Wednesday, December 21, 2011

Dhagayso Duqa degmada Gaalkacayo oo ka hadlaya xaaladda ammaan ee Gaalkacayo

Duqa degmada Gaalkacyo Siiciid Cabdi Faarax ayaa maanta si kulul uga hadlay ammaanka degmada Gaalkacayo iyo deegaanada hoos taga xarunta gobolka Mudug
.
Siciid Cabdi Faarax oo ka hadlayey shir maanta ka dhacay hoolka shirarka isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay falalka ammaaanka lidiga ku ah ee mudooyinkii u danbeeyey ka dhacayey magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu sheegay in dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwo uu ku tilaamaamay dhul durugsi ay wadaan meleeshiyo ka soo jeeda maamulka Gal-Mudug.
Duqa degmada Gaalkacayo ayaa sidoo kale ka hadlay weeraro mudooyinkii u danbeeyey ay gaysanayeen meleeshiyo ka soojeeda Deegaanada Gal-Mudug ,waxaana weeraradaas lagu dilay ilaa iyo hada 3-qof oo reer guuraa ahaa kana soo jeeday deegaanada Puntland.
Col Saciid Cabdi Faarax ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin waxa uu ku tilmaamay daandaansi cad oo ay wadaan meleeshiyada ka soo jeeda maamulka Gal-Mudug , isagoona sheegay in ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan hadii markale falal noocaas oo kale ah ay geystaan.
Sidoo kale duqa ayaa ka hadlay ammaanka degmada Gaalkacayo iyo falalka ka dhaca ee amni xumo ,isagoo ku tilmaamay falalkaas kuwa laga soo qorsheeyo inta u dhaxaysa Maamulada puntland iyo Gal-Mudug.
Dhegeyso codka Duqa Gaalkacayo
Play
Hadalkan ka soo yeeray Duqa degmada Gaalkacayo ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmo kahor ay maamulka gobolka Mudug ku baaqeen in talaabo cad laga qaado mileeshiyaadka kasoo jeeda Gal-Mudug ee falalka amni xumo ka gaysta dhanka puntland.

Galkacyo-Puntland
Soomaaliya

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey