Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Tuesday, January 18, 2011

Xaaskii madaxweynihii baxsadey ee Tunisia oo horey u sii qaadatey hal tan oo dahab ah

Xaaska madaxweynihii baxsadey ee wadanka Tunisa Zaynal Abidin Bin Ali Leila Trabelsi ayaa la xaqiiyey in saacidihii ugu dambeeyey awooda maamul ee ninkeeda ay qaadatey in ka badan Hal Tan oo dahab oo ku keydanaa Bangiga dhexe ee wadanka Tunisa.

Gudigii Baarista dilkii raysal Wasaarihii Lubnan oo War ka soo saaray Baaristooda

Wadanka Lubnaan oo ahaa maalmihii aynu soo dhaafnay mid ay isbedlo dhinaca siyaasada ah ka jireen kadib iscasilitaankii Wasiiro badan oo ku jiray xukuumada Sacad Al xariiri ayaa sidoo kale waxaa iyagan sheegay in ay meel fiican u marayso soo bandhigitaanka dadkii ka dambeeyay dilkii raysal Wasaarihii hore dalkaasi gudigii qaramada midoobay ee loo xil saaray.

Ciidan Soomaaliyeed oo Jabuuti Uu Tababar uga Furmay

Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaa maanta wadajir u furay tababarka la siinayo 500 oo askarta booliska DKMG.

Tababrkan oo ka furmay Jabuuti, ayaa waxaa loogu talagalay 500 oo askari oo taabacsan DKMG.

Tunisia oo yeelatay Dowlad ku meel gaar ah

Waxaa lagu dhawaaqay magacyada ku jira dowladda cusub ee ku meel gaar ka ah ee Tunisia, ka dib markii xukunka laga riday madaxweynihii Tunisia Ben Cali.


Ra'iisal wasaaraha Tunisia Maxamed Ghannouchi ayaa sii hayn doona shaqada, sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha,

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda ku meelgaarka ah

Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ciidamada loo joogtayn doono mushaar ay dhowaan u bilaabeen.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ah wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,

Shirkada Africa Oil iyo Dawladda Puntland oo Heshiis Hal Sano Wada Gaarey

Shirkada Africa Oil ee qaabilsan dhinaca macdan baarista ayaa sheegtay in mudo hal sano lagu kordhiyey heshiiskii dhinaca macdan baarista oo u dhaxeeyey iyaga iyo Dawladda Puntland.


War qoraal kasoo baxay Shirkada ayaa lagu sheegay in heshiiska la gaarey shalay oo ku beegnayd 17.January.2011,waxaana ay ku egtahay 17.January.2012 ee sanadka soo socda.
Africa Oil ayaa sheegtay in heshiiska ay ku weheliyaan labo shirkadood oo kala ah Range Resources Limited iyo Lion Energy Corporation,waxaana heshiiska dhinaca Puntland u saxiixay Agaasimaha waaxda Macdanta iyo Batroolka.

Shirkadu waxaa ay sheegtay in dooxada Dharoor Valley 27.07.2011 laga bilaabi doono macdan baaris iyadoo 27.09.2011 sidoo kale baaritaan lagu sameyn doono Dooxada Nugaal.

Madaxa Shirkada Africa Oil Keith Hill oo ka hadlay heshiiska ayaa sheegay inuu soo dhoweynaayo talaabadan isla markaana howsha gudan doonto Shirkada.

Bishii December ee sanadkii 2009 ayay ahayd markii wefdi kasocda Shirkada Africa Oil ay gaareen magaalada Garoowe isla markaana la kulmeen masuuliyinta Puntland,waxaana ay sheegeen in ay dib u bilaabi doonaan howlaha macdan baarista.

Horseed Media
Bosaso-Somalia

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka oo digniin Ujeediyey Xildhibaanada Maqan

Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin culus oo kama dambeys ah ujeediyey Xildhibaanada ka maqan dalka oo aan kasoo qaybgalin kulamada Baarlamaanka.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey

Wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga oo La Kulmaaya Raysalwasaare Farmaajo

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa dhowaan inuu kulan la qaato Raysalwasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Maraykanka.

Saturday, January 15, 2011

Bariiska oo Geeska Afrika u qaaliyoobi doona burcad badeedda awgeed


Dalka Australia oo dibadda u dhoofiyo bariiska uga badan adduunka ayaa beeralleyda waxaa ay la’yihiin maraakiib ay kireystaan oo ay bariiska ku gaarsiiyaan dalalka sida aadka ah looga isticmaalo,

Caasimadda Tunisia oo wali kacsan

Ciidamada amniga ee dalka Tunisa ayaa xiray wadada wayn ee caasimadda, oo ay halka dibadbaxyo ballaaran ay ka dhaceen,

Taliyaha Ciidanka Badda DFKM:Beesha Caalamka Ha inoo Qalabeeyaan Ciidankeena

Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan siiyaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed si looga hortago falalka Burcadbadeeda.

Admiral Faarax Axmed Cumar (Qarre) oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa ugu horeyn walaac xoogan ka muujiyey weerarada ay sii kordhinayaan kooxaha Burcadbadeeda

Friday, January 7, 2011

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo ka hadlay waxbarashada dalka

Guddoomiyaha jaamacadda Muqdishu Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa shalay u khudbeeyay jaaliyada Somalida ee dalka Nederlands.
Gudoomiyaha ayaa ka hadlay xaalada waxbarasha ee dalka Soomaaliya isagoo sharraxay horumarka waxbarasho ee ka jira dalka iyo caqabadaha la soo gudboonaada.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey