Thursday, November 10, 2011

A.U Qoraa Khaalid Cali Guul oo Duleedka Degmada Qardho Lagu Aasay [DHEGEYSO]

Alla ha u naxariistee waxaa maanta duleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lagu aasay Marxuum Qoraa Khaalid Cali Guul Warsame oo shalay Meydkiisa oo laga keenay dalka Denmark lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso
.

Mahdi Shiikh Ciise oo kamid ah ehelada Qoraagaas geeriyoodey ayaa Horseed Media uga warbixiyey qaabkii uu askiisu u dhacay, wuxuuna ugu horeyn sheegay in Meydka Alle ha u naxariistee Marxuum Khaalid Cali Guul Warsame xalay saqdii dhexe la gaarsiiyey Tuulada Shaxda aa ah goobtii uu ku dhashay.
Wuxuuna intaas ku daray in aaskiisa ay kasoo qayb galeen in badan oo kamid ah ehaladiisa oo ka kala yimid dalka iyo dibada labadaba isla markaana aaskiisa lasoo gabagabeeyey xiligii ay goorsheegta dalka Soomaaliya tilmaamaysey 8-dii subaxnimo.
Dhegeyso codka mid kamid ah ehelada Qoraa Khaalid oo ka warbixinaya qaabkii uu aaskiisu u dhacay
Play
Qoraa Khaalid Cali Guul Warsame oo dhinaca kale kamid ahaa ruug cadaayada hal abuurka Soomaaliyeed kuwooda caanka ku ah Murtida iyo suugaanta dhaxal galka ah kana tegey Buugaag badan oo jiilasha soo socdaa ay aqoon badan oo Mug weyn ka dhaxli doonaan ayaa dhowaan ku geeriyoodey dalka Denmark oo uu in mudo ah ku noolaa.
Waxaana Meydkiisa shalay lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso arintaas oo ay ugu wacnayd kadib markii in badan oo kamid ah eheladiisu ay isku raaceen in Janaazadiisa lagu dhigo dalkiisi hooyo gaar ahaan deegaankii uu ku dhashay oo ku yaala koonfurta maagaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey