Sunday, October 3, 2010

Siciid Jaamac Qorsheel oo Sheegay inuu Daneynayo Xilka Raysalwasaaraha Soomaaliya



Siyaasi Siciid Jaamac Qorsheel ayaa shaaca ka qaaday inuu kamid yahay Siyaasiyinta xilligaan daneynaaya in ay qabtaan Xilka Raysalwasaarinimo ee dalka Soomaaliya.
Isagoo ku sugan magaaladda Muqdisho una waramaayay warbaahinta Horseed Media ayaa waxaa uu sheegay in uu ka bixi karo jagadaan hadii loo magacaabo.



”…Aniga dhowr maalmood kahor ayaan Muqdishi yimid,dad badan ayaa iiga codsaday in xilkaan aan qabto marka rajo wanaagsan ayaan ka qaba in la ii magacaabo…”,ayuu yiri.
Mudane Qorsheel ayaa xusay in uu xilal badan kasoo qabtay degaanada Puntland gaar ahaan dowladihi soo maray isagoo soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaarado kale.
Mar aanu weydiinay inuu wax ka qaban karo xaaladda xilligaan ka taagan dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in uu khibrad wanaagsan u leeyahay xilkaan isla markaana ka bixi karo howlaha

Halkaan ka dhagayso waraysiga uu HorsedMedia siiyey Siyaasigu
http://horseedmedia.net/2010/10/03/siciid-jaamac-qorsheel-oo-sheegay-inuu-daneynaayo-xilka-raysalwasaaraha-soomaaliya/

HorseedMedia Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey