana ay kormeer ku sameyeen saamaynta dabka u dhaliyey iyagoo ay la kulmeen dadka guryahooda ka gubteen.

Duqa oo goobta kula hadlay Warbaahinta Horseed Media ayaa ka codsaday Hay’addaha Samafalka iyo dhamaan ganacsatada in ay u soo gargaaran dadka ku waxyeeloobay dabkaan isla markaana guryahoodi ay gubteen.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay in qiyaastii ku dhowaad 100-guri ay gubteen iyo alaabo kala duwan oo u yaalay,waxaana ay codsadeen in gargaar loo keeno.

Ilaa iyo hada lama yaqaano sababaha rasmiga ee ka dambeysay dabkaan ka kacay xerada qaxootiga Buulo Eelay qayb ka mid ah,waxaana xilliyada xagaaga ama kuleylaha markii lasoo gaaro ee magaalada Bosaaso inta badan xeryaha qaxootiga ka kaca dab xoogan ayadoo loo aaneeyo dabaylaha socda haatan.

Allhoryaal
Bosaso

Shariif Xassan Oo U Duulay dalka Kenya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan la doortay Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Guddoomiyaha oo aan hore loo si shaacin ayaa waxaa la sheegay in ay ku weheliyaan tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka,waxaana aan la ogeyn ujeedada Safarkiisa.

Safarka Shariif Xassan ee magaalada Nairobi ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ku tego tan iyo markii loo doortay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay fadhi ku lahaa guriga golaha shacabka ee Muqdisho,waxaana ay doorteen labada Guddoomiye kuxigeen ee guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan ayaa la aaminsan yahay in uu safaro aan kala joogsi lahayn dibadaha ugu bixi doono, inkasta oo shaqada guddoomiayaha Baarlamaanku ay tahay in uu shirararka u guddoomiyo Baarlamaanka.

Allhoryaal
Muqdisho

Sarkaal Lagu Dilay Degmada Xarfo Ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug Cabdulaahi Faarax Bayle oo u waramayay warbaahinta maxaligaa ayaa sheegay in dilka marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cali Aadan Diiriye Dhabarle uu yimi ka dib markii laba nin oo hubaysan ay rasaas madaxa kala beegsadeenay shaly galinkii dambe,xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Cabdulaahi Faarax ayaa sheegay in kooxahaasi markii dilka ay gaysteen ay isaga baxsadeen goobtaasi,isla markaasina Ciidamada amaanka degmada xarfo iyo kuwa daraawiishata Puntland ay waqtigan ku daba jiraan gacan ku dhiiglayashaasi.

Waxaa uu intaasi ku daray in uusan garan karin sababta ka dambaysa dilka marxuumka geeriyooday,waxaana uu xusay guddoomiyuhu in Gaashaanle Cali Aadn Diiriye uu ka mid ahaa dadka Deegaanka loogu jecel yahay.

“…Sarkaalka geeriyooday waxaa uu muddo ka tirsanaa ciidanka daraawiisha ee ku sugnaa xerada Abqaala ee degmada Xarfo ee Gobolka Mudug kuwoodii ugu horeeyay,waxaana uu ka mid haa dadka deegaanka kuwa ugu wanaagsan..”Ayuu yiri.

Ciidamada amaanka gobolka Mudug iyo kuwa daraawiishata ee Puntland ayaa baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglayaashaasi.

Si kastaba ha ahaatee waa Saarkaalkii ugu horeeyay ee ka tirsanaa ciidamada daraawiishta puntland oo lagu dilo degmada Xarfo oo horay loo oranjiray jiray Buuryaqab Ee Gobolka Mudug.

Allhoryaal
GAALKACYO

Alla nabaddu macaana ka bogasho wacan

Nabaddu waa muhiim waana mid aanu dadku la'aanteen uusan noolaankarin oo uuna wax qabsankarin ama uusan hoyankarin nabad la'aan waa nolol la'aan ayay soomaalidu horay u tiri iyo nabadbaa naas la nuugo leh
haddaba waa in lagu tallaabsadaa sidii nabad loo raadinlahaa ballanteenu waa badbaadiya bulshada kana bogasho wacan ayaan idin leeyahay.BY:
Bashir D Dhabayaco
Mel-Australia

Sunday, June 6, 2010

Meydadka Askartii AMISOM ee Lagu Dilay Muqdisho Oo Loo Duuliyey dalka Uganda

Meydadka labo askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho una dhashey dalka Uganda ayaa loo duuliyey dalkoodi Hooyo ayadoo dhowaan lagu wado in loo sameeyo aas qaran oo ay kasoo qaybgali doonaan qaar ka mid ah masuuliyinta Dowladda Uganda.

Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda Col.Felix Kulayige ayaa sheegay in askartaas lasoo gaarsiiyey magaalada Kampala gelinkii dambe ee sabtida,waxaana iminka socda qaban qaabo lagu doonaayo in la aaso,sidoo kalena ay Dowladda doonayso in ay magdhow lacageed siiso qoysaska ay ka geeriyoodeen.

Saraakiisha AMISOM ayaa iyagu xaqiijiyey dilka labada askari oo ay sheegeen in ay dileen kooxaha mucaaradka xilli ay weeraro madaafic ay kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ilaalo ka hayeen.

Col.Kulayige ayaa intaa ku daray in shan kale oo Askari oo dhaawac ah la geeyey magaalada Nairobi oo iminka lagu dabiibaayo dhaawaca soo gaaray.

Tirada Ciidanka dalka Uganda ka socda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ilaa hadda inta laga dilay ayaa gaaraysa 13-askari.

ALLHORYAAL
MUQDISHO

Kenya Oo Sheegtay In ay Ka Hortagayso Weerarkasta oo Uga Yimaada Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya David Ole Serian ayaa ka hadlay weerar dhowaan maleeshiyo taabacsan Xarakadda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen qaybo ka mid ah gobolkaas gaar ahaan tuulooyin ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku dhaawaceen inka badan 5-qof.

Wuxuu sheegay weerarkaas ka dib maamulka gobolka Waqooyi Bari uu heegan geliyay amniga xadka Soomaaliya ula wadaago,ayadoo Ciidamada Amniga ay howlgalo ay kusoo sugayaan amniga sameyaan.

”..Dadkeena in sabab la’aan u cabsadaan ma ahaan.Ciidankeena amaan heegan aad u sareeya ayay ku jiraan,waanu difaaci doona dalkeena.qayb ka mid ah wadankeena ma noqon doono goob ka socda dagaalka Soomaaliya..”,ayuu yiri xilli ula hadlaayay Wakaalada wararka ee Reuters isagoo xusay in ay ka hortagi doonaan weerar weliba oo kaga yimaada xarakadda Al-Shabaab.

Dadweynaha degan aaga xadka ayaa ka cabsi qaba in iska horimaadyo iyo dagaalo ay halkaas ka dhacaan oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya,xilli gobolka Gedo ay ka socdaan dhaq dhaqaaq ciidan.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ka barakacay magaalooyinka Mandera iyo Ceelwaaq,waxaana ay u guureen tuulooyin ka fog goobahaas si ay ugu nagaadaan inta xiisaddani ka dagayso.

ALLHORYAAL
NBI-Kenya

Freed activist to sue Israel

Nour Choudhury was on board the Gaza Freedom Flotilla
A recently-freed activist from Israeli custody insists on taking legal action against the Tel Aviv regime for the ordeal he has gone through on board the Gaza-bound Freedom Flotilla.

Nour Choudhury, one of the international activists detained by Israeli forces during an armed assault on an aid convoy destined for the besieged Gaza strip, said in an exclusive interview with Press TV that Israeli commandos assaulted the convoy during morning prayers and kept on shooting even after everyone stopped resisting.

"Once they started to come into the boat, they were firing rubber bullets and stun grenades," he said. "At the same time the helicopters were coming down. The helicopters were shooting at the civilians on board."

He emphasized that as the Israeli forces got on board, everybody stopped resisting and went to the cabin downstairs. "Even when we were cooperating with the Israelis," he said, "they still continued to fire at us and they killed a few more people."

"Once everybody was downstairs, the Israelis secured the boat. Then they took us out one by one and abused us by punching, slapping, kicking and pushing us around. They tied our hands with cable ties extremely tight and sent us upstairs to the top deck and made us sit underneath the Mediterranean sun with no shade for up to four hours."

Choudhury insisted that the Israelis attacked a civilian vessel but treated the occupants as combatants. "It was a terrifying ordeal," he said.

"Israelis came on-board to hurt and kill. I believe what Israel wanted to do was to make a show of us. They wanted to make an example for the world showing this is what will happen to anybody who wants to defy Israel. They didn't realize how badly they messed up. They had assumed that the world is blind to the brutality of Israeli forces."

Asked if he believed more aid ships heading to Gaza will reach the territory, he stressed that after what Israel did to the Freedom Flotilla, many activists are even more determined to deliver aid to the besieged people of Gaza.

He added that he will definitely get on board the next flotilla destined for Gaza to break the blockade.

The Israeli military attacked the Freedom Flotilla in international waters in the Mediterranean Sea early on May 31, killing nine Turkish citizens on board the six ships and injuring about 50 other people.

The fate of three other Freedom Flotilla activists is still unknown.

Israel also arrested nearly 700 activists from 42 countries on board the Freedom Flotilla, which was attempting to break the siege of Gaza in order to deliver 10,000 tons of humanitarian assistance to the long-suffering people of the territory.

Ururada Xuquuqal-Insaanka oo Maamulka S/Land ku eedeeyay carqaladaynta Ololaha Doorashada

Hargeysa - Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, kaas oo ay ku bahoobeen 22 urur bulsho oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee aadamiga, ayaa sheegay in caqabado soo waajaheen Ololaha Doorashada ee dalka.

Isbahaysigan Ururadda Xuquuqda Aadamigu waxa ay sidan ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Isbahaysigaas Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq), waxaanu u dhignaa Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani sidan:

"Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, waxay si wadajir ah qaylo dhaan u dirayaan si ay ugu muujiyaan falal xadgudub ku ah xeerka doorshadda madaxtooyadda Somaliland gaar ahaan xilliga lagu jiro ololaha doorashada oo ay kormeereen difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland seddexdii maalmood ee ugu horeeyay xilliga ololaha doorashadda madaxtooyada Somaliland soconayso.

Difaacayaasha Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si taxadir badan oo dhex ah u kormeerayay qaabka ay Axsaabta Siyaasadda Somaliland ay u wadaan ololayaashooda doorashada madaxtooyadda, hantida ay u isticmaalayaan ololaha xaga ay ka keenaan, iyo bal in si siman ay ugu adeegayso warbaahinta qaranku saddexda xisbi qaran xilligan lagu jiro ololaha doorashadda madaxtooyadda Somaliland.

Isbahaysigu waxay kormeerkooda ugu dhabo galeen habsami u socodka ololaha doorashada Somaliland, waxaana aasaas iyo gundhig u ahaa xeerka doorashooyinka madaxtooyadda Somaliland, Xeerka Anshaxa Doorashadda Madaxtooyada oo ay saddexda xisbi iyo komishanka qaranku kala saxeexdeen 13/04/2010 iyo aaladaha xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah.

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerka difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay yihiin sidatan:

Xisbiga taladda haya ee UDUB gabi ahaanba waxa uu u isticmaalayaa hantidii qaranka, gaadiidkii dawladda iyo haybadii qarankaba ololahiisa doorashadda madaxtooyadda Somaliland, taas oo lid ku ah heshiiska hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda ee doorashada madaxtooyada (code of conduct) oo soo baxay 13/04/2010 gaar ahaan Qodobka 11 Farqaddiisa 1aad oo dhigaysa (Waxaa reebban in ay Xukuumaddu u adeegsato Xoogagga Nabadgelyada sida Ciidanka Booliska, Asluubta, Sirdoonka iyo Ciidanka Qarankaba in lagu cabudhiyo Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo taageerayaashooda)sida aynu la wada socono ololahii doorashada madaxtooyada ee ku qabsoomay beerta xoriyadda magaalada Hargeysa 3/6/10 xisbiga taladda haya ee UDUB waxay ku ololalaynayeen ciidanka loo yaqaano baanboyda oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Halka xisbiga UDUB uu ka maanacay in baanboydu muusiga u tumaan axsaabta mucaaridka ah.

Xogaha ay heleen kormeerayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa daboolka ka faydaya in xisbiga UDUB si buuxda ugu maalgalinayo hantidii qaranka ololahiisa doorashada halka labada xisbi ee mucaaridka ah ay u isticmaalayaan ololahooda siyaasadeed qaadhaanka ay u soo dirayaan xubnaha qurba jooga ee xisbiyadaasi ka midka ah. Tani waxay lafjab ku tahay Qodoka 12: Dhexdhexaadnimada Hantida iyo Adeegyada Qaranka (neutrality of public offices, assets and facilities) kaasi oo dhigaya – Hantida Qaranka waa loo siman yahay, loomana adeegsan karo in loogu adeego danaha Xisbi gaar ah. Waxaa reebban in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, Maamullada kala duwan ee Xukuumiga ah, iyo Saraakiisha Dawladdu ay u ololeeyaan Xisbi gaar ah. Ururadda xuquuqda aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen in dhamaan badhasaabadda goboladda dalku ay si cad oo qaawan ugu ololaynayaan xisbiga UDUB, tusaale cad waxa ah oo saxaafadda laga wada daawaday labada barasaab ee goboladda ugu dadka badan dalka oo kala ah Maroodijeex(hargaysa) iyo Togdheer(burco).

HAB-DHAQANKA XISBIYADA SIYAASADDA EE DOORASHADA MADAXTOOYADA : Maaliyadda Guud, Qodobkiisa 17oo ka hadlaya Hantida iyo Warbaahinta Dawladda

Gabi ahaanba waxay ay warbaahinta xukuumaddu ay jabisay qodobkan kor ku xusan iyadoo 7 saacadood ee Tiifiiga S/Land ee dalka gudihiisa laga daawadaa uu in ka yar 20 miridh oo kali ah uu sii daayo warar iyo barnaamujyo uu tafatir ku sameeyay oo ay leeyihiin labadda xisbi mucaarid iyadoo TV-ga qaranka in ka badan 5 saacadood oo ah xiliyadda ay dadwaynuhu sida aadka ah u daawadaan TV-yada uu sii daynaya barnaamujyada uu ku ololaynayo xisbiga UDUB oo kali ah.

Qof kastow waxaad ka tahay mas'uul ee la soco!!!.

walaalayaal bal eega dadkeeni iyo dalkeeni waxa haatan uu ku suganyahay waxaana meeshaa dhigay waa isla innaga ee maaha wax meel kale inooga yimid haddaba ruux walbow iswaydii intee ayaad mas'uuliyad ka qaadan kartaa oo aad wax ka gaysankartaa dhibaatada in la damiyo waa dhab haddaynu isku tanaasulno oo aan is maqalno oo aan is aaminno in ay in badan hagaagayaan ilaahna uu qalbigeena iyo camalkeena is lahaysiinayo waa haddaynu ka dhab sheegayno taa dhalinyarow ogsoonaada adinku waxaad tihiin laf dhabarkii ummadda wax badanna waad ka qabankartaa waayo Ummadi waa dhalinyaradeeda ee usoo kaca dadka iyo dalkaba.bal ila daawada filimkaan aan idin xasuusiyo dhibaatada dadkeena iyo dalkeena iyo dhallaankeenaba haysata "intii ka danqanaysaan darensiin doqoni yeelkeede,daawo damiirkaaga dhaqaaji"

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Doortey

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo gaba gaboobday,waxaana jagadaasi ku guuleystay Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble.

Musharixin gaaraya 9-musharax ayaa xilkaasi u tartamaysay,waxaana doorashada la isla gaaray wareega saddexaad oo ay iskusoo hareen Xildhibaan Axmed Dhimbil iyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Guddoomiye kuxigeenki balse iska casilay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa ku dhawaaqey natiijada doorashada codeynta ka dib,wuxuuna sheegay in Xildhibaan Axmed Dhimbil uu helay codad gaaraya 208-cod halka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore uu helay 80-cod.

Waxaana sidaas ku guuleystay xilka Guddoomiye kuxigeenka Mudane Axmed Dhimbil Rooble oo isla markii loo dhaariyey xilkiisa.

Shalay ayay ahayd markii la doortay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo loo doortay Mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Alhoryaal
Muqdisho

Burcad dhac ka geysata wadada isku xirta Matabaan iyo Kalabeyr

Cabasho xooggan ayaa kasoo yeereysa wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya wadada isku xirta Gobolka Hiiraan iyo gobolada dhexe ee soomaaliya kadib markii wadada isku xirta degmada Matabaan iyo isgoyska ay kusoo bateen kooxaha dhaca geysta.

Xiliyada habeenki ayey wadayaashu sheegeen in bur cad hubeysan ay wadada soo gaalaan dadka iyo gaadiidkana ka qaata waxa ay wataan.

Darawalada gaadiidka ka shaqeeya wadadaasi ayaa maamulka Xisbul-islaam ee gobolka hiiraan ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatada wadaasi ka taagan.

kulan u dhaxeeya Masuuliyin ka tirsan Puntland iyo Saraakil Itoobiyaan ah Oo Ka dhacay Duleedka Buuhoodle

Masuuliyin ka socota maamulka Puntland oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaano,maamulka gobolka Ceyn ee Puntland iyo Saraakiil ka socotay Dowladda Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay xero ay iska leeyihin Ciidamada Itoobiya oo ku taalla xad beenedka ay wadaagaan Itoobiya iyo degmada Buuhoodle,wuxuuna kulankaasi socday inka badan labo saacadood.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ceyn ee Puntland Maxamuud Sheikh Cumar oo u waramayay saxaafadda kulankaasi ka dib ayaa sheegay in masuuliyinta ka qaybgashay ay hor kacayeen Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasin.

Waxaa uu intaasi ku daray in kulankaasi uu salka ku hayay sidii Dowladda Itoobiya iyo Dowlada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen amaanka guud ee degmada Buuhoodle isla markaasina labada Dowladood ay isugu xirnaan lahaayeen.

Mudane Maxamuud Sheikh Cumar ayaa sheegay kulankaasi ay ka dambeysay ka dib markii dadweynaha ku nool degmada Buuhoodle uu ku batay tuhun ah in Ciidamada Itoobiya ay dib khasaare ugu geysan doonaan dadweynaha ku nool halkaasi.

“..Waxaa ay nala qaateen saraakiisha Itoobiya in ay nagala shaqayn doonaan amaanka degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn,waxaana jiri doona kulamo kan dhigiisa ah oo aanu wada qaadan doono..”ayuu yiri.

Mar la waydiiyey in kulankaasi lagu soo hadal qaaday baabuurtii 17 gaaraysay ee ciidamada Itoobiyaanka ka kaxaysteen gudaha degmada Buuhoodle ayaa sheegay in saraakiisha kala socotay Dowlada Itoobiya ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin in baabuurtaasi ka kaxaystaan,waxaana guddoomiyuhu uu sheegay in ay u sheegeen saraakiishaasi in amarka ay Dowladda Itoobiya uu amar uga yimi Saraakiisha ka sareysa.

Sidoo kale wuxuu xusay in masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland ay la xirrireen Dowladda Itoobiya isla markaasina ay isku afgarteen in baaburtaasi dib loogu soo celiyo gacmaha dadkii rayidka ahaa ee iska lahaa baaburtaasi.
ma cadda siyaasadda dhabtaa ee ka danbeeysa imaanshaha iyo ku sugnaanta saraakiishan itoobiyaankaa iyadoo ay ku soo aadamayso waqti haataan maalmo kooban laga joogo waqtigii looga dhawaaqay qunsul itoobiya u fadhiya maamulka P/Land xarunta maamulka ee garoowe.

Allhoryaal
Garoowe

Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DF oo loo gudbay wareegii 3aad

Muqdisho:-Waxaa ka socda maanta Golaha Shacabka doorashada gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DFKM waxaana si weyn amaanka golaha shacabka aad u sugaya ciidmada AMISOM iyo kuwa DFKM.

Waxaa u tartamaya gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DFKM ilaa 9 musharax oo ka tirsan baarlamaanka DFKM .

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ayaa sheegya in haatan la soo afmeeray wareegii 1aaad waxaana ugu horeeya Xildhibaan Cusmaan Cilmi boqore wuxuuna helay 105 cod, isagoo si toos ah ugu gudbay wareega 3aad ee doorashda.

Xildhibaan Axmed dhinbil Rooble ayaa isana galay kaalinta labaad ee doorashda wareega labaad ee doorashada gudoomiye ku xigeenka 2aad ee barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna helay 86 cod.

Xildhibaan C/laahi Abyan Nuur oo tartanka ayaa isna helay 76 cod, isagoo galay kaalinya 3aad .

Mahad C/lla Cawad ayaa isna helay 55 cod waxaana haatan u soo gudbay wareega 3aad Xildhibaan Cusmaan Cilmi boqore 105 cod iyo Xildhibaan Axmed dhinbil Rooble 86 cod.
waxa ka soo baxana waan idiin soo gudbinaynaa in sha Allah iyo mudanaha loo doorto G/Xigeenka 2aad ee baarlamaanka soomaaliya.

Allhoryaal
Muqdisho

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey