Wednesday, September 15, 2010

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Maanta Khudbad Dheer Ka Horjeediyey Fadhigii Baarlamaanka


Waxaa maanta kulan isugu yimid xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Cabdiweli Shiikh Muudey, waxaana la sheegay in ay goobta fadhiyeen 305 xildhibaan, taas oo ka dhigeysa in kooramku dhan yahay.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadley Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana uu goobta ka jeediyey khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa:-

Madaxweynaha ayaa ku dheeraadey sida ay lagama maarmaan u tahay in isbedel lagu sameeyo, xukuumadda hadda jirta, waxa uu sheegay in marar badan la sameeyey isku shaandheyn dhanka xukuumadda ah, taasna ma aysan suurta gelin in la gaaro himiladdii dawladda, “Waxaa markaan loo baahan yahay isbedel daruuri ah” ayuu yiri Shiikh Shariif isaga oo si toos ah uga codsadey Xildhibaanadu in ay iyaga yihiin kuwa arintaas go’aamin kara, anagauna gacan ayaan ku siineynaa, Isbedelka, waana mid daruuri ah oo aan cid gaar ah lagu xumeyneyn, waana isbedel la doonaayo in xukuumaddu ku fuliso waqtiga yar waxyaabihii u dhinaa ayuu yiri, Shariif Axmed.

Shiikh Shariif ayaa sidoo kale ka hadley dastuurka cusub, waxaana uu sheegay in guddiga dastuurku uu yahay mid madax banaan oo aan digreeto lagu magacaabin isla markaana aan laga ansixin Baarlamaanka sidaas darteed wax kasta oo ay keenaan uu yahay mid aan sharci ahayn, waxaana madaxweynuhu uu si toos ah u laalay dastuurkii qabyada ahaa, kaas oo hadda ku jira marxaladii wada tashiga.

“…Waxaa jira aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo qori kara Dastuurka anagu ma nihin dad hadda xornimada qaatey, lamana aqbali karo dastuur aan waddo sax ah loo marin…., Dastuurku ma geli karo ciyaar iyo lacagdoon, waxaana uu ka turjumaa umad Soomaaliyeed…., waana taariikhda dhabta ah ee umadi leedahay….” Shiikh Shariif.

Madaxweynaha ayaa ka hadley xiliga kala guurka ah, waxa uu sheegay in aad la inooku mashquuliyey 2011 kadib wixii la qaban lahaa, laakiin waa in aan ku mashquulno 2011-ka wixii aan qaban lahayn,

“…..Ma jirto cid is haysata, aniga iyo Raysalwasaaruhu isma haysano, aniga iyo Afhayeenka baarlamaanku isma haysano, qofwalba waajibaad ayaa saaran la doonaayo in ay ilaaliyaan, aniga waxaad ii doorateen in aan sharciga ilaaliyo, waxaan soo magacaabey raysalwasaare, waxaa isaguna soo dhisey xukuumad, haddii xukuumaddii ay socon weydey waa in aan idinku soo laabto isla markaana aan idiin sheego sidii aad u xalin lahaydeen….” Madaxweyne Shiikh Shariif.

Shiikh Shariif ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay dawladihii hore soo dhexgeli jirtey isla markaana xalin jirtey khilaafaadkooda, laakiin waxa ay ogaadeen in Dawladdaan ay tahay mid iyadu xalisan karta khilaafkeeda, “sida aad u xaliseen khilaafkii baarlamaanka ayaa la doonayaa in khilaafka hadda taagana u xalisaan”.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa baaq u direy umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ka codsadey in qofkasta wixii uu awoodo ku soo taageero dawladda, midkii cilmi hayaa uu keeno aqoontiisa, kii si kale u taageeri karaa uu taageero si loo helo dawladd Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan.

Dhanka kale waxaa isla goobta laga akhriyey warqad uu Baarlamaanka u soo qorey raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo isagu aan ka qaybgelin kulanka maanta, warqadda ayuu kaga hadlaayey mowqifka uu ka taagan yahay in xukuumaddu kalsooni weydiisato baarlmaanka xiligan, isaga oo cuskadey qodobo dastuuri ah in aysan xilligan ahayn waqtigii ay Baarlamaanka hortegi lahaayeen.

Kulanka maanta ayaa lagu qaybiyey mooshin ka dhanka ah xukuumadda, waxaana ku saxiixnaa 110 xildhibaan.

Axdiga kumeelgaarka ah ayaa siinaya Madaxweynuhu in uu laba goor oo keliya hortegi karo baarlamaanka fadhiyadiisa kuwaas oo ah, marka uu kalfadhigu furmaayo iyo marka uu xirmaayo, iyada oo kaldadhigu horey u furmey isla markaana aysan maanta ahayn maalintii uu xirman lahaa, waxaana khudbadda maanta ay u muuqatay mid kamid ah ololaha Madaxweynuhu ku doonaayo in xukuumadda hadda jirta la beddelo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn sida Baarlamaanku ka yeelaayo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda, iyo sida Raysalwasaare Shramarke u aqbali doono haddii Baarlamaanku kalsoonida kala laabto.

Beesha caalamka ayaa soo saartey baaqyo ay ugu baaqeyso madaxda Dawladdu in ay ka baxaan khilaafka isla markaana u midoobaan hawlaha shaqo ee horyaalo, waqtigan xasaasiga ahna aan loo baahneyn khilaaf caynkan oo kale ah.
Horseed Media
Bosaso-Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey