Saturday, January 23, 2010

Ardey Ka Qalin Jebisey Jaamacada SHANDi

Waxaa habeenimadii jimcaha 22/01/2010 lagu qabtay dalka suudaan gaar ahaan gobolka nahrul-niil magaalada shandi xaflad qalinjabin oo loo samaynayey aradada dhameesay jaamacada SHANDI
 sanadkii tagay dhamaadkiisii 2009, ardaydaas oo tiradoodu gaareysay 50 arday oo isugu jiray wadamo kala duwan sida Somalia, Suudaan, China, Turkiya, Jordan iyo wadamo kale oo dhamaantood ka qalinjabiyey sciense qaybihiisa kala duwan ayaa somalidu waxay kulahayd


labo arday oo kala ah.
Dr. Maxamed Cali Nuur & Dr . Bashiir Cabdi Shire (shandi)

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga aradada soomaaliyeed ee jaamacada SHANDI ayaa ahayd mid aad iyo aad looga soo shaqeeyey kuna dhacday si aad u heer saraysa iyo jawi aad iyo aad u wanaagsan oo soo jiitay dhamaan kumanaankii arday oo kasoo qayb galay xafladaa iyo marti-sharafkii ka soo qayb galay oo ka kala socday qaybaha kala geddisan ee dowladda Suudaan, iyo wafdi sare oo kasocday kharduum.

Xafladdaas oo ahayd mid ay aad iyo aad ugu riyaaqeen dadkii ka soo qayb galay, waxaa khubado ka jeediyey ardaydii dhameesay jaamacadda oo kala ahaa. Dr. Maxamed Cali Nuur & Dr . Bashiir Cabdi Shire (shandi)
Waxayna sheegeen in ay ka shaqeenayaan sidii dhidibada loogu aasi lahaa xiriirka ka dhexeeya dalka Suudaan iyo Soomaliya siiba Puntland iyo nahrul-niil xiriirka ka dhexeeya ee inta muddada ah soo jiray.
Gobolka nahrul-niil waxuu xiriir dheer la leeyahay Dowlada Puntland ee Somalia
Magaalada shandi waxay kamid tahay xarumaha ugu muhiimsan ee dhanka waxbarasho ee dalka Suudaan iyadoo halkaa ay Soomaali badan wax kabartaan sanadkastana gobolkani Somalida ugu deeqo waxbarasho noocyo badan isugu jirta.

Magaalada shandi waxay ka xigtaa caasimada dalka Suudaan dhanka waqooyi 175km.

Ugu danbeentii waxaa meesha kahadlay maamulka ardada Puntland ee gobolka shandi masuulkooda ugu sareeya Mudane Xeyrdaac waxuuna sheegay in ay u taaganyihiin ka shaqaynta iyo isu keenida somali meel kastoo ay joogaan ayna sii wadi doonaan dadaalka ay wadaan haddeer kuna booriyey Soomaalida meel kasta ay joogaan in ay midoobaan dalkoodana wax u qabtaan.
Waxaa sidoo kale gobolka indha indheen ku jooga wafti sare oo kasocda ururada ka jira dalka Suudaan oo uu hogaaminayo Ust: Mustafe Cabdirsaaq iyagoo u kuur galaya xaalada Ardada shandi ee Soomaaliyeed waxuuna kuso dhamaaday safarkaasi guul iyo wanaag.
  
shini -- sudan

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey