Friday, August 6, 2010

War Dag-Daga :-M/P/Land oo ka hadlay Dagaalada deegaanka Galgala.




Madaxweynaha tilmaamay in dagaalka ay Ciimada Amaanku ay gacanta ku soo dhigeen raga argagaxiso ah kuwaas oo uu qaar ka magacaabay, islamarkaasin uu magacaabay nin lagu magacaabo jaamac ismaaciil ducaale ninkaan oo uu sheegay in uu yahay nin argagaxiso ah oo horay dagaalo kala duwan uga soo galay gudaha dalka Soomaaliya.
 Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda dagaalka wadi doonto ilaa inta ay kooxdaasi falaagada ah ka tirtirayso dhulka Puntland, waxaana uu sheegay in dagaalka goobihii uu ka dhacay oo idil laga sifeeyay.

C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxo noocaan oo kale ah ay horay u soo mareen Puntland, islamarkaasina ay kooxdaani nonqon doonto mid qorshaheeda ku hungoyday.

Dagaaladaan xalay ilaa saaka socday deegaanada Galgala iyo deegaanada ku dhow dhow iyadoo wararku sheegayaan hadda dagaladu ka socdaan dhulka buurolayda ah ee Gobolka Bari.

Allhoryaal
Garoowe - Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey