Wednesday, December 15, 2010

Ciyaarta Ugu Horeysa ee Koobka Gobolada Soomaaliya Oo Kasocota Magaalada Garoowe

Munaasabada lagu furaayay Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey iyadoo ay si toos ah u bilaabmatay Ciyaartii ugu horeysay oo dhexmaraysa labo gobol.

Masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka,Dawladda Puntland,Xirrirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada oo ka dhacdey garoonka kubadda cagta ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo khudbad ka jeediyey garoonka Mire Awaare ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh ah maadama mudo dheer kadib gobolada dalka ay isku imaadeen hal meel si ay u tartamaan.

Dr.Faroole ayaa khudbadiisa kadib si rasmi ah u furey ciyaaraha isagoo laaday kubadda saacadu markii ay ku beegnayd 03:49-PM oo galabnimo.


Ciyaarta ugu horeysay ayaa si toos ah uga socota garoonka iyadoo ay dhexmarayso xulalka kubadda Cagta ee gobolada Nugaal iyo Shabeelada Hoose,waxaana daawanaaya kumanaan dadweyne.


Masuuliyinta kala duwan ayaa iyaguna daawanaaya ciyaartan oo ah mid xiiso gaar ah xambaarsan,waxaana ay labada gobol kuwada jiraan Group-ka ugu horeeya ee Group A.

Natiijada Ciyaarta iyo Sawiro waan idin soo gudbin doona Insha’allah

Video-ga waxaan ka soo xiganay Horseed Media

1 Ra'yi ka dhiibo:

Maa shaa Allah P/land Guul ayaan leenahay ciyaarahana waxaan u rajaynayaa inay ku guulaystaan gobolada kale mid kamida in sha Allah ciyaar wanaag ayaan leenahay dhammaan dhalinyarada

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey