Wednesday, December 21, 2011

Shirka Wadatashiga heerka Qaran oo Wejigiisi 2-aad uu Garoowe ka furmay


Waxaa maanta abaare 4:00 galabnimo ka furmay magaala-madaxda Puntland ee Garoowe wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga ee looga arinsanayo Dastuurka qaran ee Soomaaliya
, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada KMG ah ee Soomaaliya, Puntland, Galmudug, iyo qaar kamid ah maamulada kale ee dalka ka jira.
Sidoo kale waxaa shirkaas kasoo qayb galay wufuud ka socota Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah, waxaana shirka furay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo dhamaan kasoo qayb galayaasha u dardaarmay cabsida ilaahay Soomaalida kalena ilaah uga baryey inuu qalbiyadooda isu soo dumo si dalku nabad iyo barwaaqu ugu caano maalo.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu khudbad dhinacyo badan taabaneysey halkaas ka jeediyey ugu horeyna u mahad celiyey Wufuuda tirada badan ee shirkaas kasoo qayb galay islamarkaana sheegay in qabashada shirkani uu shacabka Puntlnad iyo maamulkoodaba sharaf weyn u yahay.
Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah qiime weynna ugu fadhida Puntland iyo Soomaaliya, isagoo intaas raaciyey in shirkani uu yahay talaabo weyn oo horey loo qaaday si Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo.
Madaxweynaha Puntland waxa kale oo uu soo hadal qaaday in qabsoomida shirkani ay tahay mid dowlada iyo shacabka Puntland ay wakhti, maskax, iyo dhaqaale tira badan geliyeen iyaga oo ujeedadoodu tahay inay marti geliyeen shirweyne guud oo ay isugu yimadaan dhamaan dhinacyada Soomaalidu.
Mr Faroole oo khudbadiisa arimo badan kusoo hadal qaaday ayaa mahad balaaran usoo jeediyey intii isku howshay qabanqaabada shirkan iyo weliba sidii uu si habsami leh ugu qabsoomi lahaa gaar ahaan ciidamada ammaanka ee Puntland oo iyaga uu madaxweynuhu sheegay inay qoraxda u taagan yihiin mar walba heegan u yihiin sidii ay ammaanka shirka u sugi lahaayeen.
Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo isaga horey loo qorsheeyey inuu shirka khudbad ka jeediyo balse ka cudur daartay inuusan wax badan oran karin maadaama ay jirto fariin deg deg ah oo kasoo gaartay Ban Ki Moon taas oo ah inuu isaga u metelo shir looga hadlayo sidii howlgalka ciidamada AMISOM loo baahin lahaa oo ka dhacaya magaalada Adis-Ababa ayaa bilowgii shirka ka baxay isagoo sheegay in uu habeen danbe soo laaban doono.
Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo isna xafladii furitaanka ee shirka wada tashiga wejigiisa 2-aad ee maanta Garoowe ka furmay khudbad kooban oo aad u qiima badnayd ka jeediyey ayaa tilmaamay in hadii aan wadajir loo wada shaqeyn isku duubnina la muujin aan waxba la qaban karin beesha caalamkana hadii taas la waayo aan taageero laga heleyn.
Ra’iisul wasaaruhu waxa kale oo uu soo hadal qaaday dib habeynta Dastuurka qaranka iyo dib u eegista golaha Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay yihiin labo arimood oo hadii shuruudaha laga rabo ay buuxiyaan udub dhexaad u ah horumarka bulsho walba Soomaaliyana ay guul iyo baraare gaari doonto hadii ay hesho Dastuur ka turjumaya baahida shacabka iyo Baarlamaan ay dadku soo doorteen una qalma kana soo bixi kara howsha loo idmaday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadam oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Puntland iyo Maamulkeeda gogosha nabadeed ee ay umada Soomaaliyeed u fideyeen isagoo sheegay inuu rajaynayo in shirkani uu noqdo mid horseeda in dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira xal loo helo.
Wuxuuna aad carabka ugu adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in Dastuurka qaab cadaalad ku saleysan loo dhigo maadamaa dhibaatoyinka mudada 20-ka sano ka badan Soomaaliya ka jiraa ay asalkoodii hore ka unkameen cadaalad dari ay sameeyeen maamuladii horay dalka usoo maray iyo Dastuur cid walba xuquuqdeeda siinaya oo aan jirin.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas kadib hadalka qaatay wuxuuna madaxweynuhu si diiran usoo dhoweeyey ugana hanbalyeeyey gogosha iyo soo dhoweynta ay Puntland Soomaaliya inteeda kale u fidisay isagoo sheegay inay tahay mid ujeeda looga gol leeyahay in ay tahay in Soomaalidu ay aayahooda kaga tashtaan.
Mudane Shariif ayaa ka dhawaajiyey in dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa ay tahay mid salka ku haysa maadaama aanay horay dadka Soomaaliyeed nasiib ugu yeelay inay arkaan doorasho xor ah oo qof walba uu fursad u helayo inuu codkiisa si hufan u dhiibto.
Wuxuuna ugu danbeyntii tilmamaay in geedi socodka Road Map-ku uu hadii sida loogu tala galay ee loo qorsheeyey uu u fulo uu noqonayo wada keliya ee Soomaalidu ay u mari karaan horumr iyo baraare ay gaaraan.
Khudbada madaxweyne Shariif kadib waxay wufuudii shirkaas joogey u baxeen fasax yar si ay salaada Makhribka usoo tukadaan dib ayeyn isug soo laaban doonaan inkasta oo Saxaafada badankeedu ay fasaxaas kadib madasha shirka isaga soo hayaameen.
Howlwadeenada warbaahitna Horseed Media waxay bulshada ku taxan u balan qaadayaan in ayaamaha uu wejiga 2-aad ee shiraka wada tashigu Garoowe ka socdo ay si dhamaystiran uga haqab tiri doonaan.
Allhoryaal
Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey