Friday, April 23, 2010

Qanyare: Adan-Madoobe waa dhacay


Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in muranka u dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaal 300 kor u dhaafay oo u arka in xilligiisii dhammaaday, uu hadda meel xun gaaray.
Waxaa uu Qanyare ku tilmaamay in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo isagu maalmahanba ku kala dhex jiray Guddoomiyaha iyo mudanayaasha ku kacsan uu hadda la saftay Guddoomiyaha.

Qanyare wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu ku xad gudbay Axdi Qarameedka Soomaaliya.

Mudanaha oo si toos ah ugu warramayay barnaamijka Dunida iyo Maanta ee BBC, wuxuu ku taliyay in loo hoggaansanaado qaanuunka.

Mudane Qanyare oo hadda jooga Muqdisho wuxuu ka mid yahay mudanayaasha doonaya in xilka laga xayuubiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Wuxuu ku doodayaa in shirkii Djibouti markii uu socday uu Guddoomiyuhu ku dooday in isaga xilkii shanta sano ee loo doortay ay ka harsanayd 8 bilood.

Sidaa darteedna, maaddaama aanuu isagu is casilin, cid riddayna aanay jirin uu xilkiisa sii haynayo ilaa 21-ka Augost 2009.

Xilligaas markii la gaareyna Guddoomiyuhu wuxuu kala diray Baarlamaanka ayuu yiri, wuuna diiday in la fariisto.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, Cusmaan Cilmi Boqorre, ayaa isaguna qaba in uu shir guddoonka Baarlamaanka xilkii ka dhammaaday.

Isaga oo jooga Tehran ayuu Boqorre BBC u sheegay in isagana xilkii ka dhammaaday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay murashax u taagan in uu noqdo Guddoomiye ku xigeen.

Waxaa jira iyaguna mudanayaal kale oo la safan Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo u arka in shirkii Djibouti uu ahaa heshiis la gaaray in Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaashuba ay xilka haynayaan 2 sano iyo 8 bilood.

Wafdi reer Djibouti ah, oo uu horkacayo, Wasiirka Arrimaha Diinta, Cali Xaamud Suldaan, ayaa Muqdisho ku sugan kuwaas oo isku dayaya in ay u caqli celyaan dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo, oo ka wada tirsan dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey