Monday, June 21, 2010

Bandhigga Buugga Burcad Badeedda Iyo Qoraa Sare Guruu Daahir

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 xaflad ka dhacday Hotelka Amal Plaza ee magaalada Bosaaso.
Waxaa Bandhgii Buugan ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Boosaaso,aqoonyahano ,odayaal iyo ardayda wax ka barata Dugsiyada sare iyo jaamacadaha Puntland qaarkood.

Buugaan ayaa ka hadlaya macluumaad badan oo ku saabsan Burcad badeeda iyo sidii ay ku soo bilowdeen,Waxaana Qoray Qoraa Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo C/fitaax Daahir Cumar(Guruu).

Duqa Degmada Bosaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay Munaasabadii lagu soo bandhigay buugaaan ayaa sheegay in uu si wanaagsan u akhristay Buugga ,isla markaana uu ka faa'iiday macluumaad uusan horay u ogayn oo Burcad badeeda ku saabsan.

Waxaa kaloo uu Duqa Degmada codsaday in lagu daydo qoraaga si mustaqbalka dhow iyo kan fogba loo helo aqoon badan ,Waxaana uu sheegay in jahliga looga bixi karo aqoon oo kaliya.

C/fitaax Daahir oo ah Qoraaga Buugga(Burcad Badeed) oo ka hadlay munaasbadii lagu soo bandhigyay Buuggaasi ayaa sheegay in arrimo badan ay ku kalifeen qorista buuggan ,isla markaana la tashi badan uu la sameeyay aqoonyahano badan ka hor inta uusan Qorin.

Qoraaga ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay wax qoraan akhriyaanna oo ka caawin karta in ay hormar gaaraan ,Waxaan uu xusay in Buugaag hor leh uu u soo diyaarin doono Bulshada Soomaaliyeed.
Buugaan (Burcad Badeed) ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee laga qoray Burcad badeeda ,Waxaana uu Burcadda uu qoraaga u kala qaaday labo qaybood oo kala ah jariifka iyo kuwa wax afduubta.

Buuggaani waxyaabo badan ayaa laga faa'iidayaa oo ay ka mid yihiin sida dardarta leh ee ay burcad badeeddu ugu fidday soomaaliya iyo khasaare iyo faa'iido waxay kala kulmaanba dhanka ciidamada shihseeye ee badda soomaaliya ku sugan ee Ilaalada ka haya maraakiibta waawayn ee isaga goosha aduunka gaar ahaanna xadka badda soomaaliya.

Dhammaan waxaa ka helaysaa oo uga boganaysaa Buugga uu Qoraagu ku fara yaraystay ee loogu magaca daray (Burcad Badeedda).

Qoraa Guruu waxaa uu horay u qoray Buugga (ISBADAL),Buugaag kalana waa uu soo wadaa sida uu Goobta bandhiga ka sheegay waana in lagu taageeraa himmadda wanaagsan loogana daydaa dhammaan dhalinyarada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.

Bashiir Daahir Dhabayaco
Melbourne - Australia

3 Ra'yi ka dhiibo:

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo
ayaan leeyahay Ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan Buugga burcad badeeda Awgii
Q/ Guruu Daahirna waxaan leeyaahy ha ka harin qoraallada Buugaagta
aadbaan idiinku mahadcelinayaa dhammaan
macsalaaaaaaaaaam.

guruu sxb macne dadaaaaal ilaah ha kula garab galo ayaan ku leeyahay waana ku taageeraynaa marwalba.

Maasha allaah saaxiibayaal waxaan leeyahay sxbkeen guruu kalagure sii wad dadaalka insha alaahna allaha kula garab galo waa laguu khal khalsanyahay bariga iyo bartamaha soomaaliyee!!!

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey