Wednesday, December 15, 2010

Madaxweynaha dalka Liberia oo Sheegtay In Ay Ka Qayb qaadanayaan Dib u dhiska Soomaaliya





Madaxweynaha dalka Liberia ayaa si rasmi ah u sheegtay in dalkaas diyaar u yahay inuu ka qayb qaato wax ka qabashada xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya.
Haweenayda lagu magacaabo Ellen Johnston Sirleaf ayaa tibaaxday in ay siweyn uga qayb qaadan doonaan arimaha dib u dhiska dalka burburay ee Soomaaliya,waxaana ay hadalkaan jeedisay xilli ay la kulantay Wefdi kasocda Dawladda Federaalka oo gaarey magaalada Monrovia ee caasimada dalka Liberia.

Waxaa ay intaas ku dartay in Ururka Midowga Afrika iyo wadamo kale kala kaashan doonaan sidii ay u hirgelin lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Liberia ayaa wefdiga Dawladda Federaalka u sheegtay in dalkeeda uu kasoo kabsanaayo burbur xoogan oo soo gaarey xilligii dagaalka sokeeye.

Dalka Liberia ayaa inka badan 10-sano kasocday dagaal sokeeye oo sababay dhimashada inka badan 200,000-qof oo rayid ah.

Horseed Media
Boosaaso- P/L

1 Ra'yi ka dhiibo:

Waan soo dhawaynayna danqashada madaxwaynahaan maadaama ay horay usoo aragtay tii wadankeeda waxaana ka rajaynayaa ummadda soomaaliyeed inay ka tashadaan aaayahooda danbe

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey