Saturday, January 15, 2011

Bariiska oo Geeska Afrika u qaaliyoobi doona burcad badeedda awgeed


Dalka Australia oo dibadda u dhoofiyo bariiska uga badan adduunka ayaa beeralleyda waxaa ay la’yihiin maraakiib ay kireystaan oo ay bariiska ku gaarsiiyaan dalalka sida aadka ah looga isticmaalo,
gaar ahaan geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo milkiilayaasha maraakiibta aanay ogoleyn in ay maraakiibtoodu maraan badaha ay ka afduubi karaan burcad badeedda Soomalida.
Qaar ka tirsan beeraleyda bariiska ee dalka Australia ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in ay ka cabsi qabaan in bariiska ay dhoofin waayaan, halka kuwa ay u suuragasho in ay bariiska dhoofiyaana ay sare u qaadi doonaan qiimaha bariiska, taasoo saameyn toos ah ku yeelan doonta dadka ku nool Bariga dhexe iyo Geeska Afrika.
Maraakiibta ganacsiga ee sida bariiska iyo raashiinka kale ee inta badan laga isticmaalo Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa ka wareeganaya gacanka Cadmeed iyo meelo ka mid ah badweynta Hindiya oo ay kooxaha burcada badeedda Soomaalida ka qowleystaan, iyagoo ka cabsi qaba in la afduubo.
Wakaaladda wararke ee Reuters ayaa qortay in maraakiibtaasi qaarkood ay u wareegayaan dekadda Cape of Hope ee dalka Koonfur Afrika.
Maraakiibta ka wareegta gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya ayaa qaarkood waxaa ay badda ku jiraan 10 ilaa 21 maalmood oo dheeri ah, taasoo qaali ka dhigeysa safarka iyo weliba kirada maraakiibta.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey