Thursday, October 7, 2010

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Kulan La Qaadatay Hay’adaha Ka Shaqeeya Farsamada Gacanta(Sawiro)

Waxaa maanta kulan isugu yimid Xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland ee magaalada Garoowe Hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada gacanta iyo waaxda Wasaarada Waxbarashada ee farsamada gacanta,
waxaana uu ahaa mid looga hadlaayay waxqabadkii saddexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qaabkii loo qabtay.


Agaasimaha Waaxda waxbarashada ee farsamada gacanta Maxamed Cali Faarax ayaa isagu kulanka ka hadlay,wuxuuna sheegay in kulankaan uu ahaa mid saddex biloodle ah kasoo lagula xisaabtamo hay’adaha fuliya mashaaricda ku saabsan farsamada gacanta.
Wuxuu sheegay in hay’adaha lagala hadlaayo qaabka ay saddexda bilood ee lasoo dhaafay wax u qabteen iyo waxaa ka dhiman ee loo baahan yahay in wax laga qabto.




Agaasimaha Waaxda waxbarashada farsamada gacanta ayaa hay’adaha u sheegay inuu booqan doono dhamaan goobaha laga barto farsamada gacanta isagoo xusay in muhiim tahay in hay’adaha oo kaashanaaya Wasaarada Waxbarashada la sameeyo Manhaj wax laga baro dadka dhigta dugsiyada farsamada gacanta.

Waaxda qaabilsan waxbarashada farsamada gacanta ee Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa waxaa la asaasay horaantii sanadkii 2009-kii iyadoo la sheegay in ay wax ka bartaan arday gaaraya 1,500-arday.

Hay’adihi ka qaybgalay kulanka maanta aya waxaa kamid ahaa Save The Children,EDC,DRC,DIAKONIA iyo UNECO oo dhamaantood degaanada Puntland kawada waxbarashada farsamada gacanta.

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey