Tuesday, January 18, 2011

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka oo digniin Ujeediyey Xildhibaanada Maqan

Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin culus oo kama dambeys ah ujeediyey Xildhibaanada ka maqan dalka oo aan kasoo qaybgalin kulamada Baarlamaanka.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey
oo ka hadlaayay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa ay si deg deg ah kusoo laabtan oo ay kasoo qaybgalaan kulamada Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in hadii mudaneyaashaas imaan ilaa 22-ka bishaan oo ka harsan mudo afar maalmood in laga qaadi doono talaabo culus.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka qaybgalay kulanka ayaa laga codsaday in fariintaas ay u gudbiyaan Xildhibaanada maqan oo aan kasoo qaybgalin kulamada Baarlamaanka ay ku yeelanayaan Muqdisho.
Tani ma noqonayso markii u horeysay baaq loo jeediyo Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa iyadoo marar badan Gudoonka Baarlamaanka digniin u direy mudaneyaasha maqan.

HMedia-Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey