Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

Friday, April 23, 2010

MSF oo indhaha fiiqayso

Calaamada MSF Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka bilowday olole loo bixiyey Haddiyadda aragga, oo indhaha loogu fiiqayo ilaa 500 oo qof ayaa waxaa fulinaya hayadda caafimaadka ee MSF.Dhaqaatiirta fulinaysa qaliinkawaxay isugu jiraan dhaqaatiir Soomaali ah iyo kuwo u dhashay Pakistaan, oo uu hormuud u yahay Dr Abdirazak Ahmed Dalmar oo ah doctor ku taqasusay cudurada iyo caafimaadka indhaha, ahna maamulaha isbitaalka indhaha ee Al-nuur ee Muqdisho. Waraysiga Dr DalmarAbdinur Maxamed oo khadka telefonka gaalkacyo ku warystay ayaa Dr Abdirazak Dalmar wuxuu uga waramay hawsha indha-fiiqidda ee ay wada...

Qanyare: Adan-Madoobe waa dhacay

Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in muranka u dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaal 300 kor u dhaafay oo u arka in xilligiisii dhammaaday, uu hadda meel xun gaaray.Waxaa uu Qanyare ku tilmaamay in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo isagu maalmahanba ku kala dhex jiray Guddoomiyaha iyo mudanayaasha ku kacsan uu hadda la saftay Guddoomiyaha. Qanyare wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu ku xad gudbay Axdi Qarameedka Soomaaliya.Mudanaha oo si toos ah ugu warramayay barnaamijka Dunida iyo Maanta ee BBC, wuxuu ku taliyay in loo hoggaansanaado qaanuunka. Mudane Qanyare oo hadda...

Thursday, April 22, 2010

USA iyo African Union oo ku baaqay in La Xoojiyo Howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya

Xubno ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa socdaal ku gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka halkaas oo kula kulmeen masuuliyinta wadankaasi oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah. Masuuliyin ka tirsan Dowlada Maraykanka gaar ahaan waaxda u qaabilsan amuuraha qaarada Afrika iyo xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arimo ay ka mid tahay xaaladihi ugu dambeeyey ee Soomaaliya. Masuuliyinta Midowga Afrika ka socday oo ka tirsan guddiga nabadgalyada ee Ururka ayaa ka waramay howlaha ay Ciidanka AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee hoos tega iyaga,waxaana ay sii qoto dheer uga warameen waxyaabaha u qabsoomay inta ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Xubnaha Dowlada Maraykanka ayaa sheegay in ay taageero diyaar la yihin Ciidanka AMISOM,waxaana ay ugu baaqeen in xoojiyaan...

Tuesday, April 20, 2010

Djibouti oo dastuurka beddeshay

Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti ayaa maanta go'aansaday in xilka Madaxweynenimada la hayn karo saddex xilli oo xiriir ah. Taas uu Macanaheedu yahay in Madaxweynaha hadda xilka haya, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu mar saddexaad u tartami karo jagada Madaxweynenimada oo hadda uga eg sannadka soo socda. Dad ayaa ayaguna ku bannaan baxay baarlamaanka hortiisa, kuwaas oo taageersan in dastuurka wax laga beddelo si madaxweynuhu uu mar saddexaad ugu tartami karo xilka. Waxay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya waxqabadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay ku dalbayaan in uu xilka ku soo laabto. Baarlamaanka Djibouti oo ka...

Angelina Jolie oo u damqatay Soomaalida

Angelina Jolie oo u damqatay Soomaalida Angelina Jolie iyo Brad Pitt iyo carruur ay korinayaan Angelina Jolie, waxay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda kumanyaal qof oo ku barakacay colaadda Muqdisho. In ka badan 170 kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa khasab ku noqotay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Soomaaliya tan iyo sannadkan billowgiisii. "Xanuun ayay igu haysaa qiimeyn la'aanta nolosha aadanaha ee Soomaaliya ka taagan" ayey tiri Angelina Jolie oo ah Danjire sharafeed, hey'adda Qaxootiga ee QM, UNHCR, waxay tiri. Dad fara badan ayaa ka qaxay Muqdisho. Qaar kalena wey ku hareen, kuwaas oo barakacay isla markaana aan...

Pages 381234 »

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey