Wednesday, October 12, 2011

Labo Qof oo Ku Eedeysnaa Dilkii Nabadoon Xasan (Waloore) oo La Xukumay[Dhegeyso]

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ka warbixiyey xukuno ay Maxkamada derejada 1-aad ee gobolka Nugal ku ridey 2-qof oo lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen dilkii nabadoon Xasan (Waloore) oo lagu toogtey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug horaantii bishii 8-aad ee sanadkan.
Maxamuud Xasan Aw-Cismaan oo maanta Warbaahinta Horseed u waramay ayaa sheegay in labdan qof oo ay midkood haween tahay lagu soo eedeeyey denbiga ah inay iyagu lacag soo siiyeen gacan ku dhiiglihii diley Nabadoon Xasan (Waloore) oo isaga dhowaan xukun dil ah lagu xukumay.
Wuxuuna intaas ku daray in labadan qof la xukumay kadib markii gacan ku dhiigle Cabdilaahi Isaaq Cali oo isagu falkaas dilka ah geystey uu qirtay in isagu uu dilkaas ka danbeeyey , islamarkaana ay iyagu lacag soo siiyeen kuna amreen in uu Nabdoon Xasan(waloore) dilo.
Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa ugu danbayntii sheegay in labadan eedeysane ee loo haystey inay ku lug lahaayeen dilkii Nabadoon Xasan (Waloore) lagu xukumay in mid walba uu qaato xarig mudadiisu ay labo sano tahay.
Dhegeyso Waraysiga Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland
Play
Todobaad kahor ayey ahayd markii ay Maxkamada derejada 1-aad ee gobolka Nugaal xukun dil ah ku ridey Cabdilaahi Isaaq Cali oo isagu qirtay inuu yahay ninkii geystey dilkii Nabadoon Xasan (Waloore) oo ahaa Nabadoon caan ka ahaa guud ahaan deegaanada Puntland.

     Xigasho
Horseed Media

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey