Tuesday, October 5, 2010

Beelaha Majeerteen oo Guddi U Xilsaaray Xiisad u dhaxeysa Beelo Walaalo ah




Beelaha Majeerteen oo maalmahaan shirar isdaba joog ah ku yeelanayay magaalada Bosaaso ayaa guddi u xilsaaray wax ka qabashada colaad dhexmartay labo beelo oo walaalo ah oo hore ku dirriray degaano hoos taga gobolka Bari.



Afhayeenka Beelaha Majeerteen ee kulanka yeeshay Nabadoon Cabdicasiis Maxamuud Afguduud oo u waramaayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in guddiga ay ka koobanyihin 21-xubnood isla markaana dooran doonaan Guddoomiye ama cidda hogaamin lahayd.
Wuxuu sheegay in guddiga ay dedaal u geli doonaan sidii ay xal u heli lahaayeen xiisada ka dhex taagan labada beelood.

Nabadoon Afguduud ayaa ugu baaqay dhamaan dadweynaha in ay ka qayb qaatan sidii heshiis nabadeed u wada gaari lahaayeen labada beelood.
Dhowaanahan waxaa jirtay dadaalo ka soconaayay gudaha magaalada Bosaaso oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro xiisada u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey