Tuesday, October 5, 2010

Shiikh Shariif oo Soo Afjaray Wadatashiga Qofka Noqon Lahaa Raysalwasaaraha

Waxaa galabta (Talaado) dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynaha ayaa safar gaaban ku tegay dalka Kenya,
 halkaas oo ahayd goobta u danbeysey safaro wadatashi ah uu Madaxweynuhu ku bixiyey wadamada deriska ah.


Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intii uu ku sugnaa dalka Kenya waxa uu kulan la qaatey Madaxda dalka Kenya, Safiirada dalalka daneeya arimaha Soomaaliya, iyo weliba hay’ado caalami ah.
Warar Horseed Media heshay ayaa sheegaya in 48saac ee inaku soo aadan uu Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono qofka noqon lahaa Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka.

Waxaa jira musharixiin dhawr ah oo warbaahinta u sheegay sida ay u doonayaan in loo magacaabo Raysalwasaasaraha Dawladda, waxaana ay codsiyadooda u gudbiyeen Madaxweynaha, Dhanka kale waxaa jira musharixiin la sheegayo in ay aad ugu badan tahay in loo magacaabo Raysalwasaaraha kuwaas oo aan saxaafadda la hadlin.
Si kastaba ha ahaatee qofka loo magcabaayo Raysalwasaaraha ayaa ah mid lagala tashadey meelo badan gaar ahaan dalalka deriska ah iyo kuwa ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in uu jiro magac cusub oo ku soo biirey siyaasiyiinta saxaafaddu isla dhexwareegayso in loo magacaabi doono Raysalwasaaraha, ninkaas ayaa lagu magacaabaa Saacid Salaad, ma ahan nin horey uga soo dhexmuuqdey masraxa siyaasadda.

Raysalwasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Cumar Cabdirashiid ayaa is casiley kadib markii khilaaf maaro loo waayey uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweye Shiikh Shariif. Dawladda Federaalka ayaa bartanka ugu jirtaa dagaal aan joogsi lahayn kaas oo kaga imaanaya ururada mayalka adag ee al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, magacaabista raysalwasaaraha cusub ayaa ku soo beegmaysa xili waqtiga u haray dawladdu uu yahay mid gabaabsi ah.

HorseedMedia
Bosaso Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey