Wednesday, August 15, 2007

Gabaygii Aw muuse Ismacil ee Darbadaaley

Gabayada afsoomaliga lama yaqaan sida uu u bilawday sida afka soomaliga oo kale laakiin waxa macruuf ah in gabayga soomaliga ah uu soo maray marxalado fara badan oo loo aanayn karo abwaannadii hore. tusaale ahaan raage ugaas oo ku soo kordhiyay habka laba dhaca qaafiyada, ugaas nuur oo soo kordhiyay habka maansada iyo gabayada gaagaaban iyo sdioo kale isticmaalka ereyo badan oo soomali ah. Darbadaaley.

 ABWAAN BAA YIDHI:-

 (HADUU GABEY HIDIYO DHAXAL GALIYO EREYGA LAGU DHAARTO 

DHAWAAQIISA DHEER WAANIGII DHAADI JIREY WAAYE DHAMAANA MAAYO WIIL NAGA DHASHOO GOOLKA DHALIYAAYE

 DHAWAAQII GAHAYR IYO SALAAN HALKEY ODAYADII HORE DHIGEEN

 ANNA DHAAFIN MAAYEE AAN SII DHEX GALO WEEDHA ) . .


aan ku bilaabee DARBADAALEY waxaana dhabanaysay layr fudud oo dhanka deexeed markaas ka soo bilaabatay, oo uu qabowgeedu dejiyey kulaylkii gabbalka maalintaas ka soo haadayay, kaas oo ay Maxamed iyo tuldaha uu la joogaba tan iyo barqadii la dhididayeen. Waxay naacawdaasi ruxaysay kob leh geedo waaweyn oo cumur ah, halkaas oo ay daaqayeen neefaf ka badbaadey dhacii ugu dambeeyey oo lagu qaaday geelashii dhawaan la weydaariyey, inta raggii dhaqay badankoodii hilibkoodii haadda loo waray. Dabaysha duhur kolkii ay dhacdo wuxuu geelu qabatimay in uu dhirta waaweyn uu isagoo habeedinaya harsado oo hoosteeda ka daqaqamo, caws ama dhaayin afka la raadiyo. Waxaa, hase ahaatee, intaysan halihii cadceedsi u dareerin orday Maxamed oo u sii jeestey gurigii adeerkiis Aw-Muuse Ismaaciil oo ay da’diisu kolkaas toddobaatan sano ka badan tahay. Wuxuu labaatan jirkaas halaha barqa maalay duhurkii xaafadda ugu rooray waa jacayl uu u qabay in uu maqlo gabay uu ka malaynayay in uu wadaadka adeerkiis ahi ka tiriyo geeridii iyo cayrayntii loo geystey xoolohooda iyo xigtadooda. Geed weyn oo aqalka hortiisa ah ayaa waxaa falag ku hawlanayd bahdii ugu yarayd ooriyaha odayga oo aan madaxa kor u qaadin ilaa uu Maxamed oo matoobbo sitaa soo dul istaagey oo yiri: ”Maxaa lagu harsaday?” Araggiisa ugama ay nixin in aysan jeclayn ee waxay mooddey in uu dhiillo hor leh la dhalandhoolayay oo geelii yaraa oo haray uu col kale ulaha isugu dhuftay. Markii uu argagaxa wajigeeda saaqay dareemay buu inta qoslay wuxuu yiri: ”Odaygii ma joogaa?” Waxayna ayada oo naxdintii ka yaraatay, hase yeeshee weli yaabban tiri: „Hadda ayuu baxay“. Maxamed xoogaa ayuu dul taagnaa duqdii oo falagteedii duubashida ahayd ku maqan, wuxuuna ka calool xumaaday in uusan wax gabay ah meeshaas ka helin. Ugu dambayntiina wuxuu asaga oo qalbi jaban yiri: ”Ma gabyay maanta?” Markaas ayay toos u garatay sababta uu duhurkii u soo wirwiray waxayna ayada oo hawshii ay haysay u kaadisay oo dhoollocaddaynaysa tiri: ”Maandhow, kani damiinowye haddii aad gabyeysid gabay!” Duhurkaas midkii ku xigey ayuu Aw-Muuse tix dheer oo gabay ah wuxuu ka mariyey fagaare ay beeshu isugu yeerteen si ay abaabul ay Darbadaaley udubdhexaad u tahay uga tashadaan, wuxuuna odaygu tixda ugu luuqiyey qaab xallad leh oo aan laga filayn in uu nin da’daas joogaa maansada uga dananiyo. Inkasta oo uu ahaa ninkii ugu horreeyey oo gabay dheer afka Soomaaliga ku tiriyey, haddana waxaa tixda ka muuqata in ay lid ku tahay qaar ka mid ah tiirarka ugu waaweyn dhaqanka Soomaalida. Waxaa maansooyinka iyo maahmaahaha ku badan in aysan dumarka iyo dhallintu garasho fiican lahayn; hase yeeshee wuxuu gabyaagaani ku nuuxnuuxsaday in ay dhallinyaradu hayaan maskaxdii iyo muruqii bulshada lagu horumarin lahaa iyo in hawl kasta ayaga loo daayo, halka ay dadka filoobey nasniin iyo taakulayn u baahan yihiin oo aan waxba laga sugayn, waxaana tusaale buuxa ah meeriskakan: Daalicii markaa baxay nakhliga, boqol ka doorroone. Wuxuu kale oo darbad dhan ku guubaabiyey dumarka oo uu hab qurux badan u dhiirrigeliyey, isla markaas wuxuu kaga dabeecad duwan yahay maansooleydii hore in madaxda la canaanto oo aan hadalka lagala gabban.

Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye
Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye
Durdurkiisii adigaa ahiyo, daristii [1] weyneyde.
Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye
Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii [2] baase
Duq baad tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine.
Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilasha u daaye
Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay
Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye
Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode
Kol haddaan dariiqiisa furo, wayga soo degine,
Waxeer labada daar [3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo:
Madfacaan diyaarsaday miyuu, derejku ii fuulay
Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey
Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daadhay;
Awal maanso waataanan dumin, toban diraacoode
Dibnahayga waataan ka jaray, tan iyo Dayrwaaye
Dannigayga waataan is iri, Aakhiraa darane.
Dariiqayga waataan ka dhigay, diinta Nebi raace,
Doqontiyo haweenkaa is yiri, kani damiinnowye.
Dig dhehoo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh!
Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh!
Dawladaha is waafaqay habeen, dacawigoodii dheh!
Dirirtii Miskoo iyo rash iyo, dab iyo baaruud dheh!
Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh!
Murtidaan dambaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh!
Xarafyada ma kala dooriyee, Do’ iyo Daalkeed dheh!
Dadow xalay hurdana maan damcinoo, doob isugu waayay
Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey
Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey!
Dacas [4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo [5] i saaqday
Waan wada deddadey [6] sida laxmiga, la iga diifaayey
Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay.
Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey
Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey
Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey
Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayay!
Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey
Ma waxaan diidayaa uumiyuhu, dib uga rayn waayay,
Dacartaan hortii xiray miyaa, la iga soo daayay?
Ciil iyo hammi aan dugin [7] miyaa, la igu daardaaray
In aan diir qadhaadhnahay miyaa, uunka laga daahay
Dagaalka inaynnu qoob dhigin miyaan, dad ina moodaynnin?
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay [8] ,
Darbabna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday,
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya,
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga,
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugo;
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay
Tan iyo Qaw [9] adaa daadsan iyo, ceelkii Dabarowe [10]
Ogaadeen cabsi buu uga dan baqay, dooggii Himirowe
Dangudban iyo Dhudhubo-Hawd hartigu, kaaga soo durugye
Dacal kale Kax iyo buu degaa, dooxadii Dhudube [11] .
Dadka yaroo cadad ah damac lahayn, lagugu sii daaye [12]
Kolse haddaydin dirirtaan khalqigu, amarka waa dayne
Nuur Maxamed geeluu dalbaday, tuludna loo diidye
Ergo daran kacaysoo dulli ah, dooxadii timide,
Laye wuxuu la soo duday bahdiis, inay daweysaaye
Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waaye
Ogaalkaan dareen qabo mindhaa, uma dadaashaane.
Dayacanow delleganow [13] sidii, doog Alle cid siiyey
Diigdiigsadow [14] sida biciid, cid uma daardaare
Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana kama diide
Duqowdiyo ikhyaartii la diley, kama digriiryaade [15]
Duunyada haddii lagala tago, dib uma raacdeeye.
Iyagaa isku duullane cid kale, deyiba maayaane
Haddaa duulba duulkaan u guran, dab iyo baaruude
Koo kale dantiye keenna dega, deexda bariyaysa
Dayn iyo dukaan baad gashiyo, damac magaalaade
Dadaalkaagu wuxuu saaran yahay, diiro saraciiye
Darxumaad u wada liidataan, duunyaseegyahowe [16]
Candho-diiranley duul nin [17] lihi, cid uma daayeene
Dudiyo Xiito [18] nimaan loo lisayn, duni ku leeleelye.
Diihaalku geel inuu ku ba’o, idinka diimoonee
Duhurkii haruubkii ahaa, kibis ka doorroone,
Kolse haddaad dariiq wada madhaan, waysu soo dumine,
Inshaa Allaahu duulkaad gashaan, waa dulliyayaane.
Waxsaan lagu dambaabayn dad Bari, haatan boqor diidye
Iskaga daalid mooyee guddoon, haatan damashowye
Waxsaad kaga daliil qaadataan, beeni duug ma lehe
Haddii dooyadaad [19] shalay dhigteen, Udan ku daaduumay
Kolkuu soo dunmoo soo durkoo, dirir la dhawraayay,
Inuu soo dabbaaldego hadday, dani geyaysiisey.
Ammaantii beryahaa nalaga diray, dahab hadduu keenay
In aan boqorka laga dayn haddii, dhaartii lagu duugey
Markaad socodkii diideen haddii, duco laguu oofshey
Darmaanihii [20] dilkii Hagar haddii, duudsi laga yeelay
Doolliyo hadduu Irir warkii, haatan wada doojey
Iiddoorka Dix jira hadduu, diririgtii sheegey.
Dalal iyo Ugaas iyo Wacays, duulka bah Xawaadle
Duud Magan Warfaa reerahaan, damac walaalowney
Libintuu ku diirsaday ninkii, wax ila doonaayey
Nin mowdkiisa laga daahayoo, dilayo mooyaane,
Dib baan wacad Allee geelayaga, cidi u daardaarin.
Darbadna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday
Dabdacallaad [21] ahayd waaxidaan, dabo u noolayne
Dilkaagii la doon laguna farax, sida dad gaalaade
Debinkaas lugaha kuugu jira, lagugu sii daaye
Naftaada u dadaal wacad Allaan, duulna kuu rabine.
Adamihii [22] maroodiga damcoo, waayo daba joogey
Hadduu dagantidii rabay hadduu, boqonta doonaayey
Uu diday daleeshana u baxay, damacna dhiilloobey
Intaan dhowrihii [23] dirirba holin, duruga mooyaane
Durba qalanjaa [24] soo dadbee, da’a dambaan waayay.
Duflihii libaax dhalay hadduu, duqu mar weynaado
Digta iyo dagaalkiyo hingada, duulistiyo xoogga
Dariiq baa Ilaah wada marshaa, doqon ma yeeshaane.
Daalicii [25] markaa baxay nakhligu [26] , boqol ka doorroone
Qabiilana duryaadka u kacay, door ku noqotaaye
Ayaxuba hadduu meel ku dego, doogga ka idleeye
Dawacaduba ari bay gashaa, labo ka dooxdaaye
Waraabuhuu ma daahiro waqiis, duhurka maalmeede
Wuxuu duud habeenimo u gelin, daganti un dhawre.
Naagiba nin ay dahatey [27] baa, lagu dangiigaaye
Rabbi amarki waa duqe maxaa, doorshey faraceenna
Kun nin oo aan dab hurin karin maxaa, duul ka wada beeray
Maxaa dog [28] iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey
Hohe nimaan ku diirsado maxaa, duge idiin diidey!
Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune
Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe
Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale.
Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye
Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye
Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan [29] xeebeede.
Ilma Yuusuf qaar wax u dilaa, kama danbeeyaane
Dacar boowayaashiis shalay, sarac ka doorteene
Kuwii Faarax diley eebbahay, deeq isaga siiye
Alla reer Xirsoo wada dug yiri, damashi weeyaane.
Danab kulule goortuu is dhayo, dab iska nooleeye
Darxuma weyne weligiis hurdada, daa’in kama toose
Ninkii ina adeerkiis dulmiya, dib u xanaayeeye
Diradiriyo muran iyo xisdi baa, dilay naftaadiiye
Sidii dumar nin wada qabo xan baan, la iska daynayne
Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug wallee ma lehe.
Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguna daaqeene
Dabqaxa Dhirindhireed madaxyadaan, abidan duugoobin
Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey
Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne
Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane
Haddaan diin la dhigan oo ninnimo, daabka la adkaysan
Dulli baa lagu socdaa wacad Allee, labada daaroode.
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya
Korkiinnoo dallaayada raggii, daahirka u shuufey
Laabtiinna ninmankii ku daxay, shayga dananaaya
Gacmihiinna nimankii u dumay, lacagta duuduuban
Daclihiinna nimankii ka lulay, dahabka laalaada
Durrihimida khayliga [30] raggii, duuddiin [31] idin saaray.
Nimankii degdeg u keeni jirey, xidid wuxuu doono
Durdur sidi raggii caano geel, idin dabaalsiiyey
Dacaamkiinna nimankii ka dhigay malab la soo diiqay
Diggooniyo ikhyaartii kaloo, deyrka idin keentay
Intaan duugta lagu aasin baa, daahyo rogateene.
Dad wada cajab oo waxaa la yiri, naago door ma lehe
Shalay waxay ka dalangaynayeen, danaf cayaareede
Durbaan bay layeen tumanayeen, damac la’aaneede
Inaan dumar kalgacalkiis wax gelin, diirka ka caddayde.
Orda doomahaas raaca oo, Doy [32] isaga dhoofa
Ama kaca Hartigu waa duddee dawlad kale aada
Ama kaca raggaa Saaxil [33] dega, suuqadda [34] u danansha
Balse inaad na diir dhawrataan, waaba doqonniimo.
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin
Daaraha cidla ah iyo guryaha, igu dabayloobey
Dalanbaabigaygiyo lugaha, diifka socodkayga.
Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane
Alla dumar hangaalan [35] baa ku badan, dawyadaan marine,
Wallee ama dan li’i nooga baxe, labada duubduubni
Ama dumar rag kale qabo annana, weer [36] ku daa’imminey.
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugay;
Eebbow dambaabaye maqfiro, adigu hay diidin,
Eebbow cisyaankaan daldalay, derejo ii dhaafi,
Eebbow waxaan hor u dulmiyey, ha igu daymaynnin,
Dabka belelka naaraha Allow, derekadaa hoose
Ebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho,
Eebbow kuwii lagu derbiyey, hayga dacal yeelin,
Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede,
Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye,
Eebbow ma duudsidid xaqa oo, Daayin baad tahaye,
Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri!

Intaa aynu ku dhaafno DARBADAALEY waana ku mahadsantahay akhriskaaga Macnaha Erayadana halkaan ka dheeho:-

[1]   Daris =ris, caws adag oo gaagaaban oo dulka bannaan daboola.
[2]   Dahar = daar, sar
[3] Daar =feero, saab
[4] Dacas =dhib, dandarro
[5] Diilalyo = qarqaryo, gabayoox, dhaxan
[6] Deddo = qabow badan
[7] Dugid = ebyoomid, dhammaansho
[8] Diiraabid = diirin, kululayn
[9] Qaw = tuulo bariga fog ee Soomaaliya ku taal
[10] Dabarow = ceel caan ah oo Mudug ku yaal, wuxuu u dhexeeyaa xeebta Iidaan iyo Xingod
[11] Dhudub = magaalo Gallaadi iyo Goldogob u dhexaysa, waxay ku taal Kiilka 5aad
[12] Dalleensi = sahlasho
[13] Dellegan = meel la’, wax u dhimman yihiin. Wuxuu tilmaamayaa boqorka.
[14] Diigdiigsi = qaab ay xayawaanka geesaha dheerdheer lihi u socdaan.
[15] Digriiryaan = dhaqdhaqaaq lala soo boodo
[16] Duunyoseeg = qof aan musqtaqbal lahayn
[17] Nin = madax
[18] Dubbo iyo Xiito = macagyo geela loo bixiyo
[19] Dooyo = col isku duuban
[20] Darmaan = fardaha dhallinta yar
[21] Dabdacalle = qori dhanka hoose dab ku leh korna caadi ka ah oo kolkii la qaado lagu gubto
[22] Adan = raxan libaaxyo ah
[23] Dhowre = maroodi weyn oo lab ah
[24] Qalanjo = Maroodiga yaryar ama kuwa dhaddig
[25] Daalac = caw cusub oo markaas baxday
[26] Nakhli = caw duug ah
[27] Dahasho = dhalid
[28] Dog =bog
[29] Doh = dhulka dixda ah oo biyuhu maraan
[30] Khayli = maro midabbo badan leh oo la huwan jirey
[31] Duuddi = dhammaan
[32] Doy = Kismaanyo
[33] Saaxil = Berbera
[34] Suuqad = siyaakhad, alaabada dumarku isku qurxiyaan sida dahabka
[35] Hangal = asay
[36] Weer = hangal, asay

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

wararkii ugu danbeeyey