Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Saturday, June 5, 2010

Taageerayaasha Xisbiga kulmiye oo bilabay ololaha doorashada Somaliland‏

Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee kulmiye oo maanta bilaabay ololaha udiyaar garowga doorashada madaxweyna nimada maamulka somaliland oo lagu wado inay dhacdo 26ka bisha june.

Waxaa Maanta kabilowday Magaalooyin badan oo kamid ah Somaliland isusoo baxyo balaaran oo ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye
Waxaa Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Boorame iyo Laascaanood ka dhacay munaasabado waaweyn oo ay soo Qaban qaabiyeen madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga kulmiye taa soo ay ugu baaqayaan dadku inaay doortaan.

Waxaana maanta magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ka dhacay munaasabad ay Taageerashaaya Kulmiye isugu yimaadeen Dowlada hoose ee laascaanood waxaana halkas dadkii isugu soo baxay kala hadlay masuuliyiin katirsan xisbiga mucaaradkee kulmiye oo uu kamid yahay Cabdi waaxid Cabdiqaadir oo ugu baaqay dadka Reer laascaanood inay codkooda siiyaan xisbigooda waxayna
socdaal kusoo mareer magaloyinka Adhicadeeye iyo Yagoori halkaasoo sidiiran loogu soo dhaweeyay
hase ahaaye waxaan laga dareemin ololahaas magaloyinka Badhan Hadaaftimo Laasqoray Xudun iyo Taleex oo iyagu ah magaalooyinka ay wali daganayn xaaladddooda ka tirsanaan ahaan maamullada bacdamaa ay sannadihii ugu danbeyey siyaasad ahaan isku hayeen labada maamul ee somaliland iyo Puntland. isagoo shacabka badankiisu uu u hanqaltaagayo si ay usameeystaan maamul gooniya waa sida waayahaan danbe la shaacinayaye.

sidoo kale waxaan ololahaasi gabi ahaanba laga dareemin gobolka Cayn

Maalinimadii shalay ayaa sida noo kale waxaa ololahooda kasameeyay gobolla badan Xisbiga Talada haya ee udub Waxaana barri lagu wadaa inay isu soo baxaan Taageerayaasha Xisbiga Ucid.

By: dhabayaco
Melb-Australia

Walad Cabdalla oo ku baaqay in la badalo magaca KMG, isagoo xafiiska kasii tagaya


Walad Cabdalla oo ku baaqay in la badalo magaca KMG, isagoo xafiiska kasii tagaya
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmadu Walad Cabdalla oo ka hadlayay furitaanka shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo shalay ka furmay magalada Lundi ee dalka Sweden ayaa codsaday in la badalo magaca dowladda KMG Soomaaliya laguna badalo magaca dowladda Soomaaliya.

Cabdalla ayaa sheegay in magaca KMG ah ay Soomaaliya kusoo jirtay mudo 20-sano ah wax xal ahna aan lagu gaarain iyadoo dowladba dowlad kale ay usii dhiibeysay, loona baahanyahay in lahelo magac dowlad rasmi ah.

Dhinaca kale Axmadu Walad Cabdalla ayaa sheegay in uu isaga tagayo xilka uu haatan ka hayo qaramada midoobey oo ah wakiilnimada arimaha Soomaaliya.

Diblumaasi u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu wadaa in lagu badalo Axmad Walad Cabdalla oo mudo ka badan sedex sano xilkan soo hayay.

Shirka uu ka hadlay Axmadu Walad Cabdalla ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada Cali Axmed Jaamac Jangali dhankastoy ahaataba la arkee halka uu xaalku ku gayoodo.

B D Dhabayaco
Melb-Australia

Brof Dalxa “waa wax aan hore loo arag arinta maanta dhacday”


Brof Dalxa “waa wax aan hore loo arag arinta maanta dhacday”
Brof Maxa’ed cumar Dalxa oo wali sheeganaya in uu yahay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro kiu tilmaamay doorashada maanta la doortay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Dalxa ayaa arin aan hore loo arag ku tilmaamay arinta maanta ka dhacaday guriga umadda ee magaalada Muqdisho isagoo ula jeeday doorashada gudoonka baarlamaanka.

Brofesoorka ayaa beeniyay hadal saaka kasoo yeeray gudoomiyaha gudiga doorashada gudoonka baarlamaanka oo ahaa in maxkamadda sare ay fasaxday doorashada, waxa uuna shegay in Xaaji Shukri arintaasi lagula xisaabtami doono.

Dalxa ayaa sheegay in maxkamada sare uu wali go’aankeedu yahay in la joojiyo doorashada gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka, isagoo sheegay in isagana uu kawar sugayo maxkamadda.

Brof Dalxa ayaa ciidamada booliska dowladda KMG ku eedeeyay in ay maanta ka hor istaageen kursigiisa.

Hadalka kasoo yeeray Brof Maxa’ed Cumar Dalxa aya kusoo beegmay saacado un kadib markii xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashada maanta dhacday

جنوب السودان: سبعة قتلى في اشتباكات بين الجيش وفصيل منشق



اشتباكات بين جيش جنوب السودان وفصيل منشق في ولاية الوحدة الجنوبية.

وقال كيول ديم كيول المتحدث باسم الجيش الجنوبي ان "جنودا من الجيش الشعبي لتحرير السودان كانوا يطاردون قلواك قاي (زعيم الجماعة المنشقة)، بينما كان هناك شبان وحراس سجن يبحثون عنه ايضا، ووقع تبادل لاطلاق النار فلقي ستة حراس وجندي مصرعهم".

واضاف في تصريحات لوكالة الأنباء الفرنسية "تبين لهم لاحقا انهم يبحثون بالفعل عن الرجل نفسه وانهم من فريق واحد".

يذكر أن تسعة أشخاص لقوا حتفهم في وقت سابق من الأسبوع الحالي خلال معارك بين جيش الجنوب وميليشيا قاي.

من جانبه أكد قائد متمرد آخر هو الجنرال جورج أتور أنه ينسق عملياته القتالية مع قاي.

تقرير المصير

ويتهم جيش جنوب السودان حزب المؤتمر الوطني الحاكم في الشمال وأجهزة الاستخبارات في شمال البلاد بدعم أتور مع اقتراب موعد الاستفتاء على تقرير مصير الجنوب في يناير/ كانون الثاني القادم.

وكان حزب المؤتمر الوطني الحاكم والحركة الشعبية لتحرير السودان وقعا اتفاقا للسلام في يناير 2005، مما منح الحركة حكم الجنوب.

ونص الاتفاق على إجراء استفتاء على تقرير مصير الجنوب في يناير 2010، حيث يختار الجنوبيون بين الاستقلال عن الشمال وتكوين دولة منفصلة أو البقاء ضمن دولة السودان.

لكن منذ توقيع الاتفاق بين الجانبين، برزت الكثير من العقبات والخلافات بين الحركة الشعبية وحزب المؤتمر الوطني حول تفسير نصوصها.

ويخشي مراقبون أن تتفجر بعض القضايا التي لا تزال عالقة بين الجانبين في حال انفصال الجنوب ومن بينها قضايا الحدود ومنطقة أبييي وغيرها.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey