Saturday, January 15, 2011

Taliyaha Ciidanka Badda DFKM:Beesha Caalamka Ha inoo Qalabeeyaan Ciidankeena

Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan siiyaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed si looga hortago falalka Burcadbadeeda.

Admiral Faarax Axmed Cumar (Qarre) oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa ugu horeyn walaac xoogan ka muujiyey weerarada ay sii kordhinayaan kooxaha Burcadbadeeda
oo maraakiibta kasoo afduubanaaya xeebo aad uga fog kuwa Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in hadii xal deg deg ah loo helin Burcadbadeeda ay adkaan doonto mustaqbalka in lagu soo afjaro dhibaatada Burcadbadeednimada.
Taliyaha ayaa ka codsaday isla markaana ugu baaqay Beesha Caalamka in ay qalabeeyaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
”…Anagu waxaan soo jeedinay xalka marar badan,aduun weynaha waxaan ka codsanayna in ay inoo qalabeyaan Ciidankeena oo mudo hal sano ayay inagu qaadan karta in aan soo afjarno Burcadbadeeda…”,ayuu sheegay.
Admiral Faarax Qarre ayaa mar kale amaan usoo jeediyey Dowladda Puntland gaar ahaan talaabada lagu tabbabaraayo Ciidanka Badda kuwaas oo loogu talagalay ka hortaga Burcadbadeeda iyo tahriibta.
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya saacado kadib markii Burcadbadeeda ay afduub u geysteen Markab laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey