Wednesday, October 6, 2010

Dowladda Yemen oo Xabsiga Dhigtay Tahriibeyaal Soomaali Ah

Dawladda Yemen ayaa xabsiga u taxaabtey muwaadinin Soomaali ah oo halkaas si sharci darro ah ku galay kadib markii ay soo galeen safar dhanka badda.

Ciidamada Amaanka ayaa xirey inka badan 55-qof oo Soomaali ah oo dhowaan soo gaarey xeebaha dalkaas ayna doonayeen in si sharci darro ah halkaas ku galaan.

Dadka la xir xirey ayaa isku jira rag iyo haween waxaana baaritaan ku haya saraakiisha Booliska oo ay weydiinayaan su’aalo kala duwan.

Dawladda Yemen ayaa heegan gashay tan iyo bilowgii sanadkaan markii xarakadda Al-Shabaab sheegtay in ciidan u diri doonto dalkaas isla markaana caawin doonaan ururada Islaamiyinta ee kasoo horjeeda Xukuumada Yemen.

Sanad weliba dalka Yemen waxaa u safra boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka cararaaya dhibaatooyinka ka jira dalkooda.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey