Monday, March 25, 2013

Madaxweynaha Puntland oo Kalfadhi Deg-deg ah u furay Barlamaanka P/L


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland.

Fadhigan ayaa la isugu yeeray Baarlamaanka Puntland oo fadhiyadoodii uu xirnaa
, waxaana fadhiga deg degga ah la filayaa inay uga hadlaan qodobo kamid ah Doorashada Puntland iyo codsiyo uu soo gudbiyey Guddiga Doorashada Puntland.
Guddiga Doorashada Puntland ee Kumeelgaarka ah ayaa dhawaan ka codsaday Madaxweynaha Puntland inuu Baarlamaanka isugu yeero si loo ansixiyo isbedalo lagu sameeyey sharciyadii Doorashada.
Guddiga Doorashada oo uu magacaabeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah madaxda xisbiga Horseed ayaa xiligan Baarlamaanka ka doonaya in sharciga doorashada laga saaro qodobada kala ah:
1- Diiwaangelintii oo lagu guuleysan waayey, sidaana looga saaro doorashada Diiwaangelinta oo dadku codkooda dhiibtaan diiwaan la’aan. Puntland oo hore shacabka loo tirakoobi lahaa ayaan qodobkaas laga saarayaa sharciga Doorashada sida uu codsaday Guddiga doorashooyinka Puntland ee kumeelgaarka ah.
2- Sidoo kale qodobka kale ayaa ah in shacabka ay codkooda dhiiban karaan iyagoo aan heysan wax Cadeyn ah ama Kaararka Aqoonsiga.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta ka hadlayey furitaankii kalfadhiga Baarlamaanka ayaa sheegay in la isugu yeeray Xildhibaanada inay hawshooda gutaan, isagoo intaasi raaciyey in Sharciyadii la dajiyey ee doorashada ay noqdeen kuwo wada saxmi waayey, isla markaana loo baahan yahay in wax laga bedalo, Faroole oo qodobkaasi ka hadlayey ayaa yiri:
“…Sharci Bini’aadam sameeyey ma dhameystirna oo Illaahay iyo Quraankiisa uun baa dhameystiran, waxaa iska jiraya mar mar wax yaalo laga bed-bedalo sharciga aanu sameysanay…”

Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doorashada Golayaasha deegaanka la qaban doono muddo 3 bilood gudaheed ah, isagoo sheegay in Sharciga ay ku jiraan qodobo aan la socon karin sida la rabo inay doorashada u dhacdo. Qodobadaasina waa in wax laga bedalo.


Qodobada maaha mid aan Xukuumada ugu daneenayno balse waa mid maslaxada ku jirto, ayuu yiri Madaxweynaha oo u khubeenayey Xildhibaanada Baarlamaanka ee kalfadhiga kasoo xaadiray.
Guddiga Doorashada ayaa halkan imaan doona oo idiin faah faahin doono qodobada laga hadlayo, ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo u khudbeenayey Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo iyagu si isku duub ah loo sheegay inay xubno uga yihiin Golaha Dhexe ee Xisbiga uu Madaxweynaha hogaamiyo ee Horseed.
Waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa in Baarlamaanka hada jooga uu awood uleeyahay inuu wax ka bedalo Dastuurkii la ansixiyey iyo waliba qodobada sharciga doorashada, maadaama Baarlamaankan wakhtigiisii dhamaaday, sidoo kale Xildhibaanada ayaa noqday kuwo hoostaga xisbiga Madaxweynaha arrintaasi oo ay horey uga hadleen ururada siyaasada ee doonaya inay doorashada ka qeyb galaan.
Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa sida ay doorasho xor ah ku dhici karto iyadoo ayan jirin Diiwaangelin iyo waliba Aqoonsiga codeeyayaasha ama dadka codkooda dhiibaya, qodobadaasi oo ah kuwa ugu muhiimsan doorasho walba oo looga hortago musuq maasuqa iyo in cododka lagu shubto.

Waxaa sidoo kale su’aalo badan ka taagan yihiin Doodii Dowlada ee hore oo ahayd in ay 1 sano loogu daro si ay hawlahan u dhameeyaan, iyadoo hada muuqato dowlada inay dhinac iska dhigtay qodobadii wakhti kororsiga loogu ansixiyey oo ay kamid ahaayeen diiwaangelinta iyo bixinta kaararka Aqoonsiga.
Hadaba Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ansixiyo qodobada Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashada usoo gudbiyeen, maadaama xubnaha Baarlamaanka ay intooda badan ka tirsan yihiin Xisbiga Madaxweynaha.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta dowlada ka tirsan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday xiriiro hoose oo ay la sameenayaan qaar kamid ah ururada Siyaadada oo ay ku doonayaan inay ku qanciyaan in la qaato nidaamka uu wato xisbiga Madaxweynaha ee Horseed, isla markaana aysan ka horimaan ama diidin go’aanka kasoo bixi doonaa kalfadhiga Baarlamaanka ee maanta furmay.

Xisbiyada ama ururada Siyaasada ee looga dhawaaqay Puntland ayaa dhamaantood sheegay in ay kasoo horjeedaan in diiwaangelin la’aan doorashada la galo, mase cada in qaarkood fikirkooda wax iska bedali doonaan madaama dhowr urur la sheegay in uu culeys uga yimid dhinaca dowlada iyo xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha oo maalmahan kulamo kulahaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey