Tuesday, January 18, 2011

Gudigii Baarista dilkii raysal Wasaarihii Lubnan oo War ka soo saaray Baaristooda

Wadanka Lubnaan oo ahaa maalmihii aynu soo dhaafnay mid ay isbedlo dhinaca siyaasada ah ka jireen kadib iscasilitaankii Wasiiro badan oo ku jiray xukuumada Sacad Al xariiri ayaa sidoo kale waxaa iyagan sheegay in ay meel fiican u marayso soo bandhigitaanka dadkii ka dambeeyay dilkii raysal Wasaarihii hore dalkaasi gudigii qaramada midoobay ee loo xil saaray.



Gudiga oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa Lubanaan ayaa sheegay in ay haatan soo dhamaystireen baaritaakooda ayna u harsan tahay soo magacaabitaanka dadkii ay heleen inta ay baaritaanka ku jireen.

Gudigu waxaa ay iska fogeeyeen in ay qayb ka ahayd dowlada Lubnaan baaritaankooda iyo ka caawinta xogaha ay hayaan,waxaana ay sheegeen in ay kamadax banaanaayeen siyaasiyiinta dalkaasi.

Ururka Shiicada ah ee saamaynta weyn ku leh dalkaasi Xizbu Allaah ayaa sida la saadaalinayo waxaa loo badinayaa in ay kamid yihiin Liiska xubnaha la tuhun sanyahay.

Amiirka Ururka Xizbu Allaah Sheekh Xasan Nasra Allaah waxaa uu horay u diiday aqoonsiga gudiga loo xilsaaray baaritaanka dilkii sanadii 2005 raysal Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Al xariiri.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey