Wednesday, September 29, 2010

Warbixin Soomaliya oo noqotay waddanka ugu xun iskuul aadista(Sawirro)



Warbixin ay soo saartay kooxda u ololaysa waxbarashada ee Global Campain For Education (GCE) ayaa sheegtay, in Soomaaliya ay noqotay waddanka ugu xun adduunka ee iskuul laga aado.Dagaalka ka socda in ka bada labaatan sano ayaa saamayn ku yeeshay wax barashada. Daraasaadkii ugu danbeeyay ee laga soo aruuriyay wuxuu sheegayaa in boqolkiiba toban oo kaliya carruurta inay dhigtaan  iskuul.  Soomaaliya waxay ka mid noqotay waddamada ay dadkooda 70% toddobaatan boqolkiiba aysan waxba qori karin waxbana aqrin karin.
Liiska lixdanka waddan ee ugu saboolsan adduunka waxaa ugu hoos maray Soomaaliya waxaana ku xiga Eritariya, Haiti, Comoros, Ethiopia Chad ,iyo Burcino faso.

               Qaybo kamida sawirrada Iskuullada Soomaaliya
                               






Bashir Dahir Dhabayaco
Allhoryaal
Melbourne- Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey