Thursday, April 22, 2010

USA iyo African Union oo ku baaqay in La Xoojiyo Howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya

Xubno ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa socdaal ku gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka halkaas oo kula kulmeen masuuliyinta wadankaasi oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah.
Masuuliyin ka tirsan Dowlada Maraykanka gaar ahaan waaxda u qaabilsan amuuraha qaarada Afrika iyo xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arimo ay ka mid tahay xaaladihi ugu dambeeyey ee Soomaaliya.
Masuuliyinta Midowga Afrika ka socday oo ka tirsan guddiga nabadgalyada ee Ururka ayaa ka waramay howlaha ay Ciidanka AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee hoos tega iyaga,waxaana ay sii qoto dheer uga warameen waxyaabaha u qabsoomay inta ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Xubnaha Dowlada Maraykanka ayaa sheegay in ay taageero diyaar la yihin Ciidanka AMISOM,waxaana ay ugu baaqeen in xoojiyaan howlahooda ayna sii balaariyaan.sidoo kale waxaa ay wadamada qaarada Afrika ku yaalla ee hore u balanqaaday in ay Ciidan usoo dirayaan Soomaaliya si deg deg ah arintaas u fuliyaan.
Kulankaas ayaa kusoo dhamaaday in la xoojiyo howlaha ay Ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ay wadaan ayadoo loogu baaqay Beesha Caalamka in ay taageero balaaran siiyaan Dowlada Federaalka oo iminka cadaadis xoogan kaga yimi Xoogaga Mucaaradka kasoo horjeeda

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey