Thursday, September 30, 2010

Wasiir hore oo lagu xiray Jigjiga



Wararka ka imanaya Magaaladda Jigjiga ee gobolka Soomaalida Ethiopia ayaa waxay sheegayaan in la xiray, Guuleed Casoowe, oo ahaan jiray wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Deegaanka Soomaalida. Guuleed ayaa waxa uu ahaa saaxiib si weyn ugu dhow Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar.
Dhowaan ayaa Guuleed Casoowe laga qaaday, xilkii Wasaarada Warfaafinta, Hadana waxaa BBC-da loo xaqiijiyay in lagu xiray, Xabsiga weyn ee Jeel Ogaadeen loo yaqaano.
Guuleed Casoowe waxaa si weyn loogu xasuustaa, inuu ahaa qoraagii Website ka Cakaaranews ee ku hadla afka deegaanka dowladda.
Intii uu wasiirka warfaafinta ahaa, waxyaabihii wasaarada warfaafinta laga hirgaliyay waxaa ka mid ahaa, furitaanka Idaacada Jigjiga FM.

BBC Somali Londen

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey