Wednesday, December 21, 2011

Shirkii Garowe oo furmay iyo madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay (Sawiro)

, Galmudug, iyo sidoo kale wakiilo ka socday Ahlusunna Waljamaacah, Bulshada Rayidka, IGAD iyo Q/midoobay.
Shirkan oo daba socda shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho 4-6 bishii October kaasoo loogu magac daray shirka Wadatashiga Soomaaliya ayaa waxaa furitaankiisa goob joog ka ahaa madaxweyhaha dowladda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sheekh Axmed.Guddoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, Wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. A. Mahiga iyo wakiilo ka kala socotay dowladdaha deriska la ah Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ugu horeyn khudbo dheer ka jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Faroole isaga oo ku dheeraaday taariikhdii aas aaska Puntland, marxaladdaha dalku soo maray iyo weliba muhiimada shirka maanta ka furmay xarunta maamulka Puntland ee Garowe wuxuuna xusay inuu ka rajeynayo inay ka soo baxaan miro wanaagsan oo waxtarna u leh shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo.
Sidoo kale, waxaa halkaasi kalimad bogaadin ah oo gaaban ka jeediyay wakiilka xoghayaha guud Amb. Mahiga oo uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Puntland soo dhoweynta diiran ee ay sameeyeen wuxuuna ka soo gudbiyay halkaasi cudur daar ku aadan inuu doonayo inuu u dhoofo magaalada Addis ababa halkaasoo uu sheegay inuu ka furmayo burrito shir looga hadlayo sidii loo fidin lahaa loona gaarsiin lahaa howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, kaasoo uu sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Mahiga wuxuu sheegay inuu saddex qodob oo dardaaran ah ka wado xoghayaha guud ee Q/midoobay Mr. Bankimoon kuwaasoo kala ahaa in la dhaqangeliyo Roudmap-ka, in la sameeyo Dastuur loo wada dhan yahay iyo in madaxda dowladd FKMG ah ay dhameeyaan khilafaadka dhexdooda ah.
Intaasi kadib, waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dheeraaday muhiimada shirka, fursaddaha hor yaala madaxda Soomaaliyeed iyo sidoo kale muhiimada uu dalka u leeyahay in la helo Dastuur ku yimaada wadatashi.
Khudbada R/wasaaraha oo PDF ah halkaan ka aqri.
Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed oo isna khudbo dhinacyo badan ka jeediyay halkaasi ayaa carabka ku adkeeyey muhiimada shirka wadatashiga ah ee Garowe, gaar ahaana kulankan maanta ee diirada lagu saarayo sameynta Dastuurka iyo turxaanibixintiisa, isagoo dhanka kalena carabka ku adkeeyey Midnimada iyo wadajirka qeybaha Soomaaliyeed.

Garowe


0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey