Tuesday, October 5, 2010

Jaamacadda East Somalia oo Ardaydii ugu horeysay ay Imtixaan u Fariisteen(Sawiro)



Qaar ka mid ah ardaydii ugu horeysay ee Jaamacadda Bariga Somalia (East Somalia University) ayaa si rasmi ah u fariistay Imitaaxka Tijaabadda ee u gudbida Jaamacadda.

In ka badan 70 Arday ayaa Imtixaanka u Fariistay kuwaas oo kala ahaa Qeybaha kala duwan ee Maamulka iyo Sharciga.


Inta uusan Imtixaanka ardayda u Fariisan ayaa waxaa hadal kooban u Jeediyey Masuulyiinta Jaamacadda, kuwaas oo kula dardaarmay in ay si taxar leh Imitixaanka u fiiriyaan.

Prof. Axmed Maxamed Barre oo ka mid ah Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda ayaa wax uu dardaaran u jeediyey arday isaga oo si gaar ah ugu booriyey in ay ardayda dhameystay Dugsiga sare ay muujiyaan dadaalkooda.

Waxa uuna ku dheeraaday Kuliyadaha ay Sanadkaan bilaabayaan isaga oo sheegay in ay Muhiimadda Koowaad siinayaan Kuliyadaha kala ah

Maamulka iyo Ganacsiga (Business Administration) iyo Shariciga Islaamka (Sharia Law) kuwaas oo Imtixaankooda Caawa ardayda u fariisteen.


       


Waxa kale oo uu sheegay in mudo dheer ka dib in Qardho laga hirgeliyo Jaamacadda ay tahay fursad qaali u ah Ardayda degaanka iyo guud ahaan Puntland, isaga oo si gaar ah uga hadlay in Magaaladda Qardho ay ka mid tahay Meelaha inta badan leh Jawiga Waxbarsho.

Ardayda u fariistay Imitixaanka ayaa intii aan loo gudbin Fasalada aad u hadal hayey qaabka iyo sida uu Imtixaanka u dhici karo, kuwaas oo hadalo kala duwan isku weydarsaday Banaanka hore ee Dhismaha Jaamacadda.

“Jaamacadda Bariga Somaliya waa Jaamacadii ugu horeysay, ee degaanka Qardho laga furo waxa ayna tani fursad u tahay in Waalidiinta Ardaydooda la jecel waxbarshadda ay ugu faa’ideyaan in ay u helaan waxbarsho dhow oo isla markaana leh tayo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Waalidiinta Degaanka oo ku sugnaa Xarunta Jaamacadda xilli Mid ka mid ah Caruurtiisa u Imtixaanka u fariisaney”.

East Somalia University waxa ay kaalin weyn ka qaadatay Horumarka degaanka, iyadda oo ardayda degaanka ay ku Mashquulsan yihiin sidii ay ugu mid noqon lahaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadda.

Sidoo kalena waxa Jaamacadda hawadda soo gelisay web ay si gaar ah u leedahay kaas oo lagu magacaabo www.eastsomaliauniversity.com.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey