Iyada oo weli uu taagan yahay khilaafka soo dhexgalay Dawladda Federaalka, kaas oo salka ku haya, Awooda Dawladda, Dastuurka Qabyada ah, La xisdaabtanka Masuuliyiinta, Waxqabadka iyo Kala soocidda hawlaha, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.
Waxaa maanta shir isugu yimid xildhibaano gaaraya 150 Xildhibaan, shirka ayaa ahaa qaddo sharaf ay wada qaateen xildhibaanadu oo ka dhacay Hotel Saxafi. Kulanka ay isugu yimaadeen Xildhibaanadu ayey ka wada hadleen kulan maalintii shalay ka dhacay guriga Umadda, kaas oo ay isugu yimaadeen Qaar kamid ah Xildhibaanada, isla markaana la sheegay in kulankaas ay fadhiyeen 300 oo xildhibaan, waxaana Shir guddoominaayey Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Shiikh Muudey. Kulanka aya awaxaa ka soo baxay in Xukuumaddu Baarlamaanka codka kalsoonida soo weydiisato muddo saddex maalmood dhexdood ah.
Xildhibaanada maanta kulanka ku yeeshay Hotel Saxafi ayaa ku tilmaamey kulankii khamiista in uu ahaa mid aan sharci ahayn iyaga oo cuskaday qodobo dhawr ah:-
1.Tirada la sheegay in ay meesha fadhidey waxa ay ahayd mid been abuur ah
2.100 Xildhibaan ayaa ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha kuwaas oo soo dhaweynaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka
3.Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka u sheegay in guriga Ummadda ay ku sugan yihiin Xildhibaano ka yar Kooramka uu shir ku furman lahaa, waxaana ay isku waafaqeen in hawsha la galo maalinta Sabtida ah
4.Guddoomiyihii Baarlamaanka oo ku sugan Muqdisho cid kale xaq uma lahan in ay shirarka guddoomiso, haddii aanu wakiilan.
Dhegayso Waraysi VOA la yeeltay Cali Axmed Jaamac Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare, isla markaana ah Xildhibaan
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaanada maanta fadhiyey Hotel Saxafi ayaa qoray warqaday uga soo horjeedaan shariciyadda fadhigii Khamiistii ka dhacay Guriga Umadda, waxaana ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adan.
Khilaafka Shirguddoonka Baarlamaanka
Iyada oo khilaafka u dhexeeya Raysawasaaraha iyo Madaxweynuhu uu gaarey heerkii u xumaa ayaa hadda waxaa soo baxaya khilaaf soo kala dhexgalay Shirguddoonka baarlamaanka, khilaafkan ayaa guddoomiyaha Baarlamaanku ku sheegay in ay khiyaano ahayd wixii uu ku kacay Cabdiweli Shiikh Muudey taas oo ah in uu siiyey warbixin ah in Sabtida shirku dhacaayo, maantana aysan fadhiyin hoolka shirka Kooram ku filan, kadib uu raadiyaha ka maqley isaga oo ka hadlaaya shir uu guddoomiyey, Shariif Xassan Shiikh Adan ayaa ka dalbaday Guddoomiye kuxigeenka in uu faahfaahin ka bixiyo arinta uu ku kacay ee dabka ku sii shidey khilaafka, waqti uu ku hawlanaa in wax la xalin karo.
Safarka Madaxweynaha
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay dalka Uganda sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxweynaha, safarka ayaa la sheegay in uu la xiriiro arimaha ka dhexeeya labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo suga amniga Madaxda sare ee Dawladda.
Dadka ka faalooda siyaasadda aan nasashada lahayn ee Soomaaliya isla markaana u soo joogey khilaafyo badan oo Dawladdaha Soomaaliya loo dhiso hareeyey ayaa sheegay in safarkaan uu yahay mid wax u dhimaaya doonitaankii Madaxweynaha ee ahaa in uu Raysalwasaare cusub soo magacaabo ka hor inta aanu u safrin dalka Maraykanka.
Waxaana hada xoogeystey olalaha lagu deminaayo xiisadda ka dhalatay kulankii ay khamiistii isugu yimaadeen qaar kamid ah xildhibaanadu kaas oo lagu dalbaday in Sabtida ay xkuumaddu hortagto Baarlamaanka.
Beesha Caalamka
Weli waxaa socda baaqyada ka soo baxaya beesha caalamka ee loogu baaqayo Madaxda Federaalku in ay meel iska dhigaan khilaafka isla markaana la yimaadaan dawlad wanaag si adduunku u gacan qabto dawladda, waxaana baaqaas jeediyey Ergayga dalka Britian u fadhiya Qaramada Midoobey, Dawladda Maraykanka iyo Weliba Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya.
Kulanka Maalinta Sabtida.
Kulanka maalinta sabtida loo balansan yahay, ayaa waxaa la filayaa in diirada lagu saaro in sharci darro laga dhigo kulankii Khamiista iyo wixii ka soo baxay, kadibna loo yeero Raysawasaaraha oo laga dhegaysto waxyaabaha lagu eedaynaayo in uu ka jawaabo.
Waxaa muuqata in xildhibaanadu ay sii qaybsamayaan marba marka ka danbeysa, lamana saadaalin karo halka khilaafkan uu caga dhigan doono, inkasta oo magaalada Muqdisho uu ka maqan yahay Madaxweynaha Federaalku oo isagu hoggaaminaayey kooxda ka soo horjeeda Raysalwasaaraha.
Sida laga bartey siyaasiyiinta Soomaalida waa adagtahay in ay xaliyaan khilaafkooda kadibna wada shaqeeyaan, waxaana arintoodu u dhexaysaa laba midokood:
In qolo kamid labada dhinac ay meesha baneyso, hal dhinacna guuleysto
In la isu soo dhaweeyo isla markaana ay muujiyaan in khilaafkii baxay, laakiin ay hoosta iska haraatiyaan isla amrkaana iska daba shaqeeyaan weligood.
Dalka Soomaaliya ayaa ah mid xalkiisa lagu wareersan yahay muddo 20 sano ah, waxaana uu noqdey sheeko kamid ah sheekooyinka ugu naxdinta badan ee aan dhamaadka lahayn.
Allhoryaal@Horseedmedia-
Boosaaso-Soomaaliya
0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.