Thursday, September 30, 2010

Horumarka Naadiga Comsed oo ah Horyaalka P/Land (Sawirro)

Naadigaan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la,aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas,aasay magaalada gaalkacyo waxaana aas,aasay oo mulkiilaha oo ah dhakhtar wayn oo lagumagacaabo Dr,C/qaadir Maxamed jaamac
(dhaga cade). Naadigan oo ah mid aad loomaal galiyo waxa uu leeyahay garoon wayn oo ugooni ah iyo meelo ay ciyaartoydu kujimicsato marka ay banooni soo dheesho ama ay soo almiitayso waxay kale oo leedahay xarun wayn ama hool wayn oo ay kooxdu iskugu timaado oo  ay kaga  shirto   dhinacyada tartamada ciyaaraha iyo koobabka ay ka qayb galayaan. 
kooxdan Comsed Waa kooxda ugu guulaha badan puntland waxayna ilaa hada qaadday 14 koob oo ay ka kala qaadday dhammaan gobolada puntland, xagga tayada ciyaartoyda waa koox ciyaartoydeedu aad utayo sarraayso dhinac banooni iyo dhinac akhlaaqeedba waana ay kala danbeeyaan sidookale kooxdu waxay leedahay funaanado(Maaliyado) iyo qalab sports oo ugooni ah waxaana qalabka looga keenaa magalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga halkaas oo mulkiilaha kooxda (Dhaga cadde)  uu xarun kuleeyahay kooxda waxaa umacalin ah macalin haysta shahaadada FIFA oo simnaaro caalami ah iyo aqoon korarsi badan kusoo qaatay dibada iyo wadankaba laguna magacaabo Ilyaas Cabdi Nuur .
dhinaca kale xiriirka kubadda cagta ee soomaliya mar ay yimaadeen deegannada puntland kooxda waxay u aqoonsadeen koox ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya waana kooxda kaliya ee puntland ay ka xusheen xiriirku.
kooxdu waxay safaro ku tagtay dhammaan gobolada puntland iyo gobolo ka mid ah somaliland waxaana ugu danbeysay ciyaartii dhexmartay ciyaartoyda Comsed oo matalayay Gobolka mudug iyo naadiga Midnimo oo matalayay Gobolka Nugaal,ciyaartaas oo ka dhacday Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ee xarunta maamulka P/Land taas oo ay bareejo(bar bardhac) galeen balse aay sigeen inay koobka hantaan, waxayna hada rajaynaysaa kooxdu oo dadaal dheer ugu jirtaa  in ay safarro ku aaddo Dalka dibaddiisa gaar ahaan wadamada Kenya iyo Djbouti.

maamulka kooxda Comsed waa sidaan:-
Mulkiile: C/qaadir Maxamed  (Dhaga cade)
Gudoomiye: C/qani Khaliif (carabey)
Macalinka: Ilyaas Cabdi nuur

Director: C/raxman Mohamud Sahal
Xoghaye: Xaaji Buubaa

Kabtanka: Ibraahin Khalar

Magacyada iyo lambarrada ay ka ciyaaraan Ciyaartoyda Comsed:-
boortiyeeri :- darbo wayne(1) Jaylaani (2 )difaacyo sayid cumar ,
(5_daahir maicon (4) yasac  (3) madoobe  (2) qurbac aways
(15) dhex waa Sahal Dahir (6)Saadeq C/raxman (8) Maxamed bidaar (16) boos(15) ibraahin khalar
(11)baalaayasha waaa buuraas(7)Axmadey baraf(11) c/fitaax lampard(18) 
 noomayaasha waa axmed(9)Jookar ciise(14) maxamuud timojilic(17)

Ragga ugu Goolasha badan
Buuraas iyo Axmadey baraf




   
                                 Mulkiilaha Comsed Dr,C/qaadir Maxamed (Dhaga cade)
                                Ciyaar dhex martay Comsed iyo Dhahar bishii 6aad
          
Qayb kamida Garoonka Naadiga Comsed
 
Koobabka kala duwanaa ee la gudoonsiiyey Nadiga Comsed
              
Safarrada ku aadan Dalka dibaddiisa ee Naadiga Comsed


Bashiir Dahir Dhabayaco
allhoryaal.blogspot.com
Melbourne - Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey