Shir ay leeyihin Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa kasocda magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada Jabuuti,waxaana ay aqoonyahanada ka kala yimaadeen gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Aqoonyahanadaan waxaa ay shirkaas ku falanqeynayaan sidii xal loo heli lahaa mushkilada daba dheeratay ee ka jirta gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay shirkaas,waxaana uu ugu baaqay aqoonyahanada Soomaaliyeed in ay wax ka qabtaan xaaladda dalkoodi Hooyo.
Shirka Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo dhamaado maalinimada berito,waxaana lagu wadaa in ay kasoo baxaan qodobo ku aadan sidii wax lagu qaban lahaa dhibta ka jirta Soomaaliya.
HorseedMedia
0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.