Wednesday, October 12, 2011

Calankeenna Soomaaliya oo 60 sano jirsadey!

Waxaa qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya maanta laga xusayaa 12-ka October oo ku beegan maalintii la asaasay Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya sanadkii 1951.Waa sanad guuradii 60-aad oo kas oo wareegtay
xilligii uu rabbi ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan hindisay Calanka cirka u eg ee ay xidigta 5-geeska ahi dhexda kaga taaal.
Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka dhacaan Munaasabado lagu xusayo maalinta Calanka Soomaaliya.
Sidoo kale xaflado kuwaas lamid ah ayaa ka dhacaya dalalka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Yurub , iyo Maraykanka , Dhanka kale ardayda wax ka barta Jaamacadaha ku yaala dalalka Uganda , Maleysia , iyo Sudan ayaa iyaguna maanta qabsanaya xaflado ay ku xusayaan maalinta calanka Soomaaliya oo ku aadan 12-bisha October.

Goormaa kuugu danbeysey dhegaysiga Qolobaa Calankeedu>
Play

Dalka Soomaaliya oo xiligan xaaladiisu ay tahay mid ishii aragtaa ka ooydo ayaa waxaa maanta oo kale qiiro iyo murugo isku dhafani ku weynyihiin dadkii usoo joogey xiligii la saarayey markii ugu horeysey calanka cirka u eg ee Soomaaliya.
Qarniweliba Caynkiise, Calankii Soomaaliyeed maanta kama babanayo beertii Xoriyada ee Hargeysa halkaas oo ahayd goobtii u horeysey ee la sudhey 26 Juun 1960. Dhanka Koonfurta Soomaaliya waxaa ka soo baxay kooxo diiden Calankaa buluugan colna laa ah, waxayna ku bedesheen maro madow oo Tawxiidka lagu qorey, Sidoo kale Puntland waxay ka dhinac mudey mid kale oo u gaar ah kaas oo qaybtiis tahay Calankii Soomaaliyeed inkasta oo labada calanka iska dhinac babanyaan, waxaana sidoo kale soo baxay maamul goboleedyo hawo ku dhisan kuwaas oo dhamaantood maryo wax kuwada xariiqdey.
Si kastaba ha ahaatee waxay maanta ku beegan tahay sanad guuradii 60-aad ee kasoo wareegtey markii Alle ha u naxariistee Maxamed Cawaale liibaan uu hindisay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya astaanta u ah ee lagu naanayso (Buluugle)

Xigasho HMedia
Bosaso-P/Land
  Soomaaliya

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey