Tuesday, January 18, 2011

Wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga oo La Kulmaaya Raysalwasaare Farmaajo

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa dhowaan inuu kulan la qaato Raysalwasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Maraykanka.



Mr.Franco Frattinin ayaa Raysalwasaaraha kala hadli doona Xaaladda ka taagan Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

”…Waxaan sameynay dadaalo badan oo wax uga qabanayno xaaladda Soomaaliya,waana sii wadi doona…”,ayuu yiri.

Wasiirka arimaha dibadda wuxuu intaas ku daray in sanadihi u dambeeyey ay ka qayb qaadanayeen tabbabarka Ciidamada Dawladda iyadoo u tilmaamay in dhaqaale gaaraya 27-milyan Euro uga baxday ama bixiyeen.

Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo wefdi u hogaaminaayo ayaa iminka ku sugan dalka Maraykanka iyadoo ay halkaas kaga qaybgaleen shir looga hadlaayay xaaladda Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey