Friday, January 22, 2010

Qarax ka dhacay Bosaso


Waxaa caawa uu qarax bambaano ka dhacay bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari, Qaraxan oo la sheegay in lala bartilmaamsaday ciidamada Amniga ee Boosaaso.

Wararka horudhaca ah ee soo gaaraya Warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay nawaaxiga Xarunta Xalwo Banaadir ee bartamaha magaalada Bosaso, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Amniga oo waday baaritaano. Sida aanu kasoo xiganeyno qaar kamid ah dadkii halkaasi ku sugnaa, waxay sheegeen in bam gacmeed lagu tuuray goob u dhaw halkii ay ciidamada ku sugnaayeen.

Taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo Horseed Media la xariirtey ayaa u xaqiijiyey inuu qaraxan dhacay, isla markaana wuxuu Taliyuhu sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay. Col.Jaqanaf ayaa intaa ku daray in hada ciidamada ay wadaan baaritaan ku aadan qofkii weerarkaasi ka danbeeyey, asagoo sheegay inay gadaal ka shaacin doonaan wixii tafaasiil ah.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada Bosaso ka socdaan hawlgalo amniga lagu sugayo, ayadoo dhawaan magaalada Bosaso lagu dilay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey