Wednesday, October 12, 2011

Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo Maanta Garoowe ka Dhoofay[Dhegeyso]

Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka bada Siciid Maxamed Raage , Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xasan ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee magaala madaxda Puntland ee Garoowe.Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey safarka uu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) dalka dibadiisa ugu baqoolay.
Wuxuuna sheegay in safarka Madaxweynuhu uu xiligan ku wajahan yahay caasimada dalka Kenya ee Nairobi , halkaas oo uu kula kulmi doono qaar kamid ah Madaxda beesha Caalamka , iyo Hay’adaha Qaramada midoobey , iyadoo halkaasna uu kasii raaci doono Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur.
Libaax Joorre ayaa sidoo kale sheegay in marka uu Madaxweynuhu soo gaba gabeeyo kulamada uu magaalada Nairobi kula yeelanayo Madaxda beesha Caalamka uu usii gudbi doono magaalada London ee Caasimada dalka Ingriiska , halkaas oo uu kaga qayb gelayo kulan dhowr beri socon doona oo looga hadlayo dhibaatooyinka Burcad badeeda.

Dhegeyso Waraysiga Afhayeenka Puntland
Play
 
Afhayeenka Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheek Maxamed inta uu London ku sugan yahay uu sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono Jaaliyada Puntland ee dalka Ingriiska , iyo dalalka daneeya arimaha dalka Soomaaliya.
Safarka wefdiga uu Madaxweynaha Puntland hogaaminayo dalka dibadiisa ugu dhoofeen ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta uu dalka dib uga soo laabtay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire oo isagu in mudo ah ku maqnaa dalka Ethiopia.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey