Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Saturday, June 5, 2010

Wasiirka Waxbarashada Puntlland oo booqday Iskuulo saaka ay ka bilaawdeen Imtixaanka dugsiga sare

Garoowe:-Wasiirka Waxbarashada dowlada Puntland Cabdi Faarax Juxaa iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u fureen imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntlland, wasiirka iyo wafdiga lan socda ayaa waxaa ay booqasho ku tageen iskuulada ku yaal magaalada Garoowe.

Wasiirka Waxbarashada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa oo booqashadiisu ay ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo wasiirka maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa waxaa ay dugsiyadii ay booqdeen ardayda waxa ay kala hadleen in ay dhowraan anshaxa u degsan Imtixaanka iyo in laga fogaado wax walba oo wax u dhimaya habsami u socodka Imtixaanada.

Wasiirka Waxbarashada dowlada Puntlland Cabdi Faarxa Juxaa ayaa waxaa uu saxafaada kula hadlay xafiiskiisa wasaarada waxbarashada marki uu dhamay stay booqasahdii dugsiyada sare waxaan u sheegay maanta in ay faraxad weyn u tahay wasaarada wa barashada iyo bahada waxbarsahad ka dib markii maanta imtixaaanada dugsiyada sare ee Puntlland hal mar loo fariistay

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu shirkiisa jaraaid ku xusay in dhamaan 24 skuul ay maanta imtxaankii galaaska afaraad ee dugsiga sare ay u wada faríisteen taasina ay tahay guul u soo hoyatey bahda waxbarshada iyo Wasaarada waxbarashada ee Puntland.

Ardayda maanta imtixaanka galaaska 4aad ee dugsiga sare u fariisatay ayaa waxaa lagu qiyaasayaa ilaa in ka badan 1330 oo arday, usbiicii la soo dhaafay ayaa waxaa soo afmeermay imtxaankii dugsiyada hoose dhexe ee iskuullada maamulka P/Land si ay sanadka xiga ugu gudbaan dugsiga sare.

Bashir D Dhabayaco

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Furay Maalmaha Talaalka Hooyada Iyo Caruurta (Sawiro)


Munaasabad balaaran oo lagu furaayay maalmaha talaalka Hooyada iyo Carrurta ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Puntland taas oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweyne Kuxigenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire,Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame iyo Madax ka socota Hay’adda UNICEF iyo WHO.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka hadlay markii ugu horaysay Wasiirka Caafimaadka Puntland D.r Cali C/laahi Warsame oo sheegay in maanta si siman uu uga bilaabmay talaalka degaanada Puntland una soconaayo mudo 5 cisho ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in talaalkan uu yahay mid tayaysan oo ah talaalka dunida laga isticmaalo mid lamida ah.

Sarkaal Ka socday Hay’adda UNICEF ayaa isna ka hadlay goobtaa,waxaana uu sheegay in talaalkan looga dan leeyahay sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka taasoo la keenay talaalka tayaysan oo laga talaalayo cudurada halista ah.

Waxaa kale goobta Ka hadlay Hay’adda WHO sarkaal ka socday oo lagu magacaabo Dr Shiikh Cali oo isna ka hadlay faa’idooyinka talaalka uu u leeyahay Hooyada iyo dhalaanka.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Doortey


Mudaneyaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaba gabeeyey doorashada Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo maanta lagu qabtay guriga golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xilkaas ayaa waxaa u tartamaayay musharixin badan,balse waxaa tartanka doorashada ka muuqanaayay labo Xildhibaano oo kala ah Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Doorashada ayaa gaartay wejiga saddexaad oo lagu kala baxay,waxaana isku soo haray xilligaasi Xildhibaanad Khadiijo iyo Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa ku dhawaaqey natiijada kama dambeysta ee doorashada,wuxuuna sheegay in xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo helay 192-cod halka ay kaalinta labaad gashey Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo heshay iyadu 130-cod.

Doorashada ayaa inta badan hogaamineysay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo loo saadalinaayay in ay ku guuleysan doonto xilkaas.

Labada Musharixin oo isku soo haray wareega saddexaad ee doorashada oo goobtaa ka hadlay natiijada ka dib ayaa soo dhoweeyey qaabka ay doorashada u dhacdey.

Maalinimada berito ayaa lagu wada in sidoo kale la qabto doorashada Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan Musharixin badan.

Xilka Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ayaa waxaa ahaa Prof:Maxamed Cumar Dalxa kaas oo maanta cambaareyey doorashada kuna tilmaamay mid sharci darro ah una yahay Guddoomiyaha sharciga ah.

Thursday, June 3, 2010

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis


Dhammaan waxaan ogaysiinayaa asxaabta in aan dibu habayn aan ku wadno webkaan lana casriyaynayo in sha Allaah oo aad kaga bogan doontaan arrimo badan oo isugu jira taariikhda dalkeena , suugaanteena wacan .diini iyo waliba maqaaloo nabadda ku saabsan, adinkuna waad ka soo dhiiban kartaan afkaartiina waana muhiim haddaba dhanka hoose ee waraaqda ku soo dira ra'yigiina adinkoo cabbiraya asxaabey.
Mahadsanidiina
BY:Bashir D Dhabayaco

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey