Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan EAU Garowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Madaxwaynaha Puntland Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furay Kalfadhi aan caadi ahayn oo la isugu yeeray xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. .

Naadiga Comsed ee Gaalkacyo

Naadigan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas aasay magaalada gaalkacyo waxaana aasaasy Dr,C/qaadir Maxamed jaamac (dhaga cade).

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Sunday, June 6, 2010

Xeer ilaaliyaha guud ee DFKM C/laahi Daahir Barre oo sharci daro ku tilmaamay doorasho shalay dhacday

Muqdisho:-Xeer ilaaliyaha guud ee DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa waxaa uu ku til maamay doorshadii shalay ay xubnaha Golaha baarlamaanka DFKM ay ku dorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka mid garab marsan axdi qarameed ka u degsan DFKM.

Xeer Ilaaliyaha DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa waxaa uu ku tilmaamay wax laga xumaado in golihii sharci dejinta ee Baarlamaanka ay ku xad gudbaan sharciga iyo Axdi qarameedkii u degsanaan DFKM , Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaan uu xusay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ku lug lahayd doorashaadii shalay ka dhacday guriga Umadda.

Xeer ilaaliyaha DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa ku nuux nuuxsaday in doorashadii shalay lagu doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ay tahay mid horseedi karta khilaaf iyo fowdo arimkaas oo salka la geli doona in wasiirada ay xitaa xilalkooda isku qabsan doonaan.

gudoomiye ku xigeenka koowad ee DFKM Prof Dalxa ayaa shalay saxaafada ka sheegay in ay waxba ka jirin doorashada shalay ka dhacday guriga Ummadda sharcigana aysan waa faqsanayn isagana uu yahay gudoomiye ku xigeenka koowad ee baarlamaanka ee sharciga ah.

HORYAAL
Muqdisho

Kulan looga dooday in la mideeyo Imaamyada magaalada Minnesota oo ka dhacay masjidka Shafici.

Minnesota:-Waxaa masaajidka Imaam shaafici lagu qabtay kulan aad u balaaran oo lagu casumay dhamaan imaamyada masaajidada gobolka minnesota, waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u fara badan. waxay imaamyadu ka hadleen mawduucyo aad u fara badan oo hoos imaanaya in la midoobo oo laga shaqeeyo midnimada iyo sidii ay jaaliyadda soo maaliyeed ee reer minnesoto wax u wada qabasan lahayd.

Imaamyada ka soo qayb galaan kulankaan oo ka hadlay waxaa ka mid ahaa:

1) Sh. C/qani qardhaawi (masjid imaam shaafici)
2) Sh. AXmed Taajir (Masjid Umatul islaam)
3) Sh. Maxamed mursal (Masjid Ixsaan)
4) Sh. C/risaq sancaani (Masjid Rawdah)
5) Sh. Xasan Jaamici (masji Dacwah)
6) Sh. C/qadir cali (masjid furqan)
7) Sh. C/raxman sharif ( masjid darul hijra)
8) Sh. C/raxman haguf (masjid khalid binu walid)
9) sh. cumar fiqi (masjid karamel)
10) Sh. Sacad (jamciyada salaama)


mawduucyada laga hadlay waxaa ka mid ah sidatan:

1) Bilawgii waxaa furfuray sh. cabdiqani oo ka hadaly in uu masaajidka ku soo dhoweyey dabadeena dadka ku baraarujiyey in la wada shaqeeyo oo layska war hayo, wuxuu dadk xusuusiyey in hadii aan isku duubnaano dhisan karno iskoolo waawayn oo islaami ah si aynu caruurteena u ilaashano, iyo waliba cusbitaali, jaamacado inoo gaar ah, ugu dambayntii wuxuu culumada ku baraarujiyey in ay ka shaqeeyaan si ay umadda uwada wadi lahaayen, dadkana wuxuu ku baraarujiyey in masaajida lagu xirno.

2) Waxaa ku xigay sh. axmed taajir oo isaguna ka in laysku kaalmaysto wanaaga oo laga wada shaqeeyo wixii wanaaga ah ilahayna la kaashado, wuxuu tilmaamay hadii umadu ayan iskaashan inayan wax wada qabsan karin,wxuu ku soo gabagebeeyey in ilaahay dartii loo walaaloobo.

3) Waxaa ku xigay sh. maxamed mursal oo isaguna tilmaamay midnimada wanaaga ay leedahay iyo waliba in aynu ilaahay cibaadadiisa ikhlaas uga dhigno, in ilaah loo toobad keeno isagoo tilmaamay shuruudaha ay tawbadu leedahay.

4) Sh. sancaani isaguna wuxuu ku dheeraaday midnimad iyo wada shaqaynta, iyo in masaajida laga war hayo, in masaajidadu ku dhisan shacabka ku tukana, inay masaajidadu yihiin meesha kaliya ee laga heli karo wixii wanaaga aduun iyo mid aakhiro ah, wuuxu kale uu ka hadlay wanaag in lays faro oo xumaant layska reebo.

5) Sh. xasan jaamici isagu wuxuu aad ugu dheeraaday midnimada, wuxuu gaar ahaan ula hadlay culumada iyo imaamyada masaajida gacanta ku haya inay bilaaban midnimada, oo ay niyada ka midoobaan intaan afka laga midoobin.

6) Sh. cabdiqaadir cali ayaa isaguna ka hadlay waxaa lagu midoobi karaa oo kaliya waa kitaabka ilaahy iyo sunada nabiga, arintaaana waxaa keeni kara waa in la barto kitaabka iyo sunada, gaar ahaan wuxuu ka hadlay tawxiida iyo caqiidada inay tahay asaaska qofka muslimka ah, oo hadii ay caqiidadaadu fasit tahay in camarlkaagu uuna waxb ka jirin.

7) Sh. cabdiraxmaan wuxuu aad uga hadlay in layska ilaawo khilaafaadka dadka muslimiinta ah u dhexeeya oo ay muhiin tahay in aanan lagu mashquulin inta layku diidan yahay ee laga wada shaqeeyo wixii laysku ogol yahay.

8) Sh. cabdiraxmaan haaguf ayaa wuxuu ku dheeraaday khilaafaadka muslimiinta u dhexeya iyo in ay dan noo tahay in layska ilaawo wixii khilaaf ah oo la midoobo oo dant guud la eego si umada masiirkeedu u hagaago

9) Waxaa soo gebagebeeyey sh. Sacad oo isagu dul maray culumada waxyaalihii ay ka hadleen in la dhaqan geliyo midnimada, dabadeed wuxuu u duceyey dhamaan muslimiinta gaar ahaan dadkii ka soo qayb galay kulankaas.

Gabgabadii waxaa la oran karaa waa kulankii ugu horeeyey ee ay masaajidda reer minnesota isigu yimaadan. waxaana laysku afgartay in la badiyo kulamada noocan oo kale ah.

@Allhoryaal
minneapoli-mennesota

28qof oo lagu dilay Muqdisho

Dagaalka oo bilowday aroortii hore ee saaka (Khamiis) ayaa waxaa uu hadda xooggiisu ka socdaa degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan, Shibis iyo Hawl-Wadaag waxana dhinacyada dagaallamaya ay adeegsanayaan madaafiic, hoobiyayaal iyo qoryaha fudud ee darandoorriga u dhaca.

Sarkaal ka tirsan kooxaha gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa BBC u sheegay in ay qaadeen dhaawaca in ka badan 40 qof.

Sarkaalku wuxuu kaloo xaqiijiyay dhimashada 11 ruux oo u badnaa rayid hubka la isku ridayo xaafadahooda uu ku gaaray.

Waxaa laga cabsi qabaaa in dhimashada iyo dhaawacuba ay sii kordhaan maadaama uu dagaalkii weli socdo.

Dagaalka maanta ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda waxaana maalmihii u dannbeeyay la arkayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo loo daadgureyno aagagga hore ee dagaalka.

Dhaawcyada ugu badan waxa la gaarsiiyay isbitaalka Keydsaneey ee duleedka degmada Kaaraan oo ay maamusho Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Allhoryaal
Muqdisho

Dhoollatuska UCID ee Hargaysa



Maalin saddexaaddii oo uu u lahaa kaltanka ololaha xisbiga UCID, ayaa waxa u soo banbaxay kumannaan taageerayaashiisa ah magaalooyinka waaweyn ee ay ka mid yihiin Burco iyo Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbigaasi, isla markaana ah musharraxa madaxweynennimda, Faysal Ai-Waraabe, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay beerta xorriyadda ee magaalada Burco, waxanu uga waramay barnaamijkiisa siyaasadeed iyo sababah uu u doonayo in loogu codeeyo xisbigiisa.

Faysal waxa kale oo uu hore u soo maray magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan bariga Somaliland.

Magaalada Hageysa waxa iyaguna taageerayaashoda kula hadlay musharraxa madaxweyne-ku-xigeennimada, Rashid Sh Hassan, iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ka soo jeeda xisbiga UCID

Labada xisbi ee kale, UDUB iyo KULMIYE, waxay kala sameeyeen dhoollatuskoodii maalmihii Jimcihii iyo Sabtidii o ay u kala lahaayeen kaltanka ololaha doorashooyinka ee axsaabta.

waxaana la arkayaa in si is daba jooga ay usoo bandhigayaa axzaabtu dhoolla tusyadooda ku wajahan bulshada iyagu doorashada kaarka qaatay ee codaynaya.
la arki doonee xizviga ku guulaysta oo madaxa maamulka SomaliLand hanta.

Doorashooyinka Somaliland waxa qorshaysan in la qabto 26 June hadduu Alle idmo.

Allhoryaal
Melb-Australia

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey