Tuesday, January 18, 2011

Xaaskii madaxweynihii baxsadey ee Tunisia oo horey u sii qaadatey hal tan oo dahab ah

Xaaska madaxweynihii baxsadey ee wadanka Tunisa Zaynal Abidin Bin Ali Leila Trabelsi ayaa la xaqiiyey in saacidihii ugu dambeeyey awooda maamul ee ninkeeda ay qaadatey in ka badan Hal Tan oo dahab oo ku keydanaa Bangiga dhexe ee wadanka Tunisa.


Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Faransiiska ee lagu m,agacabo Le Monde ayaa qorey in marwo Leila Trables ay ku amartey maxada bangiga dhexe ee dalka Tunida in uu si deg deg ah u soo galiyo gacanteeda 1.5 tan oo dahab kaasi oo ku fadhiya aduun lacageed oo gaaraya 50 milyan oo doolar.

Wargeysku wuxuu sheegay in maxada bangiga uu ka biyo diiday dalabka xaaska madaxweyne Bin Cali, waxaase Leila ay ka codsadey saygeeda in uu u amro madaxa bangiga oo uu dahabkaasi u fasaxo.

Saacado ka dib markii ay dahabkii raratey Leila Trables waxay si deg deg ah ugu baxsatey garoonka diyaaradaha ee magaalada Tunis waxaana ay qabsatey diyaarad ku socotey magaalada Dubia halkaasi oo ay uga sii gudubtey magaalada Jedah ee dalka Sacuudiga halkaasi oo uu baxsad ku tagey ninkeedii ka dib markii uu ka cararey aqalka madaxtooyada Tunida ka dib markii rabshado iyo mudaharaadyo ay ka curteen caasimada dalkaasi,

Madaxweyne Zaynal Abidin Bin Ali oo 74 sano jir ah wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa wadamada dhaca waqooyiga Afrika marka laga soo tago Madaxweyne Qadaafiga Liibiya, waxaana Bin Cali lagu sheegaa in uu ahaa madaxweyne uu dilooday musuqmaasuq iyo xukun jacayl, tiiyoo ay u sii dheertahay qoyskiisa oo lagu xanto inay sidii ay doonaan ugu tagri faleen dhaqaalihi wadanka.

Arimaha musuqmaasuqa iyo ku tagri falka hantida qaranka dalkaasi ee ay ku kaceen qoyska madaxweyne Bin Cali waxaa laga xusi karaa iyadoo gabadha uu dhaley ee lagu magacaabo Nasirine ee ku nool magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ay ku nooshahay nolol lagu tilmaamay mid ka badbadis ah oo soo jiidatey in saxaafada caalamka ay wax ka qoraan.

Website WikiLeaks ee arimaha siyaasada iyo diblumaasiyada gaar ahaan kuwooda qarsoodiga ah banaanka soo dhiga ayaa qorey in Nasirine ay degan tahay deegaanka raaxad ah ee lagu magacaabo Disneyland ee ku yaal Castle Club ee magaalada Paris , waxaase la yaab leh iyadoo cuntada loogu geeyo diyaarad gaar ah oo ay leedahay.
Nesrine waa 24 sano waxaana ay leedahay uur waxaana la sheegay in ay qayb ka heshay 3.5 bilyan oo doolar oo qoyska Madaxweyne Bin Cali ka musuqmaasuqeen wadankaasi.

Tan iyo markii uu ka baxsadey dalkaasi madaxeyne Bin Cali waxaa cirka isku shareeray xaaladaha deganaansho xumo iyo waliba boob iyo bililiqo xoogan oo loo geystey goobo badan oo ka mid ah magaalada caasimada ah, waxaana arimahan loo tirinayaa xukunkii dheeraa Bin Cali oo dadku ay u dhabar adagygi waayeen.

Xukuumad cusub ayaa haatan lagu dhawaaqay waxaana xabsiga la dhigay madaxii ciidamada nabadsugida ee xukuumadii Bin Cali ninkaasi oo lagu tuhmayo in uu kaalin weyn ku leeyahay rabshadaha.

SBC-Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey