Thursday, September 30, 2010

Shir Ku Saabsan Nabadda oo Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo



Kulan ballaaran oo ku saabsan nabadgalyada ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Gaalkacyo oo ay soo qaban qaabisay Ururka CPD ee ka shaqeeya horumarinta nabadda.

Waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin kala duwan oo uu kamid yahay Guddoomiyaha gobolka Mudug Col.Axmed Cali Salaad,
Odeyaal,Waxgarad iyo martisharaf kale.
Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay arrimaha nabadgalyada gobolka Mudug gaar ahaan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka oo ay ka dhaceen falal amaan darro mudooyinkii lasoo dhaafay.

Nabadoonada iyo dhamaan dadka halkaas ka hadlay sida ay u arkaan in wax laga qabto xaaladda amaan ee ka taagan gudaha magaaladda Gaalkacyo iyadoo ay sheegeen in ay aad uga xunyihin falalka amaan darrada.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo kamid ahaa dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in la isku afgartay sidii looga hortagi lahaa falalka ka dhanka ah amniga iyo sidii loola shaqeyn lahaa Ciidanka amaanka.

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalmihi lasoo dhaafay waxaa kusoo badanaayay falalka amaan darrada ah.
Horseed Media
Bosaso-Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey