Wednesday, September 29, 2010

9 ayaa dhintay,ilaa 16 kalena waa dhaawac


Madaafiic ku dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan sagaal qof, 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

 

Madaafiicda ayaa waxa ay ku dheceen qeybta khudaarta ee suuqa Bakaaraha.
Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaasta dagaal goos goos ah oo ka dhacay degmada Hodan, halkaasi oo ay isku weydaarsanayaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo ay taagerayaan ciidamada AMISOM iyo kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradka ah.
Dhawr madfac ayaa maanta ku dhacay suuqa Bakaaraha oo ka mid ah goobaha ay dadku ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho.
Lama oga meelaha ay ka imanayaan madaafiicda ku dhacaysa suuqa bakaaraha.
Allhoryaal
Muqdisho-Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey