Tuesday, January 18, 2011

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda ku meelgaarka ah

Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ciidamada loo joogtayn doono mushaar ay dhowaan u bilaabeen.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ah wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,
 ayaa sheegay in xooggaga mucaaradka loogu baaqayo in ay ka mid noqdaan bulshada inteeda kale hadii kale awoodda ciidamada loo adeegsan doono.
Wuxuu wasiirku sheegay in dowladdu ay markan joogtayn doonto mushaarka ay siiso ciidamada.

Dhinaca kale, madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalintii Isniinta dalka Djibouti uga furay tababar ciidamo gaaraya ilaa 300 oo lagu biirin doonto ciidamada dowladda.

Waa markii labaad ee Djibouti lagu tababaro ciidamo ay Soomaaliya leedahay, waxaan kuwan ka horeeyay ciidamo ilaa 500 gaaraya oo dowladda loo tababaray.

Dowladda ku meelgaarka ah ayaa waxaa culays ku haya xoogaga mucaaradka ee Islaamiyiinta al-Shabaab, iyagoo ku dagaalamayo qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dowladdu waxay horay u sheegtay in ay 100 maalmood gudahood Muqdisho kaga saari doonto xoogaga al-Shabaab. Boqolkaas maalmood 50 ayaa hadda la soo dhaafay waxaana u dhiman oo kaliya 50 bari oo qura halka ay wax maraanna waa la sugayaa iyo sida uu ufulo mush-haarka loo bilaabay ciidanka dowladda oo muddo ka yar 7 bilood ay uharsantahay .

Allhoryaal

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey