Guddoomiyaha jaamacadda Muqdishu Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa shalay u khudbeeyay jaaliyada Somalida ee dalka Nederlands.Guddoomiyaha mar uu ka hadlaayay caqabadaha ku hor gudban waxbarashada gudaha wuxuu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay tahay manhajka wax barashada dalka oo ah mid liita, taasoo laga dhaxlay dowladdii dhexe iyo gumeystihii dalka heysan jiray.
Dr. Cali ayaa sheegay in manhajyada kala duwan ee dalka ay wareer ku yihiin ardayda, sida kuwa Talyaaniga, Ingriiska, Faransiiska iyo Carabiga, wuxuuna ku taliyay in hal manhaj ah oo casriyaysan uu u wanaagsan yahay waxbarashada gudaha.



0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.