Wednesday, June 30, 2010

Geeraar iyo xasuus aad uwacan{Daawasho}.!!!

Geeraar ku saabsan xaalka dalkeenu yahay
W/T:(Bashir Dahir Dhabayaco)

Dunidaba dhammaanteed Dadaalbey galeenoo
Daarey dhisaayaan Dalkooday cammirayaan
Dadaal la'isku dhaafyo Daruuraha agtoodiyo,
dayaxaa la dagayaa taasaa la doorbidey
inaa lagu dakeeyaa Dowr wacan la gaara
Dadkaygow annaguna dadba daa warkiise
Dawrkeena wacaniyo dadkiibaan qalaynaa,

Da'yartiyo maxaastana looma diir naxaayoo,
Danba yeelkadeede waa lasii daldalayaaaaa,
Diirku kuu damqaayana waa looba duurgali
Saana laguma daayoo Dhagta dhiigga loo dari,
Diiday ruux yiraahdana Dariiqaa sugaayoo.
Digniin aad u culusiyo xabbaduu la daris yahay.
Intaasoo Difeetiyo kuwa daahna saarnayn
Dadkeenaa la garab dhigay dalkaa loola jeeda
nabadiisu yay dagin ruuxna yuu dangiigsan
Danbi yuu ka galayoo maxaa loogu dawgalay ?
Ruuxii Damiir loooooow dareenkiisu kacayow!!
Adaan kuuba daayee ku dul dhigaye iga hano!
waa inaadna daristaa dawgu suu un yahay iyo
dadku suu ku daadagi dariiqeese loo mari?!
waa su'aal da' waynoo madaxa daalinaysee
Dadow see u aragtaa Dow inay un tahayoo
Dadka looga gaara kuwa saan u doorbidey?
ruux kastow dadaaloo darafkaaga qabo ooo
Dani waa wadaagtee darafkaaga yay marin
Daa'imkeen ilaahay waa inaanu barinaa
Ducadana Allaylkiyo duhurkii wadnaayoo
yaanu daalin abidkeen daa'im baa ajiibiye
danihii dadkeeniyo dalkeenaa un doogaa
daruuftii timaadna waa inaan ku daminaa
In sha Allah dalkuu waa dagaayaa

W/T: Bashir Dahir Dhabayaco

halkaan ka daawada walaalayaal waxyaabahaan ku caan baxnay iyo saan ahayn
somali awooddeedi waa soo laaban in sha Allah mar un ayay imaanaysaa !!!!!


Allhoryaal

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey