Thursday, September 30, 2010

Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kulmay



Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweyne Shariif sheekh Axmed waxay kulan ku yeesheen garoonka dayuuradaha ee magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kulan ku yeeshay gegida dayuuradaha ee magaalada Djibouti. Madaxweyne Shariif ayaa Jabuuti gaaray ka dib markii uu ka soo socdaalay magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Shariif waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti ku soo dhoweeyay madaxweynaha dalka Jabuuti Isbaaciil Cumar Geelle, dabadeedna ay kulan yeesheen.
Kulanka labada madaxweyne ayaa ka dhacay qolka marti sharafta ee gegida dayuuradaha ee Djibouti, ma jirto wax faah faahin ah oo laga siiyay saxaafadda waxa ay labada mas’uul ka wadahadleen.
Arrime Ilaaliyaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe ayaa ayaa VOA-da u sheegay in kulanku uu ku saabsanaa wadatashiyo la xiriira xiriirka labada dal iyo xaaladda dalka Soomaaliya.
Mr. Hirabe ayaa sheegay in madaxweyne Shariif laga yaabo inuu socdaal ku tago dalalka kale ee urur goboleedka IGAD.

VOA Soamli

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey