Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wefdi u hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Wefdiga Raysalwasaaraha oo qayb ka ah Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanada ayaa kasoo degay garoonka Aadan Cadde saaka,waxaana soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Dawladda Soomaaliya.
Raysalwasaaraha ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada,waxaana la sheegay inuu kulan la leeyahay golaha Wasiirada iyadoo aan la aqoon waxyaabaha ay kawada hadli doonaan.
Mudane Farmaajo ayaa weli wax hadal ah ujeedin saxaafada iyadoo aanay jirin cid ka hadashay safarka uu ku tegay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya.
Raysalwasaaraha ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole,wuxuuna sidoo kale dalka Itoobiya kula kulmay madax kala duwan oo uu kamid yahay Raysalwasaaraha dalkaas Meles Zenawi.
0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.