Tuesday, April 20, 2010

Djibouti oo dastuurka beddeshay

Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti ayaa maanta go'aansaday in xilka Madaxweynenimada la hayn karo saddex xilli oo xiriir ah.


Taas uu Macanaheedu yahay in Madaxweynaha hadda xilka haya, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu mar saddexaad u tartami karo jagada Madaxweynenimada oo hadda uga eg sannadka soo socda.
Dad ayaa ayaguna ku bannaan baxay baarlamaanka hortiisa, kuwaas oo taageersan in dastuurka wax laga beddelo si madaxweynuhu uu mar saddexaad ugu tartami karo xilka.
Waxay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya waxqabadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay ku dalbayaan in uu xilka ku soo laabto.
Baarlamaanka Djibouti oo ka kooban 63 mudane, si buuxda ayuu isugu raacay wax ka beddelka dastuurka Jamhuriyadda Djibouti.
Fadhiga maanta waxaa goob joog ahaa 59 Mudane dhammaantood Haa ku codeeyay.
Xasan Cali

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey